03/08/2026
Jaamacadda Muqdisho ayaa munaasabad maamuus iyo dhiirigelin isugu jirta u sameysay Guuleystayaasha Imtixaanka Qaran ee Qareennada 2026.
Ku dhowaad 90 qareen oo kamid ah qallinjabiyeyaasha kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka Jaamacadda Muqdisho ayaa kamid noqday guuleystayaasha imtixaanka qaran ee qareennada sannadka 2026, taas oo muujinaysa tayada waxbarashada iyo dadaalka ay Jaamacaddu ku bixiso diyaarinta xirfadlayaal u adeegaya nidaamka caddaaladda dalka.
01/08/2026
Hambalyo!
Waxaan hambalyo u diraynaa Ahmed Hassan, oo ka mid ah qalinjabiyayaasha Jaamacadda Muqdisho, kuna guuleystay Dibloomada Sare ee Advanced Diploma in Accounting and Business oo ay bixiso ACCA (Association of Chartered Certified Accountants).
Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkaaga iyo kartidaada. Waxaan kuu rajaynaynaa guulo iyo horumar joogto ah.
28/07/2026
Hambalyo ustaad Maxamed Barawaani iyo marwadiisa ustaad Siham Hassan oo si wadajir ah u difaacday buuggooda qallinjebinta mastarka ee Qaanuunka Guud (Public Law)
17 sano kahor ayay sidaan oo kale shahaadadoodii 1aad ee jaamacadda ka qaateen Jaamacadda Muqdisho, iyagoo isku fasal ahaa.
Hambalyo mar kale.
23/07/2026
82 Qareen oo ka mid ah qalin-jabiyeyaashii Jaamacadda Muqdisho, qarankana u ah quwad cusub!
Hambalyo guusha aad ka soo hoyseen Imtixaankii Qareennimada 2026.
23/07/2026
๐๐ข๐ซ๐๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐๐ง ๐ช๐๐ซ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฒ ๐ข๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ช๐๐ซ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฃ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ
Jaamacadda Muqdisho waxay hambalyo diirran la wadaageysaa dhammaan qallinjebiyaasha kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka Jaamacadda Muqdisho ee ku guuleystay Imtixaanka Qareennada Soomaaliyeed ee la shaaciyay 21 Luuliyo 2026.
Qallinjebiyaasha Jaamacadda Muqdisho ee ku guuleystay imtixaanka waa 82 qareen taas oo ka dhigan in tirada ugu badan ee imtixaanka qareennimada 2026 ku guuleystay ay ka soo baxeen Jaamacadda Muqdisho.
Guusha qallinjebiyayaasheennu waxay marag u tahay dadaalka jaamacadda, tayada waxbarashada iyo kartida macallimiinteenna.
Waxaan u rajeyneynaa dhammaan qareennada guuleystay in ay bulshadooda ugu shaqeeyaan daacadnimo, kana dhabeeyaan wixii ay barteen.
Hambalyo dhammaan!
22/07/2026
Hambalyo ustaad Hamze Shafie Haji oo qaatay shahaadada CIA (Certified Internal Audit).
Waxaan rajeyneynaa in aad sii wadi doonto horusocdkaa wanaagsan. Hambalyo mar kale!
17/07/2026
Fes, Morocco ๐ฒ๐ฆ
Congratulations to Hussein Mohamed Ali Hussein Mohamed Ali on successfully earning your Master's Degree in Judiciary and Documentation from ุฌุงู
ุนุฉ ุณูุฏู ู
ุญู
ุฏ ุจู ุนุจุฏ ุงููู - ูููุฉ ุงูุดุฑูุนุฉ Sidi Mohamed Ben Abdellah University, Faculty of Sharia.
Hussein is among our distinguished alumni. He graduated from Mogadishu University (ุฌุงู
ุนุฉ ู
ูุฏูุดู), Faculty of Sharia and Law, in 2020/2021.
Your impressive achievement reflects your dedication, resilience, and passion for professional growth. We are truly proud of you and confident that you will continue making meaningful contributions in the field of Islamic law and legal studies.
05/07/2026
๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฒ๐๐๐ซ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐ฑ๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ค๐จ๐๐จ๐๐ ๐๐๐๐๐ง ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐, ๐ฎ๐ง๐ ๐๐๐๐ก๐๐ง ๐๐ช๐จ๐จ๐ง, ๐ฑ๐ข๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐ ๐๐ซ๐จ๐ฐ.
Kulliyadda Culuumta Kombiyuutarka & Tiknoolajiyadda iyo Maamulka Qalinjabiyayaasha Jaamacadda Muqdisho waxay si wadajir ah u qabanayaan kulan aqooneed lagu iftiiminayo waddooyinka mihnadda Amniga Saaybarka, xirfadaha looga baahan yahay, iyo shahaadooyinka caalamiga ah ee kobciya fursadaha shaqo.
๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก: ๐๐ฌ๐ง๐ข๐ข๐ง, ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐
๐๐๐ช๐ญ๐ข๐ ๐: ๐:๐๐ โ ๐:๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ
๐๐จ๐จ๐๐ญ๐: ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ฑ, ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ
Si aad uga qeybgasho, fadlan iska diiwaan geli link-a hoose:
๐ https://forms.gle/DtnVH71i3mXVam4E6
30/06/2026
Hambalyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed munaasabadda 1 da Luulyo ee sannad guurada 66-aad ee xorriyadda iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.