Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho

Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho

Share

Barbaarinta iyo Diyaarinta Carruurta yar yar .. ustaad Mohamed isse Ali Barbaariye

waxbarasho Tayo leh waa tilmaanteena iyo tusaha wanaagsani waa Tiirka bulshada.

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 10/12/2025

Habsami u Socodka imtixaanka kalka dhexe Ee sanad dugsiyeedka 2024/2025.
Waxaa Shalay Fasax galay oo imtixaanka u Dhammaaada KG iyo F1aadka.
Waxaana Wali imtixaanka u Socodka Fasalada...f 2aad ilaa F8aad.
Dhammaan Ardayda Ayaa ah kuwa dadaal muujinayaa.

__________________________________________
Xafiiska Wacyigelinta iyo Nashaadadka Dugsiyada Xaaji Cali.
Location:_ 00252907734547.
___________________________________________

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 06/12/2025

Warbixin iyo Sawiro Hordhaca...

Sabti... 06/12/2025.
--------------------------------------------------------------
Waxaa Dhammaan Dugsiyada Xaaji Cali Ee Magalaada Qardho Ka furmay Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2025-2026 Ee kalka H**e ama (Term.1) Kaas oo Si Habsami leh u Maantay u bilaabmay.
Imtixaankan Ayaa Sanadkan Aad loo adkeeyay iyada oo Dhammaan Agabayada imtixaanka Ee ay Ardaydu u baahan yihiin loo doyaariyay, waxaana Si Gaara looga Fahmi doona Natiijada Marka ay Soo baxdo.
Imtixaanka Ayaa lagu Saleyay Grade passed, A,B iyo C ,waxaana Sanadka failed noqon doonta Grade.D Ardayda Hesha.

_________________________________________
Xafiiska Imtixaanka Dugsiyada Xaaji Cali Qardho.
Location: Xaafada Callanley Qardho.
090252907734547.
________________________________________

22/11/2025

Muqaal- Kooban ...
Xuska Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.
21-November -2025.
Dugsiyada Xaaji Cali Ayaa Si Weyn looga Xusaa Sanad kasta.

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 21/11/2025

Xuska Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

21-November. Trkhda.21/11/2025.

Dugsiyada Xaaji Cali ee Magalaada Qardho Ayaa Sanad kasta Laga Xusaa Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

,Sanadkan Waxaa Soo qaban qaabiyay Xaflada Balaaran Ardayda Fasalka -8aad Ee Sanad Dugsiyeedka 2025-2026.

kuwaas oo ay ku Maamusayaan Dhammaan Macalimiinta iyo Maamulka,Masuuliyiinta Buses ka Iskuulka Wada iyo Dhammaan Hawlwadeennada Dugsiyada Xaaji Cali Ee Magalaada Qardho.

Dugsiyadda Xaaji Cali Ayaa ka mid ah Goobaha Waxbarashada Ee Aad looga Xuso Xuskan oo kale Sanad kasta, waana Goob lagu dhiso Wadaniyada iyo Hal Abuurka Ardayda Waxbarashada Dugsiyada ku jirta.
_______________________________________________
Xafiiska Nashaadadka iyo Wacyigelinta Dugsiyada Xaaji Cali Qardho.
Location: Xaafada Callanley
Tell: 00252907734547
________________________________________________

14/11/2025

Muqaal kooban: ...13/11/2025.

Sidee ayeey uga wada Qayb qaateen
Qur'aan Akhriska Ardayda Dugsiyada Xaaji Cali Ee Magalaada Qardho.

________________________________________
Xafiiska Nashaadadka iyo Wacyigelinta Dugsiyada Xaaji Cali.
Location: Xaafada Callanley Qardho.
Tell:00252907734547
_________________________________________

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 13/11/2025

Qur'aan Akhris.... khamiis... 13/11/2025

Sawiro.Qaybta kowaad...

Dhammaan Saakay Dugsiyada Xaaji Cali waxaa Qur'aan Akhris Sameeyay Ardayda, Macalimiinta iyo Gudiga Waalidiinta Dugsiyada Xaaji Cali .
Qur'aan Akhris kan Ayaa u jeedadiisu ahayd Duceysi in Alle Abaaraha,Xanuunada dhawaanahan wadanka Soo galay oo Xumo Qandho joogto ah wata wadanka ka dulqaado.
Ardayda iyo Macalimiinta Ayaa Qur'aan ka Akhriyay.
Gudiga Waalidiinta Ayaa Qur'aan ka Khatimkiisa keenay Shaah ,Caano iyo Salool Dhammaan Qaybaha Dugsiyada Xaaji Cali.
Waxaana si wadajir ah Aamiinta loogu wada qushuucay Ducaysigan...
Alle haynka Aqbalo...
Aamiin.... Aamiin...

_______________________________________
Xafiiska Nashaadadka iyo Wacyigelinta Dugsiyada Xaaji Cali Magalaada Qardho.
Location:- Xaafada Callanley Qardho.
Tell:- 00252907734547.
_______________________________________

30/10/2025

Muqaalka Asbuuca (flashback)

Waxbarasho faa’iidada ugu wanaagsan ee ay leedahay.....

Waxbarashadu waa hubka ugu awoodda badan xaalad kasta ee jirta.
Marka xaqiiqda laga hadlayo, qalin biiraha iyo qalin tiraha/qoriga waxa ay ka awood badan yihiin xabadda/qoriga iyo midida.

Jahada aad waxbarashadda ka bilaabeyso waxa ay go’aamisaa mustaqbalka noloshaada, mar aad dib u eegto 50-sano ama 70-sano, dad badan ayaa ka badbaaday aqoon la’aanta. Marka aad eegto tartanka ardayda aduunku ay sameyneyso, waxa aad dareemeysaa in lagu kala h**eeyo agabka waxbarasho ee la helayo.

Haddii ay dooneyso maskaxdaadu iney ilaaliso mustaqbalkaada waa iney markasta su’aal is weydiisaa.
Qofku haddii uu doonnayo inuu waxbarashadda ka guul-gaaro fadlan, wax u baro si xariira.

Waxaad heleysaa xushmad/tixgalin kaaga imaaneyso qof kasta iyo meel kasta
Xushmadu waa keyd ugu qiimaha badan noloshaada.
Waxbarashadu waa furaha ugu awoodda badan kaas oo lagu sameeyo xushmaddaha kale.

Haddii aad tahay qof aqoon leh, waxa aad heli doontaa tixgalin taasoo kaaga imaaneyso qof kasta iyo meel kasta.
Dabcan, bulshadu way tixgalisaa qofka taajirka ah waliba si wanaagsan, laakiin meelkasta laguma tixgaliyo.
Marka ugu h**eyso ee aad dad la kulanto, ayagu kuma weydiinayaan waxa aad qabato? Sida xaaladdada, laakiin dadku waxa ay qiyaasaan xirfaddaada.
Haddii aad dooneyso inaad noqoto qof xirfad wanaagsan waxa aad u baahan tahay inaad si fiican wax u barato.
Sidaa awgeed waxbarashadu waxa ay si fudud kuu siisaa tixgalin dadka ay ku tixgalinayaan.

Bal maley Bill gate waxa uu ku dhacay jaamacadda HARVARD UNIVERSITY, laakiin hadda waxa uu kamidyahay dadka ugu tixgalinta badan caalamka, Waxa uuna ku muteystay waxa uu kusoo kordhiyay caalamka manta casriga ah. Laakiin ogow Bill gate ma uusan eheyn jaahil, waxa uu qiimahaas ku muteystana waa aqoontiisa uu ficil u beddelay.

Steve Jobs waxa uu ku dhacay koleyjka REED COLLEGE, laakiin waxa uu ka mid ahaa aas’aasayaashi shirka Apple shirka daasoo ilaa iyo manta ka midda shirkaddaha lagu riyoodo caalamka.

Ku fikir waligaa kaliya hab aan dadka kale suura gal la noqoneyn laakiin aad adigu suura galin laheyd. Laakiin sabab aad adigu ugu cabir qaadataa kaliya 0.0001 boqolkiiba? Tusaale cabirka dadka lake waa 99.9999 boqolkiiba. Inta badan dadka dunida ku nool cabirkooda ka qaataan inta ay la egtahay tixgalinta ay dadku siiyaan, xirfadooda ayaga.

Waxbarashadu waxay beddeshaa caadooyinkada/dhaqamadaada
Ma heleysid meel ka wanaagsan Iskoolka kaasoo aad ku baraneyso dhaqamada asaasigaa. Shay kasta oo aad ku baraneyso Iskoolka waxa uu saameyn adag ku yeelanayaa noloshaada maalin laha ah.
Waxbarashadu kaliya ma afayso maskaxadda laakiin sidoo kale waxay afaysaa caadooyinka xun xun. Marka aad la kulanto Ajnabi, waxa aad awood u leedahay inaad xukunto caadooyinkiisa kaliya, sidoo kale waxaa muhiima asluubtiisa shaqsiyadeed, waxaa kale oo adiga kugu filan kaliya dadka aqoonta leh.

Shaqo ayaad ka heleysaa meel kasto
Waxaa jiro habab lacag loo sameeyo, annaga waxaa nagu waajiba inaan shaqa fiican la imaano. Hadda kaba soo qaad maalinkasta waxaa soo qalin jabiyo arday xaqiiqatan si adag ayey shaqo u raadinyaan. Sidaas awgeed dadka aan waxbaran sidey shaqa u raadinayaan? Waxbaradu waxay u baahan tahay qaabkii aad ugu gudbi laheyd tilaabadda xigto.
Haddii aad heysato Bachelor, Diploma ama shahaadda kale, waxaad heli doontaa shaqo meel ay ahaataba, laakiin wax ka hooseeyo lama sheegi karo waqtigaan la joogo. Haddii aadan heysan wax shahaadda ah sidee u rabtaa shaqo xafiiseed.
Kaliya waxaad qaban kartaa shaqooyinka aan xirfadda aqooneed u baahneyn sida xamaaliga, si aad uga dhacsato noloshaada maalin laha ah. Qaarada aasiya xitaa ma heleysid shaqada xamaaliga ah haddii aadan wax shahaada ah wadan. Sidaa darteed bal ka fikir faa’iidada wax barashada ay u leedahay noloshaada ha noqonin waligaa jaahil xitaa in yar oo noloshaada ka mida.

Waxbarashadu waxay sameysaa saaxiibo
Waxaa jiro farqi badan oo u dhexeeyo saxiibtinimadda, sida saaxiibadii sanaddii 1994 iyo saaxiibadda 2025.
Waayadii h**e waxbarashadu ma eheyn wax ay sidaas ugu sii weyn tahay sameysashada saxiibo.
Laakiin hadda waxaa muhiim ah iney kugu hareereysan yihiin saaxiibo heerkoodda aqooneyd sareyso. Aniga maka hadlaayi dhammaan dadka dunida ku nool, laakiin waxaan ka hadlayaa inta ugu badan dadkaas.
Sida loo sameysto saxiibo cusub, waa inaad la saaxiibtaa dadka aqoonta leh ama dadka dhaqaalaha leh. Haddii aadan laheyn mid ka mida labadaan, waxa ay noqoneysaa si fudud in leesaga ka tuuro. Runtii wax murugoonayaa laakiin nolosha aduunyadaan waxa aan ku noolaaneynaa manta oo kaliya.sidaas awgeed sameyso saxiibo cusub kuwaasoo leh faa’iido aqooneed.

Maamulida waqtigaada/lacagtaada
Maamulida waqtigaada/lacagtaada waa laba arrimood oo muhiima maanta iyo nolosha maalin laha ah. Laakiin aqoon la’aan, way adag tahay in loo maamulo waqtiga iyo lacagta si xirfad leh. Labadaan aaladood waxa ay sameeyaan noloshaada si fudud waliba.

_______________________________________
Xafiiska Nashaadadka iyo Wacyigelinta Dugsiyada Xaaji Cali.
Location: Xaafada Callanley Qardho.
Tell:00252907734547
_______________________________________

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 23/10/2025

..... Thursday.. 23-10-3025......
Gunaanad...... Imtixaanka cat.1.
Alxamdullaahi , Mahad oo Dhan Eebbe baa leh, Bacadl Waxaan u mahad Celinayaa Dhammaan Barayaasha Dugsiyada Xaaji Cali U Heelan Diyaarinta Barbaarinta U bax Berito Ee Ardayda Aqoon iyo ',Akhlaaq ba leh ku hubaysan.
Sidoo kale waxaan u mahad Celinayaa Dhammaan Ardayda oo muujiyey dadaal, dulqaad iyo Debecsanaan waxaan alle idinka Baryayaa Natiijo Wanaagsan oo farxad gelisa Waalidiinta iyo Macalimiinta.

________________________________________
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta Dugsiyada Xaaji Cali Qardho.
Location: Xaafada Callanley.
Tell: 00252907734547.
________________________________________

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 20/10/2025

...................19/10/2025............
Sawiro: Waxaa Maalinta Labaad Si Habsami leh uga Socoda Dhammaan Qaybaha Dugsiyada Xaaji Cali Imtixaan Bileedka Kalka kowaad.

_______________________________________
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta Dugsiyada Xaaji Cali.
Location: Xaafada Callanley Qardho.
Tell:0907734547.
________________________________________

18/10/2025

Muqaal: Kooban ..@ Talo Ku Socotay Ardayda Dugsiyada Xaaji Cali Qardho iyo Dadaalka Imtixaanka Maantay u bilaabmay.

________________________________________
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta Dugsiyada Xaaji Cali Qardho.
Location: Xaafada Callanley.
Tell:00252907734547.
____________"___________________________

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 18/10/2025

Sawiro: Daahfurka Imtixaan Bileedka Qaybta kalka H**e.

Waxaa Maantay oo ay Taariikhda Tahay 18-10-2025 Kuna beegan Sabti Dhammaan Dugsiyada Xaaji Cali loo fariistay Imtixaanka Bileedka lagu Qiimeynayo Waxabarshadii Billaha August, September Ee Sanad dugsiyeedka 2025-2026 Kalkiisa kowaad.

Ujeedda imtixaanka Ayaa ah in la ogaado Heerka waxbarashadii Socotay, Fahanka Ardayda, Qiimeynta Akhriska Ardayda, Cutubyada Manhajka Xaaladooda ,Dadaalka Barayaasha Miro Dhalkiisu sida uu yahay.
Imtixaanka Ayaa Socon doona Mudo Asbuuc ah.

Fariim Gaaban.
Dhammaan Ardayda waxaa Laga Rabaa Diyaar garow fiican in ay Muujiyaan ,Dadaalka labaad jibaaraan.
Waalidiinta Sharafta leh Waxaa Laga Rabaa in ay la Socoda Heerarka Ardayda , Akhriska, Caqbadaha Ardayda ka haysan Kara Fahanka, ilaalinta Maqnaansha iwm.

______________________________________________
Xafiiska Maamulka iyo Warbaahinta Dugsiyada Xaaji Cali Qardho.
Location: Xaafada Callanley Qardho puntland.
Tell: 00252907734547.
________________________________________________

Photos from Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Xanaanada Ee Xaaji Cali Qardho's post 13/10/2025

Sawiro.Q1aad. Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya.

Want your school to be the top-listed School/college in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address

Calanley Village Backside Xaashi Hotel
Qardho