Dugsiyada Al-bayaan

Call Directions Contact the school

Dugsiyada Al-bayaan Dugsiyada Albayaan waa dugsiyo gaar loo leeyahay oo ku yaalo magaalada Muqdisho
waxaayna xarumo ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan.

 .Maamulka iyo macalimiinta Dugsiyada Al-bayaan waxay si Kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan   yuusuf. Oo kamid noqday 3...
20/09/2026

.
Maamulka iyo macalimiinta Dugsiyada Al-bayaan waxay si Kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan yuusuf. Oo kamid noqday 30ka arday ee ugu sareeya ee ku guuleystay deeqda waxbarasho ee HSF 2026.
Imtixaanka deeqda waxbarasho waxa ka qeyb galay inkabadan 400 oo arday waxana la xulay oo kaliya 30_ka arday ee ugu sarreeya waxaa sharaf iyo farxad weyn inoo ah in C/wali mascuud yuusuf uu kaalinta 11_aad ka galay ardayda la xulay,
Maamulka iyo macallimiinta Dugsiyada Al-bayaan waxay bogaadinayan Cabdi_wali dadaalkiisa, kartidiisa, iyo hannaanka wanagsan Ee waxbarasho ee uu muujiyay intii uu ardayga ka ahaa dugsiga. Guushani waxay sidokale ka tarjumeysaa muhiimadda waxbarasho Tayo leh, Hagid macallimiineed iyo Dadaal joogto ah waxaan abdi_wali urejeyneynaa Guulo waxbarasho oo kasii waa weyn, aqoon waarta iyo mustaqbal ifaya.

Taariikh: 26/08/2026Maamulka Dugsiyada Al-bayaan ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay macallimiinta dugsiyada, kaas oo...
26/08/2026

Taariikh: 26/08/2026
Maamulka Dugsiyada Al-bayaan ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay macallimiinta dugsiyada, kaas oo looga hadlayay u-diyaargarowga sannad-dugsiyeedka cusub.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hubin lahaa in dhammaan dhinacyada waxbarashada iyo maamulka ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan sannad-dugsiyeedka cusub. Maamulka ayaa macallimiinta la wadaagay qorshayaasha iyo muhiimadda ay leedahay in sannadkan cusub lagu bilaabo dadaal, nidaam iyo isku-duubni.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay kor u qaadista tayada waxbarashada, diyaarinta casharrada, ilaalinta nidaamka iyo anshaxa ardayda, waqtiga shaqada, iyo iskaashiga ka dhexeeya maamulka iyo macallimiinta.
Maamulka Dugsiyada Al-bayaan ayaa macallimiinta kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah, masuuliyad iyo dulqaad, si ardayda loo siiyo waxbarasho tayo leh, loona gaaro yoolalka loo qorsheeyay sannad-dugsiyeedka cusub.

Kulan Adag oo udhexeyay Tartamayaasha Dugsiyada Al_bayaan iyo Tartamayaasha Dugsiga gubadley ayaa kuso dhamaday Al_bayaa...
10/08/2026

Kulan Adag oo udhexeyay Tartamayaasha Dugsiyada Al_bayaan iyo Tartamayaasha Dugsiga gubadley ayaa kuso dhamaday
Al_bayaan= 3
Gubadley= 2
Sidaasne waxay guushu ku raacday utartamayaasha Dugsiyada Al-bayaan.

Al_bayaan.

  ๐ŸŽ‰Maamulka Dugsiyada Al-bayaan wuxuu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada...
09/08/2026

๐ŸŽ‰
Maamulka Dugsiyada Al-bayaan wuxuu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada Al-bayaan, kuwaas oo maanta si guul leh uga gudbay Imtixaanka Fasalka 8aad, iyagoo gaaray natiijo heer sare ah . ๐ŸŽ“๐Ÿ†
Waxaa si gaar ah xusid mudan in dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada Al-bayaan oo ahaa ku dhawaad ay guul weyn ka gaareen imtixaanka, iyadoo kaliya 5 arday ay ka dhaceen, taasina ay muujinayso dadaalka iyo tayada waxbarasho ee ka jirta Dugsiyada Al-bayaan.
Maamulka Dugsiyada Al-bayaan wuxuu mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa waalidiinta sharafta leh, oo door weyn ka qaatay guusha ardayda, iyo macallimiinta, kuwaas oo dadaal, dulqaad iyo juhdi badan geliyey diyaarinta iyo baridda ardayda.
Guushan waxay caddeyn u tahay in marka ay iskaashadaan ardayga, waalidka iyo macallinku, la gaari karo natiijooyin waaweyn.
๐Ÿ‘ Hambalyo ardayda Fasalka 8aad!
๐Ÿ‘ Hambalyo waalidiinta!
๐Ÿ‘ Hambalyo macallimiinta!
๐Ÿ‘ Hambalyo dhammaan bahda Dugsiyada Al-bayaan!
. ๐ŸŒŸ๐Ÿ“š

Diyaar garowga kulanka berito garoonka Eng. Yariisow / Ex Koonis.Waxaan taageerayaasha Dugsiyada Al-bayaan ogeysiineynaa...
31/07/2026

Diyaar garowga kulanka berito garoonka Eng. Yariisow / Ex Koonis.
Waxaan taageerayaasha Dugsiyada Al-bayaan ogeysiineynaa in berito waqtiga 4:00 galabnimo aan ciyaareyno kulankeena 1aad nagala soo qeyb galayaan iyadoo xarunta Al-bayaan Suuq-bacaad la keeni doono gawaari ay raacaan waqtiga 3:00 ugu dambeyn.

๐—œ๐˜€๐—ธ๐˜‚-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐——๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ.Dugsiyada Al-bayaan ayaa kaga beegmay group B isku aad...
28/07/2026

๐—œ๐˜€๐—ธ๐˜‚-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐——๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ.
Dugsiyada Al-bayaan ayaa kaga beegmay group B isku aadka tartanka kubadda cagta ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banadir.
Guul wacan naadigeena Kubadda Cagta ee Dugsiyada Al-bayaan.

Waxaa sakay ardayda khamiis iyo jimco ee Faraca toowfiiq loo sameyay xaflad si heer sare ah loo Soo agaasimay, taasoo la...
17/07/2026

Waxaa sakay ardayda khamiis iyo jimco ee Faraca toowfiiq loo sameyay xaflad si heer sare ah loo Soo agaasimay, taasoo lagu maamusayay 3da arday ee ugu dhibcaha sareyso imtixankii la qaaday sanad dugsiyedka 2025/2026

 Maamulka iyo macallimiinta Dugsiyada Al-bayaan waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan dhammaan ardayda Soomaaliye...
25/06/2026


Maamulka iyo macallimiinta Dugsiyada Al-bayaan waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta si guul leh u soo gabagabeeyay imtixaanka qaran ee sanad dugsiyeedka.
Sidoo kale, waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa ardayda Dugsiyada Al-bayaan, kuwaas oo si sharaf leh, dadaal leh, u muujiyay karti iyo hufnaan imtixanka inti uu socday.
Waxaan idin leenahay: Dadaalkiina waa miro dhalay, guushiina waa bilow cusub.
Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan iyo guulo waaweyn oo aad mustaqbalka ku gaartaan.
Hambalyo mar kale ardayda Dugsiyada Al-bayaan iyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiyada Al-bayaan Faraca israac ayaa fasalka 8aad usameeyay rixlo iyo damashad ay ku qaatee...
23/06/2026

Maamulka iyo macallimiinta Dugsiyada Al-bayaan Faraca israac ayaa fasalka 8aad usameeyay rixlo iyo damashad ay ku qaateen beerta daaru-salaam kadib idlaashadii imtixanka
.

Waxaa maanta lasoo gebagebeeyay tartan aqonedkii garasho wadaag ee udhaxeeyay ardayda jimco iyo khamiis Faraca suuqbacad...
19/06/2026

Waxaa maanta lasoo gebagebeeyay tartan aqonedkii garasho wadaag ee udhaxeeyay ardayda jimco iyo khamiis Faraca suuqbacad
Waxana maanta finalka isku arkay labada fasal ee kala ah 4aad iyo 2aad waxayna gushu racday fasalka 2aad oo layimdi=10 dhibcood
Halka fasalka 4aad uu la yimid=8 dhibcood
Hambalyo fasalka 2aad oo noqday champions ka ardayda jimco iyo khamiis suuqbacad.

Address

Muqdishow

Opening Hours

Monday 06:00 - 18:00
Tuesday 06:00 - 18:00
Wednesday 06:00 - 18:00
Saturday 06:00 - 18:00
Sunday 06:00 - 18:00

Telephone

+252616555582

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dugsiyada Al-bayaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Dugsiyada Al-bayaan:

Shortcuts

Share

Category