06/08/2026
Algebra Progressive School
We teach international curriculum to pupils.
06/08/2026
Dugsiga Algebra ee Qardho ku yaal ee bixiya manhajka caalamiga ah wuxu isticmaalaa Habka Ardaygu dhextaalka Yahay (Student-Centered Approach).
Ardayda dugsigu waxay qayb firfircoon ka yihiin casharada macallimiintu dhigto. Taas oo macneheedu yahay:
waxay ardaydu qaataan masúuliyadda qayb ka mid ah casharka macallinku bixinayo.
Waxaa loo diraa shaqo-kooxeedyo sida Saynis projects.
Waxay u bedelaan casharada ay dhigtaan dood ama way metelaan.
Waxay soo jeediyaan mawduucyo diini ah ama sheekooyin garaadkooda kobcinaya.
Waxaa la bogaadiyaa hal abuurkooda si loo dhiirigeliyo.
Waxaa la fahamsiiyaa in aanay baranayn luqadaha, haddaanay ku dhiirran qaladaad badan oo xagga qoridda iyo ku hadalka luqadaha ah. Waxa lagu dhahaa ardayda "Qaladaadku waxay caddayn u yihiin inaad wax isku deyeyso (Mistakes are proof that you're trying)".
Faaíidooyinka laga helay habkan:
Wuxu ku dhiirigeliyey ardaydii waxbarashadii .
Wuxu kor u qaaday fahamkii casharka iyo feejignaantii ardayga.
Wuxu dhisay isku-kalsoonaantii ardayga iyo fagaara-ka-hadalkii.
Shaqo kooxeedkii oo keenay in ardaydu dhexdooda wax is fahamsiiyaan. Taas oo, ka dib keentay in ardaydii hooseysey waxbarashadoodu kor u soo kacdo.
Wixii faahfaahin dheeri ah kala xiriir 7738851
25/06/2026
Dugsiga Hoose/dhexe ee Aljebra (Algebra School) waxa Khamiisaha ardaydu ku tartamaan qoraalka (Spelling bee contest) iyo ku hadlidda Englishka iyo Carabiga. Waxa kaloo ardayda lagu waraystaa English ama Carabi sida hoos idiinka muuqata.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Qardho