10/09/2025
🎇🥀🎉 Hambalyo Hambalyo 🥀🎉 🎇
Baahda waxbarashada iskuulka kubo waxay T𝐚𝐡𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝 meher iyo aroos u dirayan Maamule ku xigenka iskuulka mudane Osman Bashir Ali iyo marwadiisa Samira Said Adan oo meherkoodu ka dhacayo Qardho.
waxaan qoyska cusub ugu ducaynaynaa ducadii Rasuulka SCW.
ﺑﺎﺭﻙ ﺍﻟﻠﻪ ﻟﻜﻤﺎ ﻭﺑﺎﺭﻙ ﻋﻠﻴﻜﻤﺎ ﻭﺟﻤﻊ ﺑﻴﻨﻜﻤﺎ ﺑﺎﻟﺨﻴﺮ
30/07/2025
| OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS |
Dhammaan ardayda iyo waalidiinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kubo.
waxaa loo sheegayaa in la furayo iskuulka 02/8/2025 oo ku beegan sabti.
Dhammaan waalidiinta iyo bahda waxbarashada jecel, waxa la ogeysiinayaa
in diwaan-gelinta ardayda cusub ee sanad Dugsiyeedka (2025-2026) ay ka socoto
Dugsiga Hoose/Dhexe ee kubo.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
Tell: 90- 7795766, ama 7738037
MAHADSANIDIIN
27/02/2025
27-02-2025
Maamulka iyo Macallimiinta iskuulka kubo oo u Qabtay ardayda dugsiga xaflad lagu Guddoonsinayo Abaal-marino, ardaydi kaalimaha H**e ka gashay Imtixaanka mid-term (kalka h**e) sanad dugsiyeedka 2024-2025.
Ardayda iskuulka ayaa soo bandhigay barnaamij lagu dhiri-gelinayo oo lagu bogaadinayo ciidamadda dowladda puntland.
Sido kale maamulka iskuulka kubo waxa u mahadcelinaya waalidinta iyo Martida kale ee dhammaantod kaso qayb galay dhiri-galinta ardayda iskuulka kubo.
|| Waxbarta aan Barwaaqo Gaarnee||
12/10/2024
Xuska maalinta Calanka soomaaliyed 12-october.
Ardayda iskuulka kubo oo manta munaasabad qiimo badan ku xusay,
Maalinta Calanka soomaaliyed 12-october.
Ardayda oo soo diyaariyay Barnaamij ku qootoma sooyaalka tariikhed, Milgaha iyo Maamuska u leeyahay calankeena soomaaliyed.
Maamulka iskuulka iyo macalliminta ayaa uga mahadceliyay Ardayda iskuulka, sidda aay isu-xilqameen, una xusen maalinka calanka.
Hambalyo maalinta calanka ee JFS.
||Waxbarta aan Barwaaqo Gaarnee||
14/09/2024
WAR-GELIN: FASAXA XUSKA DHALASHADA NABIGA (NNKH) EE MOWLIIDKA.
Beri oo taariikhdu tahay Axad15-9-2024 kuna beegan 12-ka Rabiicul Awal dhalashada suubanaheeni Muxamad ﷺ , dugsiga Kubo waa fasax.
04/08/2024
Natiijadda 10ka kaalmood ee ugu sareeya Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiyada dhexe ee Gobolka Karkaar. 2024
30/07/2024
|OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS|
Dhammaan ardayda iyo waalidiinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee kubo.
waxaa loo sheegayaa in la furayo iskuulka 03/8/2024 oo ku beegan sabti.
Dhammaan waalidiinta iyo bahda waxbarashada jecel, waxa la ogeysiinayaa
in diwaan-gelinta ardayda cusub ee sanad Dugsiyeedka (2024-2025) ay ka socoto
Dugsiga Hoose/Dhexe ee kubo.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir
Tell: 7738037ama 7795766ama 7332602
MAHADSANIDIIN
01/03/2024
29-02-2024
Maamulka iyo Macallimiinta iskuulka kubo oo u Qabtay ardayda dugsiga xaflad lagu Guddoonsinayo Abaal-marino, ardaydi kaalimaha H**e ka gashay Imtixaanka mid-term (kalka h**e) sanad dugsiyeedka 2023-2024.
Sido kale maamulka iskuulka kubo waxa u mahadcelinaya
Guddoomiyaha degmada qardho cabdi siciid qaal.
Guddiga waalidinta iskuulka,
Maamulaha iskuulka Ali afyare secondary school,
Amal bank qaybta, adeegyada MYCASH oo dhiri-galinta ardayda qayb-weyn ka qatay,
Waalidinta iyo Martida kale ee dhammaantod kaso qayb galay dhiri-galinta ardayda iskuulka kubo.
|| Waxbarta aan Barwaaqo Gaarnee||