Midowga Ardayda kulliyada waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Midowga Ardayda kulliyada waxbarashada  ee Jaamacadda Ummadda  Soomaaliyeed

Share

Bogga Rasmiga ah ee Ardayda kulliyadda waxbarashada iyo culluumta bulshada ee Jaamacadda ummadda soo

12/07/2026

“The Final Examination of the 2025–2026 Academic Year for the Faculty of Education, Somali National University.”

Photos from Midowga Ardayda kulliyada waxbarashada  ee Jaamacadda Ummadda  Soomaaliyeed's post 12/07/2026

Waxaa si rasmi ah maanta u soo gabagaboobay Imtixaankii Dhamaadka Sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ee Kulliyadda Waxbarashada, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo lagu soo afjaray sanad waxbarasho ay ardaydu ku muujiyeen dadaal, dulqaad iyo karti.
Maamulka Kulliyadda Waxbarashada wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardaydii u fariisatay imtixaanka, isagoo uga mahadcelinaya anshaxa wanaagsan, dadaalka iyo masuuliyadda ay muujiyeen intii uu socday imtixaanku.
Sidoo kale, maamulka kulliyaddu wuxuu mahadnaq gaar ah u jeedinayaa dhammaan macallimiinta, guddiyada imtixaannada iyo shaqaalaha maamulka ee si hufan, daacadnimo iyo masuuliyad leh uga shaqeeyay diyaarinta, maamulka iyo kormeerka imtixaanka, taas oo suuragelisay inuu geeddi-socodku u qabsoomo si nabadgelyo, nidaam iyo hufnaan leh.

Ugu dambayn, waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan, guulo waxbarasho oo waaweyn iyo mustaqbal ifaya. Ilaahay ha idiin barakeeyo dadaalkiinna, hana idiin fududeeyo tallaabooyinka xiga ee safarkiinna aqooneed.
Hambalyo dhammaan bahda Kulliyadda Waxbarashada!




iyoHorumar

01/07/2026

Midowga Ardayda Kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa door muuqda oo muhiim ah ka qaadatay munaasabaddii lagu maamuusayay 1-da Luulyo, maalinta xorriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ardayda Kuliyadda Waxbarashada waxay muujiyeen waddaniyad, firfircooni iyo ka go’naansho ay ku xoojinayaan qiimaha ay leedahay ilaalinta taariikhda, dhaqanka iyo qarannimada Soomaaliya. Ka qaybgalka ballaaran ee ardaydu wuxuu muujinayaa doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka iyo kobcinta dareenka midnimada.

1-da Luulyo waa maalin xusuus gaar ah u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waana maalin lagu xasuusto halgankii iyo dadaalkii loo soo maray xorriyadda iyo mideynta dalka. Sidaas darteed, waxaa farxad noo ah in Kuliyadda Waxbarashada ay hormuud ka noqoto munaasabadaha qaran ee lagu xoojinayo jacaylka dalka iyo wacyigelinta bulshada.

Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ardayda, macallimiinta, iyo maamulka Kuliyadda Waxbarashada ee si hagar la’aan ah uga qayb qaatay xuskan qaran.

Hambalyo 1-da Luulyo!
Hambalyo Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya! 🇸🇴

28/06/2026

Midowga Ardayda Kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay si sharaf leh ugu martiqaadaysaa dhammaan ardayda Batch 9-aad, iyo ardayda kale ee kuliyadda inay ka soo qaybgalaan Seminar muhiim ah oo ku saabsan Scholarship Hunting.

Seminarkan waxaa loogu talagalay in ardaydu ka helaan aqoon, xirfado iyo tilmaamo wax ku ool ah oo u sahli kara helitaanka deeqaha waxbarasho ee heer qaran iyo heer caalami.

📅 Taariikh: 30 June 2026
⏰ Waqti: 1:00 PM – 2:00 PM
📍 Goobta: Shabelle Campus, Hamar Weyne
🎤 Soo Jeediye: Hassan Ibrahim Hassan

Inta lagu guda jiro seminarkan waxaa lagu soo bandhigi doonaa:
🔹 Hababka ugu wanaagsan ee loo codsado Scholarships-ka
🔹 Qorista Statement of Purpose (SOP) oo guuleysta
🔹 Helitaanka Recommendation Letters tayo leh
🔹 Diyaargarowga Wareysiyada (Interviews)
🔹 Fursadaha waxbarasho ee caalamiga ah

Arday kasta oo doonaya inuu horumariyo mustaqbalkiisa waxbarasho iyo xirfadeed waa inuu ka faa’iidaystaa fursaddan qiimaha badan.

Ha sugin in fursaddu ku raadiso, ee adiga raadso fursaddaada.

Ka qaybgal maanta, si aad berri ugu tartanto fursadaha ugu waaweyn ee dunida.

Photos from Midowga Ardayda kulliyada waxbarashada  ee Jaamacadda Ummadda  Soomaaliyeed's post 26/06/2026

Midowga Kulliyadda Waxbarashada
Ayaa si heer sare ah u qabtay munaasabad lagu maamuusayay sanad-guurada 26-ka Juun, oo ah maalintii gobollada Waqooyi ay xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1960.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay maamulka kulliyadda, macallimiin, xubnaha Midowga, iyo arday badan. Intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay khudbado, gabayo, iyo barnaamijyo ka tarjumayay qiimaha ay maalintani u leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo doorka dhalinyarada ee ilaalinta taariikhda iyo midnimada dalka.

Mas'uuliyiintii madasha ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xuska maalmaha qaran, iyagoo ku boorriyay ardayda inay sii xoojiyaan waddaniyadda, midnimada, iyo ka qeyb qaadashada horumarka bulshada.

Ugu dambeyn, Midowga Kulliyadda Waxbarashada wuxuu u hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, isagoo u rajeynaya dalkeenna nabad, horumar, iyo barwaaqo.

Hambalyo 26-ka Juun! Soomaaliya ha noolaato. 🇸🇴

21/06/2026

🇸🇴 OGEYSIIS MUHIIM AH – XUSKA 26-KA JUUN 🇸🇴

Midowga Ardayda Kulliyadda Waxbarashada wuxuu dhammaan ardayda iyo bulshada Soomaaliyeed ku casuumayaa munaasabadda weyn ee xuska 26-ka Juun, maalinta xorriyadda Soomaaliyeed.

📍 Goobta: Shabelle Camps
🕓 Saacadda: 4:30 PM
📅 Maalinta: 25/6/2026

Kaalay oo nala wadaag farxadda iyo qiimaha maalintan taariikhiga ah ee astaan u ah halgankii iyo guushii ay ummaddeennu ku gaartay xorriyadda.

Aan wada xusno geesiyaashii naftooda u huray madax-bannaanida dalkeenna, isla markaana aan xoojinno midnimada, wadajirka iyo waddaniyadda Soomaaliyeed.

💙 Xorriyaddu waa hanti qaran.
⭐ Calankeennu waa astaanta sharafteenna.

Dhammaantiin waa lagu soo dhoweynayaa.

🇸🇴

14/06/2026
Photos from Midowga Ardayda kulliyada waxbarashada  ee Jaamacadda Ummadda  Soomaaliyeed's post 13/06/2026

Midowga Ardayda Kulliyadda Waxbarashada ayaa maanta si guul leh u qabtay seminaar aqooneed oo cinwaankiisu ahaa “DATA COLLECTION”.

Seminaarkaan ayaa ardayda lagu baray hababka saxda ah ee xog ururinta, muhiimadda ay xogtu u leedahay cilmi-baarista, iyo sida loo helo xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo.

Intii uu socday seminaarku, ardaydu waxay heleen aqoon iyo xirfado cusub oo ka caawin doona diyaarinta cilmi-baarisyadooda iyo horumarinta waxbarashadooda.

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ardaydii ka soo qayb gashay iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda seminaarkan muhiimka ah.

22/05/2026

Kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ma ahayn oo keliya goob wax lagu barto, balse waxay ahayd hoy aqoon, tarbiyad, iyo hal-abuur Soomaaliyeed.

Deegaanka Lafoole wuxuu xambaarsan yahay taariikh qoto dheer oo ay kasoo aflaxeen kumannaan macallimiin, aqoonyahanno, iyo hoggaamiyeyaal bulshada Soomaaliyeed wax weyn kusoo kordhiyay. Halkaas waxaa ka ifay iftiinkii aqoonta, waxaana kasoo baxay jiilal dalkooda iyo dadkooda u adeegay.

Kukiyadda waxbarashada wexey uku dugneed kuliyadaha:
1. Diiradda ay saartay tayeynta macallimiinta iyo kobcinta aqoonta bulshada.
2. Jawiga aqooneed iyo midnimada ardayda.
3. Macallimiin khibrad leh oo soo saaray jiilal waxbartay.
4. Taariikhda dheer iyo sumcadda ay ku lahayd dalka oo dhan.

Lafoole maanta ma aha oo keliya goob waxbarasho lagu xasuusto, balse waa astaan ​​qaran oo xambaarsan xusuusta dhalinyaro badan oo riyooyinkoodii halkaas ka bilaabay. Qof kasta oo soo maray Jaamacadda Umadda Soomaliyeed iyo Lafoole qalbigiisa waxaa ku reebtay raad aan marna la’ilaabi doonin.

“Lafoole waxay ahayd iftiinkii aqoonta Soomaaliyeed, halkaas oo qalinku ka qiimo badnaa wax kasta, riyaduna ay ka weynayd caqabad kasta.”

_______________________________





Photos from Midowga Ardayda kulliyada waxbarashada  ee Jaamacadda Ummadda  Soomaaliyeed's post 15/05/2026

Waxaa sharaf weyn noo ah inaan maanta la wadaagno ardayda Soomaaliyeed tababar muhiim ah oo ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka, maareynta waqtiga, iyo hababka ugu fudud ee lagu gaari karo guul waxbarasho.

Tababarkan waxaan uga hadalnay:
✅ Sida loo sameeyo jadwal waxbarasho oo wanaagsan
✅ Habka ugu fudud ee loo diyaariyo imtixaanka
✅ Sida loo maareeyo waqtiga ka harsan imtixaanka
✅ Waxyaabaha ardayda ka caawiya diyaarinta imtixaanka
✅ Sida loo yareeyo walwalka iyo cabsida imtixaanka
✅ Muhiimadda hurdada, nasashada iyo cuntada caafimaadka leh

Ugu dambeyn, waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan ardayda ka faa’iideysatay tababarkan muhiimka ah ee ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka iyo maareynta waqtiga. Waxaan rajeyneynaa in aqoonta iyo talooyinka la wadaagay ay noqdaan kuwo kaalin weyn ka qaata guusha iyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed. 📚✨

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kuliyadda Waxbarashada Mudane Abdiaziiz Salad Mohamed
ayaa si kal iyo laab ah ugu dhiirrigelinaya dhammaan ardayda inay muujiyaan dadaal, dulqaad iyo isku kalsooni si ay u gaaraan himilooyinkooda waxbarasho.

🎓 Kuliyadda Waxbarashada
🏛 Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Clombia Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 20:00
Tuesday 07:00 - 20:00
Wednesday 07:00 - 21:00
Thursday 07:00 - 21:00
Saturday 07:00 - 21:00
Sunday 07:00 - 21:00