14/09/2026
بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
TACSI
Maamulka, macalimiinta, ardayda iyo dhamaan bahda Dugsiga Shabeelle waxay tacsi u dirayaa dhamaan ehelka, qaraabada, asxaabta iyo dhamaan reer cabdiraxmaan barre geeridii ku timid Guddoomiyihii Jimciyadda Mashaariicda Al-Khayriyah, Al-waalid Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahiim, oo muddo dheer door muhiim ah ku lahaa hoggaaminta, ilaalinta iyo horumarinta hawlaha kheyriga, waxbarashada iyo daryeelka agoonta.
Jimciyadda Mashaariicda Al-Khayriyah, oo la aasaasay horaantii sagaashameeyadii, waxay bulshada Soomaaliyeed ku lahayd raad muuqda oo dhinacyada samafalka, tarbiyadaha iyo waxbarashada ah. Waxay si gaar ah muhiimad u siisay daryeelka iyo waxbaridda carruurta agoonta ah, iyadoo jiilal badan siisay hoy, aqoon, tarbiyad iyo rajo mustaqbal.
Waxaa ka mid ahaa xarumaha iyo goobaha waxbarasho ee raadkaa taariikhiga ah xanbaarsan:
• Xarunta Agoonta Cusmaan Binu Caffaan, oo door weyn ku lahayd daryeelka, hoyga, tarbiyadaha iyo waxbaridda carruurta agoonta ah.
• Iskuulka Banaadir, oo qayb ka ahaa dadaallada lagu fidinayay waxbarashada iyo barbaarinta jiilal badan.
• Dugsiga Shabeelle, oo sii waday himilada waxbarasho, tarbiyad iyo adeeg bulsho, isla markaana qayb muhiim ah ka noqday barbaarinta ubadka soomaaliyeed.
Xarumahaas iyo dugsiyadaas waxay noqdeen goobo ay ka aflaxeen arday iyo agoon fara badan, kuwaas oo maanta meelo kala duwan kaga jira bulshada. Sidaas darteed, raadkii Jimciyadda iyo hoggaankeedu kuma eka dhismayaal iyo hay’ado oo keliya, balse wuxuu ku nool yahay aqoonta, akhlaaqda iyo mustaqbalka dadkii lagu barbaariyey xarumahaas.
Wuxuu qayb ka ahaa masuuliyiintii gacanta ku hayay hawshaas qiimaha badan. Wuxuu door ku lahaa ilaalinta iyo sii wadidda dhaxal samafal iyo waxbarasho oo soo taxnaa sanado badan. Geeridiisu sidaas darteed waxay murugo ku tahay qoyskiisa iyo ehelkiisa, sidoo kalena waxay taabanaysaa bahda Jimciyadda, agoontii la daryeelay, ardaydii wax ku baratay Xarunta Agoonta Cusmaan Binu Caffaan, Iskuulka Banaadir iyo Dugsiga Shabeelle, iyo dhammaan bulshada ka faa’iidaysatay adeegyadaas.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa in uu naxariisto, dembiyadiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo una nuuriyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa Al-Aclaa.
Waxaan kaloo Alle ka baryaynaa in agoon kasta oo la daryeelay, arday kasta oo wax la baray, xarun kasta asaaskeeda qeyb ka ahaa iyo kheyr kasta oo uu qayb ka qaatay loogu daro miisaankiisa xasanaadka, uguna noqdo sadaqo jaariyah aan ajarkeedu go’in.
عن أبي هريرة ـ رضي الله عنه ـ أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: إذا مات الإنسان انقطع عنه عمله إلا من ثلاثة: إلا من صدقة جارية، أو علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له.
اللهم اغفر له وارحمه، وعافه واعف عنه، وأكرم نزله، ووسع مدخله، واجعل قبره روضة من رياض الجنة، وأسكنه الفردوس الأعلى من الجنة.
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Alle ha u naxariisto, qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan bahda Jimciyaddana sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.