20/08/2026
Golaha Fulinta Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD ayaa yeeshay shirkii khamiislaha, kaas oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Xukuumadda Mudane Omar Abdullahi Abdi.
Shirka ayaa looga dhageystay warbixinta waxqabadka wasaaradaha Xukuumadda, iyadoo sidoo kale looga wada hadlay qorshe hawleedka Xukuumadda inta lagu jiro fasaxa Jaamacadda.
Sidoo kale, shirka waxaa looga hadlay barnaamijka Maalinta Madaxweynaha, kaas oo markii saddexaad uu Madaxweynaha ku laaban doono ardayda, si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo iska warhaynta ardayda iyo Xukuumadda.
DHAMMAAD
───
XAJSi OFFICE
[email protected]
Mogadishu — Somalia
19/08/2026
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD oo kaashanaysa Xarunta ADHD ee Soomaaliya, ayaa soo agaasintay kulan lagu wacyigelinaye waalidiinta iyo macalimiinta dugsiyada.
Kulanka waxaa ka qaybgalay dhaqaatiir iyo khubaro ku takhasusay caafimaadka carruurta iyo maskaxda, kuwaas oo la wadaagay ka soo qeybgalayaasha aqoontooda iyo waayo aragnimadooda ku aaddan fahamka ADHD iyo taageerada caruurta la nool xanuunkaas.
18/08/2026
Martida Kulanka
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD waxay soo dhoweynaysaa Dr. Luul Mohamud, oo ah Dhaqtarka Caruurta iyo Khabiir ku takhasustay Caafimaadka Dadweynaha, isla markaana ah Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirka Soomaaliyeed, taas oo kamid noqon doonta martida munaasabadda wacyigelinta xanuunka ADHD ee Soomaaliya.
Dr. Luul waxay ka qaybgalayaasha la wadaagi doontaa aqoonteeda iyo khibraddeeda ku saabsan caafimaadka carruurta, caafimaadka bulshada iyo fahamka ADHD, iyadoo sidoo kale ka hadli doonta muhiimadda taageerada carruurta iyo qoysaska la nool ADHD iyo doorka xirfadlayaasha caafimaadka iyo bulshada ee horumarinta daryeelka carruurta.
18/08/2026
Martida Kulanka
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD waxay soo dhaweenaysaa Dr. Abdinur Farah Mohamud, MD | PhD, oo ah dhaqtar ka tala bixiya arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada caruurta, isla markaana h**e u soo noqday Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo kamid noqon doona martida munaasabadda wacyigelinta xanuunka ADHD ee Soonaaliya.
Dr. Abdinur wuxuu ka qaybgalayaasha la wadaagi doonaa aqoon iyo khibrad ku aadan caafimaadka carruurta, fahamka ADHD, muhiimadda ogaanshaha h**e iyo doorka waalidiinta, macallimiinta iyo xirfadlayaasha caafimaadku ku leeyihiin taageerada carruurta iyo qoysaska la nool ADHD.
17/08/2026
Martida Kulanka
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD waxay soo dhoweynaysaa Dr. Mohamed Taher Abdel Karim, PhD in Psychology, oo ku takhasusay caafimaadka dhimirka, kaa oo ka mid noqon doona martida munaasabadda wacyigelinta xanuunka ADHD ee Soomaaliya.
Dr. Taher wuxuu ka qeybgalayaasha la wadaagi doono ka qaybgalayaasha aqoontiisa iyo khibradiisa ee dhinacyada caafimaadka maskaxda, fahamka ADHD, wacyigelinta bulshada iyo muhiimadda ay leedahay taageerada carruurta, dhalinyarada iyo qoysaska la nool ADHD.
17/08/2026
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD, oo kaashanaysa Xarunta ADHD ee Soomaaliya, waxay qabanaysaa kulan wacyigelin ah oo loogu talagalay waalidiinta iyo macallimiinta dugsiyada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa fahamka ADHD (Attention-Deficit/Hyperactivity Disorder), calaamadaha lagu garto, caqabadaha ay la kulmaan carruurta qaba ADHD iyo sida waalidiinta iyo macallimiintu si habboon ay uga taageeri karaan carruurtaas waxbarashada iyo nolol maalmeedkooda.
DHAMMAAD
_____________
XAJSi OFFICE
[email protected]
Mogadishu — Somalia
15/08/2026
Hambalyo Ardayda Kaalmaha H**e!
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad ka galay Imtixaanka fasalka 12aad sanad dugsiyeedka 2025/26.
1aad: Maxamed Cise Dahir — 94.14%
2aad: Farxiya Farax Cumar — 93.71%
3aad: Amina Khaalid Cabdalla — 92.57%
Guushan waa mid ka tarjumaysa dadaal, go’aan iyo juhdi waxbarasho. Waxaan idiin rajaynaynaa guulo ka waaweyn mustaqbalka.
Hambalyo dhammaantiin!
15/08/2026
Hambalyo iyo Bogaadin!
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) waxay hambalyo diirran u diraysaa dhammaan ardayda Fasalka 12aad ee ku guuleystay imtixaanka.
Guushiinnu waa tallaabo muhiim ah oo idiin furaysa bog cusub oo ka mid ah safarkiinna waxbarasho. Waxaan idiin rajaynaynaa in aqoontiinna, dadaalkiinna iyo himiladiinnu ay idiin horseedaan guulo ka sii waaweyn.
Hambalyo dhammaantiin, mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa!
_____________
XAJSi Office
[email protected]
Mogadishu - Somalia