Qosol Media

Qosol Media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qosol Media, 30 Street, Mogadishu.

31/01/2026
31/01/2026

Kulahaa Waa lii qabaa Aboowe Sorry😂😂😂

09/07/2019

Xiligan oo kale inta badan dhalinyarada soomaaliyeed jaamacadaha ka so qalin jabiyay ee shaqo doonka ah ma helaan fursad ay ku so bandhigan aqoonta iyo kartida ay u leeyihiin shaqada.

Daarasadii ugu dambeysay ay sameysay United nation ka 67% dhalinyarada Soomaaliya waa shaqo la'aan. caqabadaha ugu weyn ee heysata shaqo doonka waa qibrad la'aan xaga shaqada ah, intaas waxaa u sii dheer ma helaan fursado bilaash ah internship sida ay u helaan waaya aragnimo ku filan.

Shirkadaha gacansi iyo hay'adaha shaqooyinka so bandhigo waxay sharuud iyo darbi adag uga dhigaan qofka shaqa so codsanaayo in uu heysto ugu yaraan
3 ilaa 10 sano oo qibrad shaqo ah. Kawaran qofka so bartay cilmiga yaqaan shaqada sida loo qabto balse an horay u so shaqeyn, taas waa darbi weyn oo ku hor go'an shaqadoonka, waana sababta ay dhalinyaro badan shaqa la'aan u yihiin, una baahan xal.

Cilmi baaris usameyay dhawaan Machad Mareynka ku yaal waxaa lagu ogaaday 60% dadka shaqa yaqaanka ee leh qibrada in ay yihiin kuwa leysiyaal ah aan waqti h**e so xaadirin shaqada lacag badan ku shaqeeyo. Halka kuwa aan laheyn qibrad ama aan horay u so shaqeyn ay yihiin kuwa ku firfircoon shaqada, lacag badan an ku shaqeyn.

Dunida hormartay waxay marwalba muhiimada iyo fursadaha ugu badan siiyaan kuwa hada jaamacadaha ka so baxay ee fireyshka ah si ay ugu faaideystaan fursadna u siiyaan una so bandhigaan aqoontooda.

Ugu dambeyn, waxaan ku talin lahaa shirkadaha iyo hay'adaha so xayeysiiyo shaqoonyinka in ay fursad ugu badan siiyaan dhalinyarada shaqadoonka ee caaboon, si ay dhiiragalin ugu noqoto wixii ay barteen.

W/Q: Abdishakur Gesey

Photos from AsalClub's post 05/05/2019

Waxaan bogaadin & amaan u jeedinaynaa dufacada 10aad ee iskuulka Alfajri ka qalin jabisay 2008/9 oo shalay kulan weyn oo 10 sano guuradooda ah oo isxog wareysi & warbixin kala qaadasho ah Muqdisho ku yeeshay.

Mahadsanidiin waxaan rajeeneynaa dufcadeeni & dufcooyinki idin ka h**eeyay ama kuwi idin ka dambeeyay in la idin ku dayan doono waxaana idin ka rajeeneynaa inaad kaalin weyn ka qaadataan isu-keenida dufcooyinka bahda Alfajri si loo xoojiyo Naadiga ardayda ka qalinjabiyay iskuulka si aan bulshada & iskuulkaba aan wax ugu soo kordhino dadaalki nalagu soo ababiyay.

04/09/2018

TACSI

Inaalilaah Wa inaa ilaahi raajicuun ,Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa ehelkii qarabii familkii iyo dhamaan bahda iskuulka hoose dhex iyo sare Al-Fajri Geeri naxtinta laheed ee ku timid walalkeen Abdifitaax Muse Osman oo ku geeriyooday Shalay Garoonka Konis ee Magaalada Mogdisho Mar askari illaalo ka hayay garoonka Koonis rasaas ku furay taageerayaal Koonis ku sugnaa uu ka mid ahaa AUN C/Fitaax Muuse.

Wuxuu ahaa Wiil Dhalinyaro ah mustaqbal hada ubilowday Dhigta Jaamacad Waxa uu raja ka lahaa Mustaqbal fog inuu Nolosha heer gaaro wuxuu u dadaali jirey siduu uhormarin lahaa noloshisa iyo tan rerkiisa ehelkiisa familkiisa.

Wax walboo dadaal iyo hool uu waday waxaa loo aqoonsaday nolosha waloow ajashiisa qorneed hadana dhalinyarada mustaqbalka wanaagsan leh maxaa loodilayaa .

Waxaan leeyahy allah unaxariisto janadii firdowsa allah kawaraabiyo samir iyo iimaan allah kasiiyo Walidkiisa iyo Xaaskiisa ... Amiin aamin aamin

10/11/2017

Khiyaano Dumar iyo Qalbi Daacad ah ( Qiso dhab ah)

Inta badan dumarka somaliyed waxay jecelyihiin ninka raga ah ee loo amaano waana sababta kaliyah ee ilowsiisa ninkani inuu walaasheed ama uu saaxiibteed qabo.

(Ayaan) iyo (Farxiyo), waxay ahaayen laba gabar oo saaxiibo ah oo markoodii h**e isku Bartay jaamacadda, si wanaagsan ayaa la isku bartay, muddo kadib waxay noqdeen laba gabar oo saaxiibo dhab ah isku sir qarsada nafta ay u dhaxeyso. (Ayaan), billooyin ka hor inta aysan ku so biirin jaamacadda ayay guursatay wiil ay saxiib aheyn, laakiin (Farxiyo), waxay aheyd "INAN" gabar aan la aqabin walina aan dhinaceeda dhulka la dhigin, saaxiibo saas u badan aan laheyn.

(Ayaan), oo markeeda horba iska aheyd qof qalbi furan aan sheekadeeda marna laga caajisin markasta ay sxbteeda (Farxiyo), gurigeeda ku soo booqato so dhaweyn iyo mar xabeen ka dib waxay aheyd saaxiib kaliyah ee dadka ugu dhaw, aan waxba ka qarsan jirin.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday in (Ayaan), oo faraxsan sidii caadaada aheyd u timid saaxiibted (Farxiyo), salaan iyo kala war qaadasho kadib, si lama filaan ah (Ayaan) waxay bilaawaday in saaxibateed uga sheekeyso (Cali Yare) oo ahaa ninkeeda, hab dhaqankiisa wanaagsan, jaceylka uu uqabo, sida ay iskugu qanacsanyihiin iyo sifo walbo oo wanaagsan ninkeeda uu leeyahay, xitaa arrimo hoose oo xasaasi ah.

(Ayaan) waxey ka aheyd faan iyo in ay dareensiiso saaxiibaded nolosha iyo farxad ay ku jirto iyo in ninkeeda uu yahay qof aduunka ugu wanaagsan. Laakiin (Farxiyo) nasiib wanaag nin astaamahaas looga sheekey leh in ay hesho, waa wax ay niyadda ku haysatay sanado badan kuna riyoon jirtay in ay hesho nin nucaas ah, miskiinta (Ayaan) aheed oo war moog ah waxey u fududaysay, sahanka nolosha farxada ku dhisan ay muddo dheer baadi goobeysay saaxiibaded.

(Farxiyo), ninkii looga sheekeyay xitaa sariirta wey ka heshay waliba jacel xad dhaaf ah ayay u qaaday, waxay go'aan ku gaartay in ay xariir la sameyso si ay u soo jiidato maadaama uu noqday dooqeedii koowad, wey shukaansatay laakiin nasiib daro uma suurta galin damaceeda waalid ah, waana uu diiday markii h**e.

(Farxiyo), isma dhiibin, k**ana aysan niyad jabin, mana quusan, wax walbo ay ku soo jiidan karto ayay sameysay. Ku noq noqosho badan hadal jilicsan oo dareen xambaarsan kadib, ugu danbeyn waa wuu ka aqbal (Cali Yare) in ay xariir yeeshaan, muddo kadib waa la is fahmay waxaana lagu balamay in ...........................

Lasoco qeybta 2aad ee sheekada.

F.G Sawirkan ma'ahan sawirka saxda ah ee labada gabdhod, Hadii ad ka heshay sheekadan fadlan share-garey oo lawadaag asxaabtada kale mahadsanid.

W/Q: Abdishakur Gesey

19/09/2017

WALAL KA JOOG.! DANTAADA WAXAA KA MUHIIMSAN DANTA GUUD.

07 June 2016 War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya ay ka xuntahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

“ Mowqifka dowladda Federaalka Somaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna la safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeya ”.

Go’aan ka geesinimada leh ay qadatay dowlada somaliya inta badan bulshada somaliyed wey soo dhaweeyen, weyna taagereen.

Seddex maalin ka dib, 10 June 2017 shir an caadi aheyn ay iskugu yimaaden golaha wasiirada muumalka Somaliland ayaa lagu yiri.

" Somaliland waxay si buuxda u taageersan tahay mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar ”.

taasi waxay, dhabar jab ku noqotay go’anka dowlada Federalka somaliya, waxa ka sii darneed kana naxdin baxdeen war an laga fileyn maamul dowlada tooos u yimaado.

16 August 2017 war qoraal ah oo ka so baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Gobaleed Putland oo lagu yiri.

“ Puntland waxa ay xiriir iskaashi oo isugu jira mid ganacsi iyo mid amni ay la leedahay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka sida darteed go'aankeena waa mid iska cad oo la safan dowladaha uu iskaashigu naga dhaxeeyo ".

wuxu noqday wax lal yaabo balse waxuu gogol xaar u noqday.

17 Septemper 2017 si lamid war qoraal ah oo ka so baxay xafiiska madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri.

" Go’aanka dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada Khaliijka bishii June 2017 wuxuu ahaa mid aan laga tixgelin lagana tashan dhamaan dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo shacab-kooda ee ay saameynta ku yeelaneyso ”.

Sida muuqata dhamaantood waxay wax k**a jiraan ku tilmaamen go’aanka dowlada Federal-ka Somaliya, halkii ay kaga danbeyn lahaayen kuna ixtiraaman lahaayen.

Dhinaca kale, waxa la si weydinaya sababta ugu aamusanyihiin, labada aqal ee Baarlamaanka Somaliya go’aanada qiyaaliga ah oo halista ku ah jiritaanka qaranimada iyo dowladnimada somaliya ay qadanayaa mumulada dalka ka qaarkood.

Ugu danbeyn, madaxda dalka heer gobol iyo heer federal waxaa ka codsanaa in ay meel iska dhigaan danahooda gaarka ah, kana shaqeyaan danta si an u helno dowlad dhameystiran oo dadkeedu dunida laga ixtiraamo.

Walal inta ad xilka u heysa umadda somaliyed, si sharaf iyo karaamo leh ugu adeeg, carab waxba nagama galin dagaalkod iyo hishiiskoda, somaliya waxa dan u ah Midnimo, Dowladnimo Wadajir iyo Hormar.

Fadlan Faafi share-garey
W/Q : Abdishakur Gesey

Photos 30/08/2017

Marka la' eego Institutions-Ka dalka Public iyo Private 85% dadka maamulo leadership's waa dad an aqoon, karti iyo xirfad u laheen shaqada ay u hayaan bulshada, mana ogola wax hormar ah, waana sababta shaqa la'aanta baahan u jirta. Lkn 15% ayaa ah The Right Position, Right Job, Right time, waana kuwa kaliyah ee sameya Aragtiyo ku dhisan Hormar, Hal abuur iyo Fursado shaqo.

Abdishakur Gesey

01/05/2017

AsalClub Asalclub is organization non profit communication student alumni Al- fajri high school

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


30 Street
Mogadishu
63870