Godoonka waxbarashada Degmada Qoryooleey

Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey

Share

page kaan waxaa looga talagalay in lagu muujiyo Horumarka waxbarashada Degmada Qoryooleey

07/08/2025

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAJICUUN

Waxan ka tacsiyeeynayan geerida ku timid macalin cabdi geesey diiriye alle ha unaxariisto dhamaan ehelkii iyo qaraabadii iyo guud ahaan macalimiinta degmada qoryooley waxan leeyahay samir iyo iimaan alle ha idinka siyo Marti la JECELYAHAY ALLE haka DHIGO

Hortern alle ha cafiyo

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 25/06/2025

Alxamllh-
Waxaa si Nabad Noogu soo Dhamaaday imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, waxayna sanadkii 5aad ardayda Qoryooleey ay fursad u heleen inay ku galaan degmadooda.

Munaasabadda xiritaanka imtixaanka waxaa goob joog ahaa Gudoonka waxbarashada degmada Qoryooley, taliyaha Booliska, iyo mas'uuliyiin kale.

Imtixaanka waxaa maanta D. Qoryooley ugu Soo Dhamaaday arday gaaraysa 279 arday, waxana aan ka qayb galin 17 Arday .

Ardayda Degmada Qoryooley iyo guud ahaan ardayda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee imtixaanka usoo Gaba gaboowmay
waxaan u rajaynaa in Alle ku guuleeyo sidii ay nitiijo wax ku ool ah uga keeni lahaayeen Tijaabada Nololeed ee ay maanta galeen.

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 23/06/2025

Alxm waxa maalintii 3aad si habsami ah inoogsoo dhamaday imtixaankii fasalka 8aad EE KGS

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 22/06/2025

BismillahI!

Waxaa maanta oo tariikhdu tahay 22/6/2025
Si Nabad ah Degmada Qoryooley inoogu Soo Dhamaday maalinka 2aad ,
imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, waxaan Alle ka baryaynaa Maalmaha Noo Harsan In uu Si nabad ah inoogu Soo dhamaado

Godoonka waxbarashada Degmada Qoryooleey

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 24/11/2024

Maamulaha Qoryoley primary school Oo gudanaya Waajibaadiisa Shaqo Cabdulahi Macalin Cabdi .

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 23/11/2024

HAMBALYO AQSA SCHOOL WAXAAN IDIN RAJAYNAYAA HORUMAR LA TAABAN KARO

21/11/2024

HAMBALYO DHAMAAN MACALIMIINTA SOOMALIYEED

Munaasabada Maalinta Macalinka Awgeed hambalyo u diraayaa dhamaan Macalimiinta Soomaliyeed meel kasto ay joogaan, gaar ahaan macaliminta Degmada Qoryoley.

21ka November waxaa loo asteeyey in la xuso lana xusuusto Kaalinta faca weyn uu macalinku Bulshada ku dhex leeyahay.

Macalinku waa waalidka labaad ee Ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin.

Macalinku waa Mashiinka soo saara jiilasha ay umadi ku horumarto, wuxuuna mudanyahay ixtiraam, taageero iyo dhiirigalin.

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed's post 13/09/2024
27/08/2024

Hambalyo dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee ka gudbey imtaxaanka shahaadiga ahaa ee dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare JFS gaar ahaan ardayda Dugsiyada Degmada Qoryooley.

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 02/07/2024

Waxaa maanta oo tariikhdu tahay 02/07/2024 aan si rasmi ah Degmada Qoryooley Noogu soo Dhamaaday imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, waxayna sanadkii 4 aad ardayda Qoryooleey ay fursad u heleen inay ku galaan degmadooda.

Munaasabadda xiritaanka imtixaanka waxaa goob joog ahaa Gudoonka waxbarashada degmada Qoryooley, taliyaha Booliska, iyo mas'uuliyiin kale.

Imtixaanka waxaa maanta D. Qoryooley ugu Soo Dhamaaday arday gaaraysa 301 arday, waxana aan ka qayb galin 21 Arday .

Ardayda degmada Qoryooley iyo guud ahaan ardayda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee imtixaanka usoo Gaba gaboowmay maanta waxaan u rajaynaa in Alle ku guuleeyo sidii ay nitiijo wax ku ool ah uga keeni lahaayeen Tijaabada Nololeed ee ay maanta galeen.

Photos from Godoonka  waxbarashada Degmada Qoryooleey's post 30/06/2024

BismillahI!

Waxaa maanta oo tariikhdu tahay 30/6/2024 Si Nabad ah Degmada Qoryooley inoogu Soo Dhamaday maalinka 2aad ,
imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad, waxaan Alle ka baryaynaa Maalmaha Noo Harsan In uu Si nabad ah inoogu Soo dhamado

Godoonka waxbarashada Degmada Qoryooleey

Want your school to be the top-listed School/college in Qoryooley?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Qoryooley