Xafladda ciidsiinta Ardayda Agoonta ah ee dugsiga Daarul xannaan Qardh /28/Ramadaan/1447 oo ku began 17/march/2026
Al-Hanan Orphanage School Gardo
Page-ka rasmiga ah ee Dugsiga H/Dhexe ee Agoomaha Qardho
17/03/2026
Ururka Horumarinta Degmada Qardho ayaa sanadkii 11-aad si xiriir ah u ciidsiiyay ardayda agoonta ah ee wax ka barata Dugsiga Daarul Xanaan ee magaalada Qardho.
Barnaamijkan samafalka ah ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ururku ku taageero carruurta danyarta ah, gaar ahaan kuwa waayay waalidkood, si ay ula qeybsadaan farxadda munaasabadda Ciidda.
Dugsiga Daarul Xanaan ee lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah ayaa la aas-aasay sanadkii 1997, waxaana uu soo maray marxalado kala duwan oo horumar iyo caqabado isugu jira intii uu jiray.
Ururka Horumarinta Degmada Qardho oo xubnihiisu ku kala sugan yihiin gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa door muuqda ka qaatay hirgelinta deeqdan, iyagoo kaashanaya muxsiniin si mutadawacnimo ah u bixiyay dhaqaalaha lagu farxadgeliyay carruurtan.
Sidoo kale, Warsan iyo Waxsan oo ah wakiillo matalayay muxsiniinta ayaa door weyn ka qaatay gaarsiinta deeqdan, iyagoo hubiyay in si hufan loo gaarsiiyo carruurta u baahan.
Ugu dambeyn, maamulka iyo macallimiinta dugsiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doonta daryeelka iyo dhiirrigelinta carruurta agoonta ah.
17/02/2026
Xafladda qalin jebinta fasalka 8aad ee iskuulka Al-Xanaan ee Agoonta Qardho
17/02/2026
Talaado 17/2/2026
Waxa maanta dugsiga Agoonta ee Al-Hanan Qardho kadhacday xaflad lugu abaal marinayey Ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka dhexe (mid-term exam-ka ) isla markaana lugu sagootinayey ardayda fasalka 8aad ee sugsiga sare u qalin beddelanaya
Waxa kale ee xafladda abaalmarinno iyo shahaadooyin lugu guddoonsiiyey 21 arday oo dhammayey Qur’aanka kariimka ah.
17/06/2025
07/05/2025
OGAYSIIS
Ascww
Dhamaan ardayda iyo waalidiinta iskuulka Agoonta Alxanaan Qardho waxaa Ogaysiinaynaa in uu maanta iskuulku fasax yahay dhulka oo dhiiqa ah awgiis iyo biyo yar oo socanaya awgeed
sidaa darteed waxaan ardayda u sheegaynaa inay wax akhristaan oo maalinkaas ka faa’iidaystaan say wax u akhrin lahaayeen
imtixaanka jawdwalkiisa wax ma iska badalayaan waxa uu ku soocon doonaa sidii hoary u ahaa
oo bari ayuu imtixaanku bilaabanayaa insha allaaah
Fasalka 8aad iyaga waa imanayaan 8:30 subaxnimo
GUULAYSTA
Ardayda dugsiga ee agoomaha Qardho ,
Gacmo furan baan kusoo dhowaynaynaa agoomaha aabbohood ku shahiideen ciribtirka daacish…
Warbixin
Xafladda ardayda kaalmaha h**e ka gashay imtixaanka dhexe lugu abaalmarinayey luguna sagootinayey ardayda fasalka 8aad ee sanad ka qalin jebinaya dugsiga Al.xanaan
Muuqaal
Xafladda qalin jebinta dafcaddii 26aad ee fasalka 8aad dugsiga Agoonta ee Al.Xanaan Qardho ..
Zamzam
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Qardho