26/09/2024
Ogaysiis
Alla mahad leh, oo waafajiyay qoraaga buuga:
“Taariikhdii Shiikh Cumar ee Baridda Diidnta iyo Dadaalladii wacyigalinta” in uu bilaabo Tallaabdii ugu horreesay ee dhaxalka Shiikha.
Xarunta waxaa hadiyyad ahaan kusoo gaaray noqul ka mid ah Buugga, Oo uu u hadyeeyay Qoraaga, run ahaantii waa dadaal bilaaw ah marka loo eeggo dhaxalka farawaaga ah ee uu ka tagay Shiikh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Sauldaan.
Guud
22/09/2024
Warbixin
Alla mahadii, waxaa inoo suurta gashay annaga oo ah Xarunta Sahan (Sahan Center) Iyo Ururka Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMSET) Billaabidda baraanmijka kobcinta karaaanka Hoggaaminta Ururka UMSET.
Mashruucan, oo ah mid aan uga qayb qaadanayno Mas'uuliyad-bulsheedka xaruntu u taagantahay iyo casriyeenta shaqada, waxaa lagu daah furay koorsada cinwaankeedu yahay:
“Fanka Habqoraalka Warqadaha Rasmiga
ah Ee Xafiisyada Dowladda”
kooraskan, waxaa soo jeediyay maallintii koowaad Ustaad Maxamuud Cali Adaan Hoorri oo ah Cilmibaare ka tirsan Akadeemiyadda Cilmiga , Dhaqanka & Suugaanta— xubinna ka ah Guddiga 4-aad ee Af-soomaaliga.
Guud
Sahan Center for Training and Development
20/09/2024
Xarunta Sahan (Sahan Center) Iyo Ururka Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMSET) ayaa Iska kaashanaya Kobcinta karaanka Hoggaaminta Ururka UMSET.
Mashruucan, oo ah mid aan uga qayb qaadanayno mas'uuliyad-bulsheedka xaruntu u taagantahay, waxaa lagu daah furayaa koorsada cinwaankeedu yahay:
“Fanka Habqoraalka Warqadaha Rasmiga
ah Ee Xafiisyada Dowladda”
kooraskan, waxaa soo jeedin doono Maxamuud Cali Adaan Hoorri oo ah Cilmibaare ka tirsan Akadeemiyadda Cilmiga , Dhaqanka & Suugaanta— xubinna ka ah Guddiga 4-aad ee Af-soomaaliga.
@