28/07/2026
🩺 Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga (World Hepatitis Day)
Maanta oo ku beegan "28-ka Luulyo", dunidu waxay ka mideysantahay kor u qaadidda wacyiga ku saabsan cagaarshowga (Hepatitis), oo ka mid ah cudurrada saameeyay malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool.
Beer caafimaad qabta waa furaha nolol caafimaad leh.
Baaritaan h**e iyo tallaal ayaa ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo halista gaar ahaan "Hepatitis B".
Samee Baaritaan.
Qaado tallaalka haddii aad u baahan tahay.
Ilaali naftaada, qoyskaaga, iyo bulshadaada.
Get Tested. Get Vaccinated. Stay Protected.
Healthy Liver, Healthy Future.
23/07/2026
Jaamacadda Kownayn waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Guddoomiyaha cussub ee Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Dr. Mohamud Ahmed Jimale.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku garab galo gudashada xilkan qaran ee muhiimka ah, uuna ka dhigo mid u horseeda horumar, tayo, iyo hufnaan ku timaadda tacliinta sare ee Soomaaliyeed.
Hambalyo, mar kale guul ayaan kuu rajaynaynaa. 🇸🇴
14/07/2026
𝑯𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒐 𝑲𝒖𝒍𝒍𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 "𝑪𝒐𝒎𝒑𝒖𝒕𝒆𝒓 𝑺𝒄𝒊𝒆𝒏𝒄𝒆 & 𝑰𝑻"
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan ardayda Kulliyadda Computer Science & Information Technology ee difaacatay buuggoodii qalin-jebinta.
Guushiinnu waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dadaalka aad u gasheen in halkan la soo gaaro
Waxaan idiin rajaynayaa mustaqbal wanaagsan iyo guulo kale oo waaweyn.
Hambalyo mar kale!
12/07/2026
𝑯𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒐 𝑲𝒖𝒍𝒍𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑺𝒉𝒂𝒓𝒆𝒆𝒄𝒂𝒅𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑫𝒂𝒓𝒂𝒂𝒔𝒂𝒂𝒅𝒌𝒂 𝑰𝒔𝒍𝒂𝒂𝒎𝒌𝒂
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan ardayda Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka oo si guul leh u difaacday buugagoodii qalin-jebinta.
Guushan waa billow cusub oo u horseedaya mustaqbal ifaya. Alle ha idiin barakeeyo cilmigiinna, hana idiin waafajiyo adeegga diinta, bulshada iyo dalkaba. Hambalyo mar kale!
11/07/2026
𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮
Jaamacadda Kownayn waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyaynaysaa ardayda Kulliyadda Caafimaadka ee si guusha leh u difaacday buugaagtoodii qalin-jabinta.
Waxaad maanta gaarteen guul mudan in lagu faano, taas oo ka tarjumaysa dadaalkiinna, kartidiinna, iyo hiigsigiinnii aqooneed. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo mustaqbal ifaya.
𝘔𝑎𝘳 𝘬𝑎𝘭𝑒 ℎa𝑚𝘣𝑎𝘭𝑦𝘰 𝘒𝑢𝘭𝑙𝘪𝑦a𝑑𝘥𝑎 𝐶aa𝘧𝑖𝘮𝑎a𝑑𝘬𝑎
10/07/2026
𝙃𝒂𝙢𝒃𝙖𝒍𝙮𝒐 𝑯𝙖𝒎𝙗𝒂𝙡𝒚𝙤 𝙃𝒂𝙢𝒃𝙖𝒍𝙮𝒐
Jaamacadda Kownayn waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardaydii sida guusha leh u soo dhamaatay difaacashada buugga qalin-jabinta.
Guushani waa tallaabo aqooneed oo muhiim ah, isla markaana gogol-xaar u ah munaasabadda qalin-jabinta ee aad ku mutaysateen dadaalkiinna, dulqaadkiinna, iyo kartidiinna.
Waxaan idiin rajaynaynaa guulo waaweyn iyo mustaqbal micno leh. Waxaa inoo dhow maalintii la wada sugaayey ee xafladda qalin-jabinta.
Hambalyo mar kale, Dufcadda Qalin-jebineysa sanadkan 2026!
06/07/2026
Barnaamijkii "Training of Trainers (TOT)" ayaa si guul leh noogu soo geba-gaboobay.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta tababarkan, gaar ahaan Dr. Abdullahi Adam Sheikh, Dr. Baydhabo.
Waxaan rajaynaynaa in aqoonta iyo xirfadaha la is-weydaarsaday ay noqdaan kuwo bulshada wax weyn ku soo kordhiya.
's Trainee, Tomorrow's Trainer.
05/07/2026
Jaamacadda Kownayn ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Training of Trainers (TOT) oo loogu talagalay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta iyo shaqaalaha Hay'adaha waxbarashada gaar ahaan kuwa Duqsiyada sare.
Tababarkani waa qayb ka mid ah dadaallada Jaamacadda Kownayn ee lagu xoojinayo tayada waxbarashada, kobcinta awoodda Macallinka, Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Jaamacadda
University – Transforming Experience into Excellence.
25/06/2026
Hambalyo 26-ka Juun, maalinta gobannimada Soomaaliyeed, oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhida quluubta ummadda Soomaaliyeed, astaanna u ah halgan, midnimo, iyo karaamo qaran.
Sidoo kale, hambalyo iyo bogaadin gaar ah ayaan u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee soo dhammaystay imtixaanka dugsiga sare .
Waa farxad weyn in laba munaasabad oo qiimo leh ay maantay isku soo beegmaan "xuska maalinta xorriyadda iyo guusha Ardayda Soomaaliyeed".
Waxaan idiin rajaynayaa mustaqbal ifaya, guul joogto ah, iyo in aad noqotaan aqoonyahanno dalkooda, dadkooda, iyo diintoodaba anfaca.
, .