Kasim Mohamed

Kasim Mohamed

Share

_____________SOO DHAWOOW___________
Waxaan ahay KASIM MOHAMED, waxaan soo gudbiyaa Mowduucyo muhiim u ah Bulshadeenna.

Waxaa uu kuyaalaa Degmada Dharkeynley Xaafadda Ceel Mukhtaar Ama Kasoo Horjeedka Barxadda Waskax.

30/04/2026

🌟 WAXAY DOORTEEN WAXA AY ADDUUNKA KA JECELLYIHIIN🌟
​Sheeko aad u qiiro badan oo dhexmaray Nabigeenna Muxammed (NNKH) iyo asxaabtiisa, taas oo mid kasta lagu weydiiyey waxa uu adduunka ka jecelyahay.

​👤 Abuubakar Al-Siddiiq (R.A) wuxuu yiri:
"Waxaan adduunka ka jeclahay saddex:"
1️⃣ Inaan hortaada fadhiisto.
2️⃣ Inaan ku eego.
3️⃣ Inaan maalkayga adiga kugu bixiyo.

​👤 Cumar binu Khadaab (R.A) wuxuu yiri:
"Waxaan jeclahay saddex:"
1️⃣ Farista wanaagga, xitaa haddii ay qarsoodi tahay.
2️⃣ Reebista xumaanta, xitaa haddii ay muuqato.
3️⃣ Sheegidda runta, xitaa haddii ay qaraar tahay.

​👤 Cusmaan binu Cafaan (R.A) wuxuu yiri:
"Waxaan jeclahay saddex:"
1️⃣ Quudinta masaakiinta.
2️⃣ Faafinta salaanta.
3️⃣ Salaadda habeenkii iyadoo dadku hurdaan.

​👤 Cali binu Abii Daalib (R.A) wuxuu yiri:
"Waxaan jeclahay saddex:"
1️⃣ Sharfidda martida.
2️⃣ Soomista xilliga kuleylaha.
3️⃣ Iyo in aan seef kula dagaalamo cadowga.

​👤 Abuu Dar Al-Qifaari (R.A) isna wuxuu yiri:
"Waxaan adduunka ka jeclahay saddex:
1️⃣ Gaajada,
2️⃣ Jirrada (Xanuunka),
3️⃣ iyo Geerida!"
(Markii la weydiiyey sababta): wuxuu yiri:
"Gaajada waxaan u jeclahay si uu qalbigaygu u debco. Jirrada waxaan ujeclahay si ay danbiyadeyda u tirto. Geeridana waxaan ujeclahay si aan Rabbigey ula kulmo."

​✨ Halkaas kuma ekaan...
​Nabiga (NNKH) wuxuu yiri: "Anigana waxa adduunka la iiga jecleysiiyay saddex:
1️⃣ Udgoonka (Carafta),
2️⃣ Haweenka,
3️⃣ Waxaana indhahaygu ku qabowsadaa Salaadda."

​Markaas ayaa waxaa soo dagay Malakul Jibriil (C.S) isagoo leh: "Aniguna waxaan adduunkiinna ka jeclahay saddex:
1️⃣ Gaarsiinta farriinta,
2️⃣Gudashada amaanada,
3️⃣ iyo Jacaylka masaakiinta."

​Ugu dambeyntii, Jibriil ayaa dib u soo noqday isagoo siday farriinta Alle (SWT): "Allaah wuxuu leeyahay: Aniguna waxaan adduunkiinna ka jeclahay saddex:"
​✅ Carrab ixusaya (Zikir).
✅ Qalbi khushuucsan.
✅ Iyo jir u samra dhibaatada.

​💬 Subxaanallaah! ALLOW nagayeel kuwa adduunkooda aad ku xiriirisay sida aad adiga lajeceshahay oo aad aga raali tahay.
Kasim Mohamed
Macallin iyo Dhiirigeliye Bulsho

23/04/2026

JIMCA WANAAGSAN

Waxaa laga diiwaangeliyey Al-imaam Alshaafici inuu yiri:

“Qofka qiimihiisu wuxuu ku jiraa saddex shay:”

• Inaad qariso faqrigaaga — ilaa dadku ay u maleeyaan inaad taajir tahay.
• Inaad qariso xanaaqaaga — ilaa dadku ay u maleeyaan inaad degan tahay oo raali tahay.
• Inaad qariso dhibaatadaada — ilaa dadku ay u maleeyaan inaad nolosha ku raaxaysanayso.

Haddaba xikmaddu waxay ina baraysaa xakamaynta nafta iyo ilaalinta karaamada qofka.

Kasim Mohamed
Macallin iyo Dhiirigeliye Bulsho.

16/04/2026

"Haddii IIMAAN laga hadlo, waa Abubakar Al-Siddiiq RC.
Haddii CADDAALAD qof lagu ixtiraamo, waa Cumar bin Khadaab RC.
Haddii CILMI badni qof lagu tixgeliyo, waa Cali bin Abii Daalib RC..
Haddii XISHOOD la ammaanona, waa Cusmaan bin Caffaan RC.

​Haddiise aad raadiso meel ay ku wada dhan yihiin Iimaanka, Caddaaladda, Cilmiga, iyo Xishoodkaba, waa Rasuulkeenna Maxamed (NNKH).
​Allahayow naxariis iyo nabadgelyo iyo barako ku deji isaga, ehelkiisa, iyo asxaabtiisaba, annagana naga yeel kuwa uu u shafeecad qaado maalinka qiyaame."
Kasim Mohamed
Macallin, Dhiirigeliye Bulsho

10/04/2026

SIRTA DEGGENAASHADA NAFTA

​Waxaa la weydiiyey mid ka mid ah dadka wanaagsan:
"Waa maxay sirta degganaanshaha (sakiinada) kugu muuqata?"
​Wuxuu ku jawaabay:
​1️⃣ Waxaan akhriyey hadalkii ALLE (SWT) ee ahaa: {يُدَبِّرُ الْأَمْرَ} — "Isagaa maamula arrinka",
markaas ayaan arrinkaygii oo dhan u daayey Kan iska leh maamulka arrinka.
​2️⃣ Waxaan akhriyey hadalkii ALLE (SWT) ee ahaa: {إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا} — "Dhab ahaantii, dhib kasta waxaa weheliya fudayd",
markaas ayaan ogaaday in dhibku yahay mid dhammaanaya shaki la'aan.
​3️⃣ Waxaan akhriyey hadalkii ALLE (SWT) ee ahaa: {فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ الْعَالَمِينَ} — "Maxaad u malaynaysaan Rabbiga caalamka?",
markaas ayaan hubaal u ogaaday in khayrkii ALLE (SWT) uu soo socdo, uuna imaan doono shaki la'aan.

​Nuxurka: Markaad garato in maamulka dunidu uu Gacanta ugu jiro ALLE (SWT), dhibkaagana uu fudayd xigo, waxaad helaysaa sakiinada iyo degganaanshaha dhabta ah ee NOLOSHA. ❤️
Kasim Mohamed-Macallin & Diirigeliye Bulsho

10/04/2026
09/04/2026

"Dadku waxay aqoonta ugu baahan yihiin in ka badan inta ay u baahan yihiin cuntada iyo cabitaanka; sababtoo ah cuntada waxaa loo baahdaa hal ama laba jeer maalintii, laakiin aqoonta waxaa loo baahdaa ilbiriqsi kasta."
Xigasho-Imaam Axmed ibnu Xanbal

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu