11/08/2026
Furitaanka dugsiga ee sanad dugsiyeedka 2026-2027.
Goob lagu dhiso aqoon, anshax iyo mustaqbal ifaya.
📖 Ku soo dhawoow bogga rasmiga ah ee Dugsiga Geel-Xoor.
11/08/2026
Furitaanka dugsiga ee sanad dugsiyeedka 2026-2027.
🎓 Furitaanka Dugsiga Geel-Xoor
Waxaan si rasmi ah u daahfurnay sanad-dugsiyeedka cusub ee Dugsiga Geel-Xoor – Qardho.
Maanta oo uu dugsigu shaqaynayay 7 maalmood, waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan bilowga sanad-dugsiyeedka iyo howlaha dugsiga.
📚 Waxbarasho tayo leh, tarbiyad wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.
2026-2027
01/08/2026
Hambalyo Puntland – 28 Guurada Aasaaska Puntland.
29/07/2026
10 arday ee ugu sareeya imtixanka kalka dambe 2025-2026
28/07/2026
OGEYSIIS
Waxaa la ogeysiinayaa waalidiinta iyo ardayda Dugsiga Geel-Xoor in astaanta dugsiga (Logo) lagu dhejinayo shaatiyada iyo xijaabyada ardayda dhanka bidix ee laabta.
Adeeggan waxaad ka heli kartaan Harqaan Garwayne, oo ku yaal Kasoo Horjeedka Gutaale, Qaybta Laamiga (hotel Salaama).
Fadlan hubiya in dharka ardayga la geeyo goobtaas oo aad ka helyso Astaanta dugsuga.
Mahadsanidiin.
26/07/2026
Habraaca labiska midaysan ee ardayda👇
26/07/2026
OGAYSIIS
Waxaa si toos ah uga socota Dugsiga Geel-Xoor diiwaangelinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka 2026–2027.
Sidoo kale dugsigu waxa uu furmaaya 02-08-2026.
24/07/2026
Hambalyo
Waxaan hambalyo u diraynaa ardayga Cabdiraxmaan Siciid Muuse oo kaalinta 1-aad u galay ardayda Dugsiga Geel-Xoor ee fasalka 8aad, kana soo hooyey natiijo aad u wanaagsan imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland.
Average: 92.57%
Waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah mustaqbalkiisa waxbarasho. Hambalyo mar kale, waxaadna tusaale wanaagsan u tahay ardayda kale. Ilaahay ha kuu barakeeyo cilmigaaga, hana kuu kordhiyo guulo badan.
Sidoo kle waxaan bogaadinayna dhamaan ardayda dugsiga oo u gudbay dugsiga sare.
22/07/2026
23/06/2026
Sawirro: Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay laguna dhiirrigelinayay ardayadda Afnaan Maxamed Cabdulqaadir, oo dhamaystirtay 10-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah, ayaa lagu qabtay Masjidka Dugsiga Geel-xoor ee xaafadda Xiingood Hoose ee magaalada Qardho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay waalidiin, culimo iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka, kuwaas oo hambalyo iyo dhiirrigelin u jeediyay ardayadda, iyagoo ku bogaadiyay dadaalka ay ku gaadhay heerkan muhiimka ah ee barashada Qur’aanka Kariimka ah.
Afnaan iyo hooyadeed ayaa h**e ugu heshiiyay in haddii ay gabadhu dhamayso 10-ka Juz loo samayn doono abaalmarin iyo dhiirrigelin gaar ah. Hooyada Afnaan ayaa munaasabadda ka sheegtay inay fulisay ballantii ay gabadheeda u qaaday, si loogu dhiirrigeliyo sii wadista barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay duco iyo dardaaran ku wajahan ardayda kale ee dhigata dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah, si ay ugu daydaan dadaalka iyo kartida ay muujisay Afnaan Maxamed Cabdulqaadir.
| Monday | 05:00 - 17:00 |
| Tuesday | 05:00 - 12:00 |
| 16:00 - 18:00 | |
| Wednesday | 05:00 - 17:00 |
| Thursday | 05:00 - 17:00 |
| Saturday | 05:00 - 17:00 |
| Sunday | 05:00 - 17:00 |