24/05/2026
Shabeelle School
Dugsiga Hoyga shabeelle waa dugsi bixiyo waxbarashada asaasiga maadi iyo diini intuba.
24/05/2026
17/05/2026
🐑 هل ترغب في دخول عالم تربية الأغنام بثقة وعلى أساس علمي واقتصادي متين؟
سواء كنت مربياً مبتدئاً يبحث عن خطوته الأولى، أو مستثمراً يطمح لتأسيس مشروع حيواني ناجح ومربح، أو حتى مربياً صاحب خبرة تريد تحديث معلوماتك وتفادي الأخطاء الشائعة...
نضع بين يديك الدليل العملي الأبرز:
📘 "المرجع الأساسي المبسط في تربية الأغنام"
هذا الكتاب ليس مجرد نظريات، بل هو دليل تطبيقي يأخذ بيدك خطوة بخطوة نحو إدارة قطيعك بذكاء واحترافية.
💡 ماذا ستتعلم من هذا المرجع؟
📐 تأسيس الحظائر: كيف تصمم حظيرة صحية، مريحة، وبأقل التكاليف لحماية قطيعك؟
🌾 التغذية الذكية: تركيب العلائق المتوازنة ووصفات الأعلاف التي تضمن أعلى معدل تحويل وأفضل تسمين بأقل استهلاك.
🩺 الرعاية الصحية والوقاية: جدول التحصينات الدورية، والتعرف على أشهر الأمراض وكيفية علاجها والوقاية منها قبل فوات الأوان.
🐏 إدارة التناسل والولادة: علامات العشار، رعاية النعاج الحوامل، والتعامل الاحترافي مع المواليد الجدد لتقليل نسبة النفوق.
📈 إدارة وتطوير المشروع: كيف تحسب تكاليفك وتدير مشروعك كمنظومة اقتصادية ناجحة ومستدامة.
✨ لماذا تميز هذا الكتاب؟
🐑مبسط وعملي: صياغة واضحة بعيدة عن التعقيد الأكاديمي، ومناسبة للجميع.
🐑شامل متكامل: يغطي الدورة الإنتاجية الكاملة للأغنام من الولادة وحتى التسويق.
🐑حلول واقعية: يقدم حلولاً لأبرز المشاكل اليومية التي تواجه المربين في الميدان.
🐑 رابط الكتاب بالأسفل
15/05/2026
💻 Ardayda Shabeelle School oo ku sugan lab-ka Computer Science-ka ee Almaas University , halkaas oo loogu sharaxayay macluumaad ku saabsan teknoolojiyadda casriga ah, barnaamijyada kombiyuutarka, iyo muhiimadda ICT-ga ee waxbarashada iyo nolosha casriga ah. 📚
14/05/2026
🎓📚 booqasho waxbarasho oo qiimo badan 📚🎓
Maalin muhiim ah ayay ahayd markii ardayda fasalka 12aad ay booqasho waxbarasho ku tageen Almaas University. Ujeeddada booqashadu waxay ahayd in ardayda lagu baro jawiga jaamacadda, qeybaha kala duwan ee waxbarashada, iyo fursadaha aqooneed ee ay heli karaan mustaqbalka. Booqashadan waxay si weyn kor ugu qaaday fahamka ardayda ee waxbarashada sare iyo xirfadaha kala duwan.
🗣️ ardaydu waxay ka qeyb galeen siminaar qiimo badan oo ay soo jeediyeen macallimiin iyo khubaro ka tirsan jaamacadda, kaas oo cinwaankiisu ahaa:
✅ istiraatiijiyadda ku barmoosidda waxbarashada
Seminaarku wuxuu diiradda saaray muhiimadda ay leedahay in ardaydu yeeshaan qorshe waxbarasho oo adag, dadaal joogto ah, iyo hannaan ay ugu guuleysan karaan waxbarashadooda iyo mustaqbalkooda.
Sidoo kale ardaydu waxay booqdeen qeybaha kala duwan ee jaamacadda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
🔬 lab-ka geology.
🩺 lab-ka caafimaadka.
💻 lab-ka computer science.
📖 maktabadda jaamacadda.
Ardaydu waxay halkaas ka heleen aqoon, waayo-aragnimo, iyo dhiirrigelin ku saabsan xirfadaha iyo fursadaha waxbarasho ee mustaqbalkooda.
Waxaan u mahadcelineynaa maamulka almaas university soo dhoweynta wanaagsan iyo wada-shaqeynta qiimaha badan ee ay la yeesheen ardaydeena.
🌟 booqashadani waxay ahayd mid xusuus mudan oo faa’iido weyn u leh ardayda fasalka 12aad.
Dugsigeennu wuxuu si joogto ah ugu dadaalayaa horumarinta aqoonta, iyo aragtida mustaqbalka ee ardayda.
Waxaan aaminsanahay in ardaygu helo fursado waxbarasho iyo waayo-aragnimo dhab ah oo u diyaariya guusha nolosha iyo tacliinta sare.
Shabeelle School
Booqasho jaamacadeed.
Almas University
Shabeelle School
02/05/2026
كتاب من الزمن الجميل بصيغة PDF لتحميل هذا الكتاب إضغط على...voir plus
01/05/2026
Bismillaah
Dugsiga Hoyga Shabeelle Shabeelle School wuxuu si sharaf leh uga qeyb galay, sidoo kalena goob-joog ka ahaa Bandhigga Xaayaat oo ahaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna kulmiyay qaybo muhiim u ah horumarka bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga, teknoolojiyadda iyo dhaqanka.
Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Kobac ayaa socday muddo laba maalmood ah, taariikhdu markay ahayd 29–30/4/2026, waxaana uu noqday madal muhiim ah oo lagu soo bandhigay aqoon, khibrad iyo aragtiyo cusub oo la xiriira horumarka casriga ah.
Ardayda fasalka 12aad ee Dugsiga Shabeelle ayaa si firfircoon uga qeyb galay barnaamijka kobcinta garaadka ardayga, iyagoo ka faa’iideystay casharro, bandhigyo kor u qaadaya fahamkooda iyo xirfadaha nolosha. Ka qeybgalka ardayda wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee dugsigu ugu jiro horumarinta maskaxda iyo mustaqbalka ardaydiisa.
ardayda fasalka 12aad garabkiinna allaah galo.
agaasin, maamul iyo macalin waxay u taaganyihiin sida garaadkiinna, aqlaaqdiinna iyo waxbarashadiinaba kor loogu qaadi lahaa.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Afgoye
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 17:00 |
| Tuesday | 07:00 - 17:00 |
| Wednesday | 07:00 - 17:00 |
| Thursday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 17:00 |
| Sunday | 07:00 - 17:00 |