01/09/2024
|| INNA LILLAHI WA INNA ILAYIN RAJACUUN ||
Alle Ha u Naxariisto Adeer Yaasiin Saalax oo maanta ku geeriyooday Hargaisa.....
Aduun yada qof Baaqi noqonaya ma jiro ee Eebbe Hakugu Arsaaqo Janatul Fardowsa.
Samir iyo iimana dhaman Alle Ha inaga wada Siyo. Khasatan Ilma Yasin Salax .
๐ญ๐ญ๐ญ๐ญ๐ญ๐ญ๐ญ๐คฒ๐คฒ๐คฒ๐คฒ
16/06/2024
Ciid Mubaarak dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan 2024 !
16/09/2023
๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐๐๐๐ข ๐๐ฐ๐๐ waxa uu dugsiga yimid sanad dugsiyeedkii ๐๐๐๐-๐๐๐๐ Waxana uu la wareegay Dugsiga Sh. Ismail Dhoore
โ1 fasal
โ office
โardayda halkaas fasal ku jirtayna ay tiradoodu ahayd 15 arday oo kaliya,
โ macalimiinta joogayna waxay ahaayeen 2 macalin oo kaliya.
โ1 nadiifso.
โ1 hal washman.
โ 2 suuli oo dunsana
Waxaanu xilga mamule wareejiyay ๐๐๐๐-๐๐๐๐
Lixdii sano ee uu joogay waxyaabihii u qabsoomay ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐๐ ๐๐๐๐ข ๐๐ฐ๐๐.
๐๐๐ฑ๐ช๐๐๐๐๐ค๐ ๐ฎ ๐ช๐๐๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐๐ฒ..
1. Halkii fasal iyo office kii oo uu dayac tir ku sameeyay, hayada "Save children"
2. Sadex fasal oo ay ku kordhisay hayada
" Savechildren"
3. Dugsigii oo uu u sameeyay qorshe sanadeed." Plane year"
4. Gudidii oo uu sameeyay " C E C"
5. Gaydhkii oo uu u sameeyay " fencing "
6. Laydhkii iyo biyihii oo uu galiyay.
7. Ardayda oo uu u soo qaaday "feeding "
8. Sadex suuli oo kale oo uu sameeyay, mid loogu tala galay ardayda bahiyaha gaarka ah qaba " Specicieal needs "
9. Faraxlo loogu tala galay ardayda oo ahaa 3 qaybood ahaa , oo ay hayada"Savechildren aysamaysay"
10. Baraagtii kaydka biyaha oo uu dayac tir ku sameeyay oo hadda shaqaysa.
11. Macalimiin bilaa guno ahaa oo uu gunaysiiyay "savechildren"
12. Qalab uu siiyay waalidka dhamaystay NFE oo qalab ay ku shaqaystan la siiyay.
13. Qalabaynta dugsiga oo uu dhamaystiray xafiis iyo fasalba.
โ Ardayda oo korodhay qaar markii ay ka gudbeen fasalka lixaad, oo labadalay baahi fasal la'aan owgeed oo jirtay ilaa seconary dhamaystay goobo kale.
โ Dugsiga oo labada wakhti wax lagu baranayay galinka h**e oo ahaa Formal Education iyo kadanbe oo ahaa Non Formal Eduction.
โ Waxa galin h**e ahaa arday tiradoodu gaadhaysay 190 arday oo wiilal iyo gabdho kala ahaa grade. KG-6aad.
โ Waxa galinka danbe ka jirtay waxbarashada N F E oo dufcado badani ay ka qalin jabiyeen " macnaha hooyoyin badan oo gaadhaya ilaa 150 dumar ah oo ahaa dadka waxbarashada ka habsamay waxan nagala shaqayn jiray.
Wasarada waxbarashada Togdheer " Moe" oo ay u qabilsanayd agasime Fardus.
Yovenco, oo hoostimada unicef uu u qablisanaa " raage" gobolka togdheer. Iwm.
Hadafkiisa oo ahaa in uu gaadhsiiyo mar uun ardaydas in ay fadhiisato imtaxanada shahaadiga ah ee sanadkiiba mar lagalo somaliland gudeheeda qorshihiisiina badhtanka kaga jiray, jaliyad dibadeedna aan wax taageero ah ka helin ama kaabis sida haday thy in ay wuxuun ku kaaban.
Waxan ku soo gaba gabaynayaa in Maamulkaa h**e shaqadaa fiican ee u qabtay lagu ammano oo loo duceeyo,
Mamulkaa cusubina horumarkaas la gaadhsiiyay uu kor uga sii qaado insha allah.
Wabilaahi Tawfiiq.
08/07/2023
TikTok ยท Mustafe
Check out Mustafe's video.
18/10/2022
Manta oo ay bishu ahayd.18-10-2022.
waxa dugsiga noogu yimid Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer mundane Ibrahim Digaale, halkaas oo uu xubnihii kala duwanaa ee kala ahaa
Gudida dugsiga.
Maamulahaha dugsiga.
Macalimiinta.
Ardayda.
halkaas oo xubnihii kala dawaanaa uu kulan aad u baladhan iyadoo laga wada hadlay in dugsiga horumarkiisa laga wada shaqeeyo dhinaca kalane wasaaradu dadaal badan ugu jirto.
hadana waxqabad muuqda ay ku soo kordhisay dugsiga .
by . maamulka Dugsiga Sh. Ismail Dhoore.
07/09/2022
MAANTA WAXAA NOO SUURTO GASHAY IN AANU SHIR BALAADHAN OO QAATAY DHAWR SAACADOOD IN AANU GALNAY WAALIDIINTA ILMAHA DUGSIGA DHIGTA DHALAY IYO GUDIDA DUGSI HALKAA OO AANU KAGA WADA HADALNAY DHAWR ARRIMOOD OO AY KA MID YIHIIN
1.HORUMARKA DUGSIGA
2.KOR U QAADIDA TAYADA WAXBBARASHADA EE ARDAYGA.
WAXA KALE OO KA SOO QAYBGALAY SHIRKA KAYSE SALEEBAAN OO AHAA QURBO JOOGTA AADNA U DANAYNAYA ARRIMAHA DUGSIGA.
22/08/2022
Maanta ay taariikhdu tahay 22/8/2022 waxaa idiin muuqda dugsiga hoose dhexe ee sh. ismail dhoore kuna yaala gobolka togdheer. waana dugsiga kaliya ee dawladu ay u dhistay dad isugu jira dadka Dan yarta ah, agoomaha , iyo beelaha gabooye.
kuwaaas oo ardaydaas oo dhami ay dugsiga dhigtaan .
waxaana soo food saaray dugsiga xaalado caqabada ah.
1:ardaydaas oo heli jirtay xogaa nusussace ah oo lasiin jiray taas oo aanay hadda helin ardaydaas oo qaarkood ay meel fog ka soo lugaynayaan
2.Biyihii ay cabbayen oo ay wakaalada biyuhu ka jartay
3.laydhkii oo ay ka jareen shirkadda hecco .
4. dugsiga oo u baahan gaydh(fencing) si uu dugsigu u helo Amman
maamulka wasaarda khaasatan gudoomiyaha waxbarashada gobolku
mud: Ibrahim digaale waa mahadsan yahay waxba nagumuu hagran talo iyo tusaaleba waa uu ka hadlaa markasta.
waxaa aan u sheegayaa odayaal dhaqmeed , siyaasiyiinta ,iyo waxgaradka , jaaliyadaha beesha gabooye in ay ka gaabiyeen dhammantood ogaanshaha ubadkoodka waxku baranaya dugsigaas oo uu tabayo dugsigu kaalintoodii.
Hadaba cid kasta oo danayneysa waxbarashada iyo horumarka ubadkan waxanu ugu baaqaynaa in Gacan wayn laga geysto schoolkas waana Dugsiga kaliya ee ay dawladu u dhistay beelahaas si ay wax ugu bartaaan ubadka ku dhaqan gobolka togdheer mii iyo gudaba.
By :Mamulka dugsiga sh. ismail