BARE Xaamid NUUR
xirfadayda ayaan umadda uga faaidaynayaa (barid)
25/08/2025
Marka h**e hambalyo iyo duco ayaan u dirayaa ardada puntland ee maanta loo shaaciyey Natiijada imtixaanka, insha alaahu, ku xejiya jaamcad.
Marlabaad waxaan bogaadinayaa talaabada tolmoon oo ay qaaday waaxda imtixaanadka taas oo dhibcihii baasida ugu hoosayn ka dhigtay C- oo u dhiganta 50, taasi waxay kor u qaadaysaa tayada waxbarashada hadda wixii ka dameeya insha alaah .
Waxaan ku talin lahaaa 8kana wax ka bedala arday 38 celcelis ku basayaa waa hubaal inuu dugsiga sare sii wadi karin
19/08/2025
Mashaa alaah dhalintaan qalin jabisay hambalyo ayaan u dirayaa aqoontoodii ayey xirfad ku lareen, waana marka ay ugu qiimo badantahay waliba waa xirfad baahi weyn loo qabay. Guuleysta ayaan leeyahay adeerayaal idinka iyo inta dhigiina ahba .
Waxaan idin kula talinayaa si aynu guul aduun iyo aakhiraba u gaaro:
ka cabsi
@ aqoon sii kororsi
@ dibrin
Alle mahadle noo dhameeyey hal asbuuc oo fatiig ah oo imtixaan saxid ah,
Ardada Budlan ilahay daro fiican ha ku baasiyo, rajadoonana ha u rumeeyo
31/07/2025
Hambalyo iyo Duco
Waxaan bogaadin iyo duco ayaan u dirayaa ardada 8ka ee kaalimaha h**e ka gashay imtixaanka fasalka sideeed ee wasaaradda puntland,
Sigaar waxaan u hambalyeynayaa Siciid cabdixakiin islaweyn oo kalaalinta 1 aad u soo hoyey gobalka karkaar , puntland ka galay kaalinta 4 aad.
Waxaan ducadooda ka tagayn maamulkii, macalimiintii iyo waalidkii ku soo tabcay ee bahda Abdiladiif bilaal primary Qardho oo uu ugu h**eeyo maamulihii h**e cabdishakuur cabdulaahi waaberi ,shaqadana aan kala wareegey 3 bilood ee ugu damaysay.
Ilaahay khayr hadinku abaalmariyo dhamaan.
31/07/2025
Ciyaaraha hidda iyo dhaqanka
Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqankeenu aad ayey u qurux badan yihiin dhan laga eegaba; jaan iyo jiib, miro iyo milgo, hooris iyo hojis. Waana tusaalayaal badanyihiin oo waxaa ka mid ah:
Jaandheer ama walasiqo
Dhaanto
Saar
Saylici
Kabdhood
Shirib
Wilgo
Kabaabey
Gablo
Beerrey
ciyaaruhu waxay dhisaan maskaxda, muruqa iyo mooralka.
Muuqaalkaani waa nooca la dheho jaandheer waxaana ku farayaraystay hoobal miradeeha iyo maaraynteena yaqaan maashaa alaah.
Heley seddex waa madowdahay…
Nin la miray mugdi habeen….. heley
Nin walaalki mayd yahay…… heley
Nin magaaalo lagu dhacay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Qardho
252