Mogadishu Institute of Health

Mogadishu Institute of Health MIH is a context-based, community-led non-profit institute in Mogadishu, Somalia, specializing in health research and training.

MIH is committed to develop local talents and generate data-driven insights to transform the future of Somaliโ€™s healthcare.

Amniga caafimaadka bulshadu wuxuu si dhow ugu xirnaan karaa hal koob oo biyo ah, balse xogta dalkeenna ka jirta waxay mu...
25/07/2026

Amniga caafimaadka bulshadu wuxuu si dhow ugu xirnaan karaa hal koob oo biyo ah, balse xogta dalkeenna ka jirta waxay muujinaysaa in baahidaas aasaasiga ah ay weli tahay isha koowaad ee khatarta nolosha kumanaan qoys. Tani waa xaqiiqada dhabta ah ee ka dambaysa cudurka Daacuunka (Cholera) ee Soomaaliya; cudur wax ku dila saacado gudahood, kaas oo dalkeenna ku soo laa-laabanayay sanad kasta tan iyo sanadkii 2000.

Waxa dhacdadan ka dhigaya mid aan la aqbali karin ayaa ah in Daacuunku yahay cudur si fudud looga hortagi karo, lana daaweyn karo. Haddaba, maxaynu u soo afjari laโ€™nahay?

Kooxdayada cilmi-baarista ee MIH ayaa soo bandhigay xog ay ka soo uruuriyeen muddo rubuc qarni ah (25 sano) caddaymo muujinaya in dhibaatadu aysan ahayn mid caafimaad oo kaliya. In kasta oo talaalku yareeyo dhimashada, haddana ma nadiifiyo biyaha. Isbeddelka cimilada ee keena abaaraha, iyo daadadka dib u soo celiya bulaacadaha wasakheeya ceelasha ayaa ah sababta dhabta ah. Carruurta ka yar shanta sano ayaana ah kala bar dadka uu cudurkan rito ama u dhinta.

Daacuunka Soomaaliya ka jira waa dhibaato dhinaca biyaha ah oo loo ekaysiiyay mid caafimaad oo kaliya. In la daaweeyo dadka buka kaliya marna ma soo afjarayso dillaacitaanka cudurkan; kaliya helitaanka biyo nadiifa ayaa ah xalka rasmiga ah. Koobka biyaha ah ee ay hooyadu ilmaheeda siinaysaa waa inuu ahaado waxa ugu fudud uguna ammaansan adduunka, dhisidda nidaam biyo oo badbaado lehna waa mid kamid ah hadafyada ugu weyn ee MIH ay u taagan tahay inay bulshada u iftiimiso.

________________________________________________________

Public health security is fundamentally anchored in the right to safe water. However, a quarter-century of epidemiological evidence reveals that in Somalia, this basic necessity remains a primary vector for a devastating annual epidemic. This is the stark reality of Cholera: a disease that kills within hours and has returned to our communities every single year since 2000.

What makes this cycle unbearable is that cholera is entirely preventable and easily treatable. The question remains: why does it persist?

Our research team at MIH analyzed 25 years of data to find the answer. We discovered that the root cause is not purely medical. While vaccines reduce mortality, they cannot purify the environment. Climate-driven droughts contaminate wells, and floods wash sewage back into water sources. Children under five pay the highest price, accounting for more than half of all cases and deaths.

Cholera in Somalia is a water crisis wearing a medical disguise. Treating the sick alone will never break the cycle; only sustainable access to safe water will. That glass of water in a motherโ€™s hand should be the simplest, safest thing in the world. Ensuring its safety is the most critical mission we pursue.

๐‹๐ž๐š๐๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž. ๐ƒ๐ž๐Ÿ๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.

Waxaan si weyn ugu hambalyeynaynaa Madaxa Hal-abuurka ee Machadka Caafimaadka Muqdisho; Yakub Burhan Abdullahi, oo gaara...
20/07/2026

Waxaan si weyn ugu hambalyeynaynaa Madaxa Hal-abuurka ee Machadka Caafimaadka Muqdisho; Yakub Burhan Abdullahi, oo gaaray guul cilmiyeed muhiim ah ka dib markii in ka badan 100 jeer la xigtay Cilmibaaristiisa.

Guushan ma ahan mid shaqsi ah oo kaliya, balse waa tusaale muujinaya sida Cilmibaarista ka soo baxda Machadkeennu ay u qaabaynayso aqoonta caalamiga ah. MIH ahaan, waxaa naga goโ€™an inaan sii xoojinno saamaynta iyo tixraaca ay aqoonyahannada Soomaaliyeed ku leeyihiin fagaarayaasha aqoonta ee adduunka.

________________________________________

We are pleased to recognize a significant scholarly milestone achieved by our Head of Innovation, Yakub, who has officially surpassed ๐Ÿ๐ŸŽ๐ŸŽ+ ๐†๐ฅ๐จ๐›๐š๐ฅ ๐‚๐ข๐ญ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ.

This achievement underscores the expanding reach of our institutional research and reflects MIHโ€™s commitment to bridging raw data with innovation. As we lead the narrative, we continue to ensure that Somali expertise is recognized, respected, and cited within the international scientific community.

๐‹๐ž๐š๐๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž. ๐ƒ๐ž๐Ÿ๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.

16/05/2026

๐‡๐š๐ฅ๐ค๐š๐ง ๐Š๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐š๐ฅ๐ค๐š

Dr-Najib Isse Dirie Agaasimaha Mogadishu Institute of Health ahna Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed Kalmadii uu ka jeediyay shir cilmiyeedkii dhanka technology yada oo ay soo qaban qaabisay SomClick oo 12kii Bishan May ka dhacay Magaalada Muqdisho.

๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ฆ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐ˆ๐‡ ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซWaxaa farxad noo ah inaan shaacinno ...
07/05/2026

๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ฆ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐ˆ๐‡ ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ

Waxaa farxad noo ah inaan shaacinno in maanta uu si rasmi ah u qabsoomay saxiixa Heshiis Is-afgarad (MoU) oo dhexmaray Machadka Caafimaadka Muqdisho (MIH) iyo Agaasinka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir (BRA Health).

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Agaasimaha MIH, Dr. Najib Isse Dirie, iyo Agaasimaha Caafimaadka BRA, Dr. Abdirahman Ahmed Mohamud, ayaa ujeeddadiisu tahay in la iska kaashado horumarinta cilmi-baarista caafimaadka, dhisidda awoodda xirfadlayaasha caafimaadka gobolka Benadir, iyo adeegsiga xogta cilmibaarista si loo hagaajiyo adeegyada caafimaad ee caasimadda.

Tallaabadani waxay xoojinaysaa hadafkeenna ah in goโ€™aan kasta oo caafimaad uu ku yimaaddo caddayn sugan, si loo gaaro mustaqbal caafimaad oo waara, looguna adeegayo bulshada ku nool Gobolka Banaadir & dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.
___________________________

๐’๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ž๐ ๐ข๐œ ๐๐š๐ซ๐ญ๐ง๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ ๐›๐ž๐ญ๐ฐ๐ž๐ž๐ง ๐Œ๐ˆ๐‡ ๐š๐ง๐ ๐๐‘๐€ ๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก ๐ƒ๐ข๐ซ๐ž๐œ๐ญ๐จ๐ซ๐š๐ญ๐ž

We are pleased to announce the formal signing of a Memorandum of Understanding (MoU) between the ๐Œ๐จ๐ ๐š๐๐ข๐ฌ๐ก๐ฎ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ž ๐จ๐Ÿ ๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก (๐Œ๐ˆ๐‡) and the ๐๐‘๐€ ๐ƒ๐ข๐ซ๐ž๐œ๐ญ๐จ๐ซ๐š๐ญ๐ž ๐จ๐Ÿ ๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก ๐š๐ง๐ ๐‡๐ฎ๐ฆ๐š๐ง ๐’๐ž๐ซ๐ฏ๐ข๐œ๐ž๐ฌ.

Signed by our Managing Director, Dr. Najib Isse Dirie, and the BRA Health Director, Dr. Abdirahman Ahmed Mohamud, this landmark partnership aims to advance locally driven, data-informed health solutions. The collaboration is anchored in four core pillars:
- ๐‚๐š๐ฉ๐š๐œ๐ข๐ญ๐ฒ ๐’๐ญ๐ซ๐ž๐ง๐ ๐ญ๐ก๐ž๐ง๐ข๐ง๐ : Empowering the health workforce through training and mentorship.
- ๐‚๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐›๐จ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž ๐‘๐ž๐ฌ๐ž๐š๐ซ๐œ๐ก: Conducting joint studies to inform regional health policy and service delivery.
- ๐ˆ๐ง๐ง๐จ๐ฏ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง & ๐ƒ๐š๐ญ๐š ๐”๐ญ๐ข๐ฅ๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง: Enhancing data systems and evidence use for informed decision-making.
- ๐‰๐จ๐ข๐ง๐ญ ๐๐š๐ซ๐ญ๐ง๐ž๐ซ๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ๐ฌ: Mobilizing resources to maximize health outcomes in the Benadir region.

By aligning institutional research expertise with regional health priorities, MIH and BRA Health are committed to bridging the gap between scientific investigation and practical healthcare delivery.

๐‹๐ž๐š๐๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž. ๐ƒ๐ž๐Ÿ๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.

07/05/2026

Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir ๐Ÿค Mogadishu Institute of Health

03/05/2026

Daawo qaybta labaad ee bandhigga cilmibaaristii ugu dambaysay ee MIH. Agaasimaha MIH, Dr-Najib Isse Dirie, ayaa nala wadaagaya xaqiiqooyinka iyo ujeeddooyinka ka dambeeya daraasadda Telemedicine-ka ee Soomaaliya, taas oo laga baahiyey joornaal Caalami ah.

Caddayn sugan waa dhababbaha rasmiga ah ee lagu qaabeeyo nidaam caafimaad oo adkaysi leh, laguna kalsoonaan karo.
_______________________________

Watch the second installment of our strategic research reveal. Our Managing Director, Dr. Najib Isse Dirie, discusses the vision and methodology behind our telemedicine study in Somalia, recently featured in the Wiley International Journal.

Anchoring national progress in rigorous scientific investigation is the core of our institutional mission.

๐‹๐ž๐š๐๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž. ๐ƒ๐ž๐Ÿ๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.

Authors: Dr-Najib Isse Dirie, Mohamed Mustaf Ahmed,
Ahmed Adam Derow

Read the full article below ๐Ÿ‘‡

https://onlinelibrary.wiley.com/doi/epdf/10.1155/ijta/3667956

Baano

01/05/2026

Daawo qaybta koowaad ee bandhigga cilmibaaristii ugu dambaysay ee MIH. Agaasimaha MIH, Dr. Najib Isse Dirie, ayaa nala wadaagaya xaqiiqooyinka iyo ujeeddooyinka ka dambeeya daraasadda Telemedicine-ka ee Soomaaliya, taas oo laga baahiyey joornaal Caalami ah.

Caddayn sugan waa dhababbaha rasmiga ah ee lagu qaabeeyo nidaam caafimaad oo adkaysi leh, laguna kalsoonaan karo.
_______________________________

Watch the first installment of our strategic research reveal. Our Managing Director, Dr. Najib Isse Dirie, discusses the vision and methodology behind our telemedicine study in Somalia, recently featured in the Wiley International Journal.

Anchoring national progress in rigorous scientific investigation is the core of our institutional mission.

๐‹๐ž๐š๐๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž. ๐ƒ๐ž๐Ÿ๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.

Authors: Dr-Najib Isse Dirie, Mohamed Mustaf Ahmed,
Ahmed Adam Derow

Read the full article below ๐Ÿ‘‡

https://onlinelibrary.wiley.com/doi/epdf/10.1155/ijta/3667956

Baano

Our Managing Director Dr-Najib Isse Dirie, MD, Ph.D. Will speak ๐ŸŽค 3D Printing Technology in Healthcare at the Makerthon ...
30/04/2026

Our Managing Director Dr-Najib Isse Dirie, MD, Ph.D.

Will speak ๐ŸŽค 3D Printing Technology in Healthcare at the Makerthon 2026 organized Somalia ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxaa xalay magaalada Muqdisho si heer sare ah ugu qabsoomay munaasabad lagusoo bandhigayay cilmibaaris uu diyaariyey Ma...
24/04/2026

Waxaa xalay magaalada Muqdisho si heer sare ah ugu qabsoomay munaasabad lagu
soo bandhigayay cilmibaaris uu diyaariyey Machadka Mogadishu
Institute of Health (MIH), taas oo ku saabsanayd saamaynta caafimaadka casriga
ah (Telemedicine) ee dalkeenna.

Munaasabadda waxaa sharaf weyn noo ahayd in ay nagala soo qayb-galaan
mas'uuliyiin miisaan leh oo ay ka mid yihiin:

- Dr. Maxamed Xasan Maxamed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka JFS.
- Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir.
- Dr. Maxamed Maxamuud Cadow, Xoghayaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka
(NHPC).
- Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, madaxda tacliinta sare ee dalka qayb kamid ah, agaasimayaasha isbitaallada, cilmibaarayaal, iyo ardayda culuumta caafimaadka.

Madashu ma ahayn oo kaliya soo bandhigis cilmiyeed, balse waxay ahayd fursad
qaali ah oo ay ku kulmeen maskaxaha hoggaamiya caafimaadka dalka, si loo xoojiyo
xiriirka (Networking) iyo wadashaqaynta khubarada.

Machadka MIH wuxuu u mahadcelinayaa shirkadda Baano Healthcare Technology oo
door weyn ka qaadatay fududeynta iyo taaba-gelinta barnaamijkan quruxda badan.
Wadajirka iyo dhiirigelinta noocan ah waa wadada kaliya ee lagu gaari karo
madax-bannaani dhinaca xogta iyo sayniska ah.
____________________________

The Mogadishu Institute of Health (MIH) successfully hosted a premier research
presentation and networking evening at the Holiday Hotel, unveiling our
study on the implementation of integrated telemedicine services in Somalia.

We were deeply honored by the presence of distinguished guests, including:

- Dr. Mohamed Hassan Mohamed, Deputy Minister of Health (FGS).
- Dr. Abdirahman Ahmed Mohamud, Director of Health for the Banadir Regional
Administration.
- Dr. Mohamed Mohamud Adow, Secretary of the National Health Professions Council
(NHPC).
- Senior Directors from the Ministry of Health, academic leaders, hospital
administrators, healthcare professionals, and students.

The event served as a high-level platform for scientific dialogue and
professional networking, bringing together the leading minds of the Somali
health sector to discuss the digital transformation of healthcare.

MIH extends its profound gratitude to our partner and sponsor, Baano Healthcare
Technology, for their instrumental support in making this event a remarkable
success. Together, we are bridging the gap between clinical data and national
policy.

๐‹๐ž๐š๐๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐๐š๐ซ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž. ๐ƒ๐ž๐Ÿ๐ข๐ง๐ข๐ง๐  ๐ญ๐ก๐ž ๐…๐ฎ๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž.


Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Institute of Health posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share