War deg deg ah: Waxaa goordhaw dhaawac gaaray madaxa maalyada midowga mudne farxaan waxuuna Ku jiraa qaliin isbitaalka madiina. Faah faahin gadaal ayaan kasoo sheegi doonaa.
PLasma University Students Union
Midowga Ardayda jaamcadda Plasma waa urur utaagan u adeegida adayda gaar ahaan jaamicadda plasma guud ahaan soomaaliya oo dhan
12/02/2016
Waxaa maanta oo ay tariiq da tahay 12/02/2016. Maalin jimca ah si balaaran uga bilawday olole nadaafadeed guud ahaa jaamacada plasma. Olalahan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Midowga ardayda jaamacada plasma (PUSU) iyo Ururuka ardayda Kuliyadda public health (plasma University public health student association). (PUPHSA). Olalahaan ayaa isugu jiray dhir jarid iyo dib usoocelinta bilicda jaamacada plasma sidoo kale waxaa agabyada loo isticmalo keydinta qashinka, gacma dhaqashada isticmaalka suul iga ka dib la dhigayay meelaha muhiimka ah silooga hortago cudurada faafa.
Halhayska o lol aha
( dhaq gacamahada marwalba adoo isticmaalayo saabuun iyo biyo)
Asc dhamaan aqristayaasha page-kan.
waxaa la ogeysinayaa dhamaan ardayda jaamacada plasma meel walbo ay joogaan in jaamacada ay SI rasmi ah u furmi doonta 15/02/2015. Sidoo kale waxaa SI rasmi ah ubilowday qaadasha numberka lagu ogaanayay natiijada imtixaanka taasoo hada kasocoto jaamacada.
Qaabka casriga ah ee online-ka ah ee natiojada ayaa semisterkii labaad ka fulaya jaamacada was a mid ka mid ah horumarada ay jamcada Ku talaabsatay.
Guy wacan.
Mas'ud Ahmed Mohamud
Xoghayaha warfaafinta.
Inaalillahi WA inaa ileyhi raajicuun.
Dhamaan madaxda midowga arday jaamacada plasma iyo dhamaan ardayda qeebaheeda kala duwan waxay ka tacsiyeynayaan geeridii kutimid qabiir sare Cabdi Xaaji Goobdoon oo muqdishu kugeeriyooday. Janadii Fardowso Allah's geeyo
Asc dhamaan aqristayaasha page-ka midowga ardayda jaamacada plasma.
Waxaa lagu jiraa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Ku Aadan imtixaan semisterka ee jaamacada oo lagu wado inuu furmo maalinta sabtida ah ee taariqda tahay 16/01/2015. Gud Ayaan kuliuadaha Kala duwan ee jaamacada.
Waxaan urajeynaynaa guul dhamaan ardayda jaamacada plasma.
28/11/2015
Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayay madaxweynaha jaamacadda plasma prof. xassan kaafi ayaa ka dhacday xarunta weyn ee jaamacadda plasma.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeebgalay maamulka jaamacadda plasma iyo ardayda kuliyadaha kaladuwan ee jaamacda plasma iyo sidoo kale marti sharaf kaloo fara badan kadib markii uu safar uu madaxweynaha jaamacadda ugu maqnaa magaalada siena ee dalka taliyaaniga. madaxweynaha ayaa ka qeebgalay shir weyne caalami ah oo ay isugu yimaadeen in kabadan 500 oo madaxda jaamacadaha aduunka waxaa uuna kasoo hoyay guulo wax ku ool ah. madaxweynaha jaamacada plasma ayaa ka warbixiyaya safarkiisii iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadda plasma ay aheed jaamacadda kaliyah ee soomaia ka timid taasoo ku tuseysa in jaamacada palsma ay tahay the leading university across the nation.
madaxweynaha jaamacadda prof. xassan kaafi ayaa sheegay in heshiisyo waxbarasho uu lasoo saxiisday jaamacadaha ugu waayeen caalamaka waxa uuna u sheegay aradayda jaamacada in ay heystaan fursadii ugu horeysa ee uu helo arday soomaaliyeed oo ah in ay tababaro wax barasho ay u aadaan qaaradda Europe.
Asc. Dhamaan. Maanta oo ay taariqdu yahay 14/11/2015 sabti waxaa SI Rasmi ah usoo gabagaboobay guud Ayaan imtixaanke mid-semisterka ee mudada 8da maalmood kasocday jaamacada plasma. Guud Ayaan ardayda , macalimiinta iyo maamulka ayaa wajiyadooda kamuqatay farxad, waxa uuna kusoo dhamaaday ayadoo wax buuq ah dhicin . Alxamdullillah.
Asc. Waxaa maanta oo ay tariqda tahay 07/11/2015. Sabti si toos ah uga furmay jaamacada plasma qeebaheeda kaladuwan imtixaankii mid termka. Waxaan u rajeynaynaa guud ahaan ardayda jaamacada plasma ee magaalada muqdishu iyo gobolada dalka guul iyo baraare.
Mr. Mas'ud Ahmed Mohamud
Information affairs officer.
Mahadsanidiin
Ogeysiis: Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan ardayda jaamicada in laqaban doono muxaadaro balaaran taasoo ciwaankeeda yahay Faaidada cilmiga iyo aqlaaqda looga baahanyahay ardayga. Waxaana soo jeedindoona sheikh kamid culimada ugu caansan somalia kaasoo lagu magacaabo Shiikh cabdul xayi. Muxaadarada waxa laguqabandoonaa hoolka jaamacada qeebta isbitaalka, saacaduna waa 3:30pm galabnimo. Muxaadarada waxaa soo qabanqaabiyay Midowga ardayda jaamacada plasma iyado ay gacan kageysteen maamulka jaamicada plasma. Kasoqeebgalkaadu waa muhiim.
07/10/2015
Bandigga kuliyadaha kaladuwan ee jaamacadda plasma ayaa si wanaagsan ugu soogabagaboobey jaamacadda plasma. bandhiga oo ahaa mid soconayay mudo sedex maalmood ah ayaa waxaa kasoo qeebgalay inkabadan 2000 isugu jira aqoonyahano iyo arday kasocotay degmooyinka magaalada muqdishu. bandhigan ayaa ahaan mid lagu muujinayay agabka iyo tayada waxbarshada ee jaamacadda plasma. bandhiga ayaa sidoo kale aha mid lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee jaamacadda qaadatay sanadkaan islamarkaana lagu barayay agabka ay leeyihiin kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda plasma.
Waxaa maanta sirasmi ah loofuray jaamicadda plasma kadib fasax dheer oo mudo laba bilood ah kaasoo maamulka ,macalimiinta iyo ardayda ay kaga nasanayeen halsano oo casharo ah. Iyadoo inta lagu guda jiray fasaxa jaamacada , jaamicaddu ay bixineysay caurses gaagaaban. Kusoodhawaada jaamicadda plasma
29/08/2015
midowga ardayda jaamicadda plasma waa astaanta midnimada umada soomaaliyeed.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu