Raad-reeb

Raad-reeb

Share

.
📍 Ku biir Raadreeb si aad u noqoto qayb ka mid ah kuwa horumarka ka dhigaya yoolka ugu weyn.

🤗Raadreeb – Isbeddelka wuxuu ku bilowdaa wada-hadalka!

06/01/2025

In aad anfacdo bulshada kugu hareersan waxa ka muhiimsan in aad naftada anfacdo marka aad noqoto qof naftiisa nabadeyey ayad bulsho waxtaraysa . Aamin naftaada,jeclow,ixtiraam,ku faraxsanow waxa uu Eebe ku siiyey kuna Xamdi mar walba qanaacada naftu waxay qayb Weyn ka qaadataa in aad u noolaatid si quman ,nafteedunu waa masuuliyad ina saaran in aan xurmeynana waa waajib ahow mid naftiisa wax u qabta 👍Raad-reeb

30/12/2024

"-reeb🤝" waa magac ka tarjumaya hal-abuur iyo maskax furnaan ku saleysan raadinta xogaha muhiimka ah iyo falanqaynta arrimaha bulshada, dhaqanka, siyaasadda, iyo horumarka. Erayga "raad" wuxuu muujinayaa baadi-goobka aqoon iyo xog ku saleysan runta iyo xaqiiqda. Halka "reeb" uu tilmaamayo sifaynta iyo kala soocidda fikirrada, si loo gaaro xalal waara oo bulshada anfaca.
Page-kan waxaa loo aas-aasay sidii Kor logu qaadi lahaa loona bedili lahaa Fikradaha khaldan ee ku geedaman dhalinteena taas oo ka reebaysa xumaan,xiqdi,iyo ka fogaanshaha somaalinimo . "Ujeeddadenu" .waa in aan kor u qaadno is-fahamka, isku xirka, iyo fikirka dhallinyarada Soomaaliyeed, si loo xalliyo caqabadaha jira loona dhiso bulsho horumarsan oo ku dhisan aqoon, wadajir, iyo is-ixtiraam.
"Dhiirrigelin": Waan ognahay in bulshadenu ay wajahaan Caqabado badan taas oo ka hortaagan in ay gaadhan horumar iyo isku filnaansho maskaxeed waxan ku boorinayaa dhalinta soomaliyeed in ay ka fogadeen wax kasta oo waxyeelo maskaxeed iyo cadifadeed u keeni kara sida u dirirka qabaa’ilka ,siyaasada .iwm.. aynu ka wada shaqeyno Wadajir si aan u dhisno bulsho caqligeedu sareeyso iyo dhalin ifaysa oo ka sifaysan Aafoyinka ku geedaman bulshadeena Wabilaahi.towfiiq.

Want your school to be the top-listed School/college in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Qardho