Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"

Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"

Share

Waa bogga rasmiga ah ee dugsiga sare ee Sheikh Osman Secondary School Qardho. " Waxbarta aan barwaaq

Photos from Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"'s post 02/02/2026

Xafladda Abaalmarinta Ardaydii Soo Gabagabaysay Barashada Kombuyuutarka 💻

Maanta oo taariikhdu ahayd 02-02-2026 waxaa la abaalmariyay ardaydii si dadaal iyo hawlkarnimo leh u soo gabagabaysay barashadii kombuyuutarka. Xafladdan ayaa ujeedadeedu ahayd dhiirrigelin, mahadcelin, iyo in lagu aqoonsado dadaalka ay muujiyeen ardaydu intii ay ku jireen tababarka.

Munaasabaddan kooban waxaa ka soo qayb galay maamulka dugsiga, macallimiinta qaar, oo dhammaantood hambalyo iyo dhiirrigelin u diray ardayda.

Tababarka waxaa iska kaashaday guddiga ardayda iyo macallin Abdullahi Mohamed Ahmed oo tababarka bixinayay.

Photos from Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"'s post 29/01/2026

Hambalyo Ardayda Kaalmaha H**e!!

Maanta oo taariikhdu tahay 29/01/2026 waxaa Dugsiga Sare ee Sheekh Osman ka dhacday munaasabad qiimo badan oo lagu maamuusay 15-ka arday ee kaalmaha h**e ka galay imtixaanka teeramka dhexe.

Waxaa xafladda kasoo qayb galay, Maamulka dugsiga, macallimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale oo kala duwan.Waxaa la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha galay abaalmarino kala duwan sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay dadaalka, iyo kartida ay muujiyeen kuwaas oo tusaale wanaagsan u noqday ardayda kale.

Gabogabadii waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan ardayda dugsiga in ay ku daydaan dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen ardaydan.

Mahadsanidin

Photos from Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"'s post 21/01/2026

BOOQASHO!!

Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Sare ee Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos" waxay si diirran u soo dhaweynayaan booqashadii qiimaha lahayd ee ay nagu yimaadeen guddiga ardayda dugsiyada mumtada, Azhar Sharif iyo Al Ixsan.

Booqashadani waxay ahayd mid xambaarsan isbarasho, is-dhaafsi aqoon, waayo-aragnimo iyo dhiirrigelin ardayeed, taas oo xoojinaysa wada-shaqeynta iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya dugsiyada.

Waxaan uga mahadcelineynaa maamulka iyo macallimiinta dugsiyada Mumtada ,Azhar Sharif iyo Al Ixsan dadaalkooda iyo doorka ay ka qaateen hirgelinta booqashadan. Sidoo kale, waxaan rajeynaynaa in ay noqoto bilow iskaashi miro-dhal ah mustaqbalka.

Ku soo dhowaada mar walba Dugsiga Sare ee Shiikh Osman.

30/12/2025

HAMBALYO 🎊

Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Sare ee Sheekh Osman waxay halkaan hambalyo uga dirayan Dr Abdirashid Mohamed Dahir guusha weyn ee uu ka gaaray safarkiisii waxbarasho isagoo ka mid ahaa ardaydii dhameysay Dugsiga Sare ee Sheekh Osman, deeq waxbarasho ka helay Dalka Ethiopia halkaas oo u ka qaatay shahaadada Bachelor-ta sidoo kalana shahaadada labaad ee master degree ka qaatay Dalka South Korea. haddana qaatay shahaadada PhD ee Jaamacadda The Ohio State University.

Guushan waa mid muujinaysa dadaalkaaga joogtada ah, adkaysigaaga, iyo himilada fog ee aad nolosha ka lahayd. Waxaad tusaale u noqotay ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda reer puntland. khaas ahaan ardayda reer Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos".
adigoo caddeeyay in riyooyinka waaweyn la gaari karo haddii la helo dadaal, samir, iyo Alle talo saarasho.

Waxaan rajeynayaa in aqoontaada iyo khibraddaada aad u ugu adeegi doonto horumarinta bulshada, dalka, iyo guud ahaan aadanaha. Ilaahay ha kuu fududeeyo jidkaaga aqooneed iyo kan nolosha, hana kaa dhigo mid mar walba guulo ka gaara nolosha.

Mar kale, hambalyo iyo bogaadin ayaan kuu diraynaa.

Mahadsanid.

Ixtiraam badan,

Photos from Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"'s post 22/12/2025

TABABAR IYO AQOON KORORSI!!

Guddiga ardayda dugsiga sare ee Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos" iyo macadka Saylan college ayaa qabtay tababar ku saabsan fagaara ka hadalka (public speaking) kasoo ay ka faaidaysteen araday lana gudoonsiiyay shaqaadooyin la xiriirta tababarka ay qaateen.

19/12/2025

Hambalyo Sh Shiekh Abdiaziz Deeq oo kaalinta koowaad u galay dufcada 17aad ee Jaamcadda Boosaaso.

Abdiaziz wuxu ka mid ahaa ardayda dugsiga sare ee Shiekh Osman sanad dugsiyeedkii 2021-2022.
Wuxuu ahaa arday ku suntan aqoon, akhlaaq iyo diin, hambalyo mar labaad sharaf ayay dugsiga u tahay guushadu.

13/12/2025

HAMBLAYO IYO BOGAADIN!!!

Dugsiga sare ee Shiekh Osman waxa uu bogaadinaya Said Abdikadir Mohamed oo ka mid ahaa ardayda dugsiga sanad dugsiyeedkii 2023-2024.

Hal abuurka uu saciid la yimi waxay muujinaysa in dhalinyaradu wax curin karaan iyagoon u baahan inay cid u shaqeeyan.

Markale hambalyo iyo duco ayuu dugsigu u dirayaa
Said Abdikadir mohamed.

Photos from Sheikh Osman Omar Secondary School-shoos"'s post 19/11/2025

KULAN ISBARASHO

Gudiga ardayda dugsiga sare ee Shiekh Osman iyo kan dugsiga dhexe ee Abdiladiif bilaal qaytiisa dhexe ayaa yeeshay kulan ay isku baranayeen labada guddi kaasoo ka dhacay dugsiga dhexe ee Abdiladiif bilaal.

Kulan kaas ayaa daaranaa sidii ay labada guddi ay si dhow uga wada shaqayn lahaayeen howlaha ardayda hor tabinta u leh.

18/09/2025

Xalfadda doorashada guddoonka ardayda sanad dugsiyeedka 2025-2026

27/07/2025

Dugsigga sare ee Shiekh Osman Qardho oo looga bartay waxbasho tayo leh wuxuu ogaysiinaayaa bulshada in ay socoto diwaangelinta ardayda cusub sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Sidoo kale maamulka iyo barayaasha dugsigga waxay soo dhaweeyeen barayaal cusub oo dhigidoona madaada ingiriiska (English).
Daraasadu waxay bilaabanaysaa 02/08/2025 oo kubeegan maalin sabti ah.

10/06/2025

Ogaysiis!!

Dhamaan ardayda Dugsiga sare ee Shiekh Osman Secondary school waxa lagu wargelinyaa in maanta 9:00 AM Subaxnimo oo taariikhdu tahay 10-06-2025 ay kala Socon karaan natiijadooda imtaxaanka Final-ka Database-ka dugsiga.

Linkgan isticmaal

https://shiekhosman.com


Mahadsanidin
Guul Wacan.

07/05/2025

War-galin

Maanta oo Taatiikhdu tahay 07-5-2025 dugsiga sare ee Shiikh Cismaan iyo Abdiladiif primary and intermediate schools waxay ku wargelinayaan Ardayda iyo waalidiinta in maanta dugsiyadu ay fasax yihiin, maadaama ay roobab magaalada ka da'ayaan isku socodkuna adag yahay.

Jadwalka imtaxaanku wuxuu u socnayaa sidiisii oo beri waxaa la galayaa imtaxaankii maanta baaqay.

Wabilaahi towfiiq

Want your school to be the top-listed School/college in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Shimbiraale-kuleejo
Qardho

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Thursday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00