23/02/2022
Isku day jawaabta saxda ah ?
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from ACM College, Education, Mogadishu.
"At ACM college, we provide world-class medical education and training, preparing future healthcare professionals to lead with skill, compassion, and innovation."
23/02/2022
Isku day jawaabta saxda ah ?
11/10/2021
Madax xanuunka noociisa (Last).
WAXYAABAHA SABABO MIGRAINE:-
-waxaa sababi karo isbadal kayimaado dheecaano(hormone)
-Walwalka ama diiqada
-Fikirka faraha badan
-Inaad aragto waxyaabo aad dhibsaneyso
-Xanaaqa
-Biyo cabistaada oo yar
-Gaajada
-isbedel ku yimaado cimilada ama deegaanka
-Dhafarka faraha badan
-Qeylada ama hadalka faraha badan
-Kurbo ama cabsi
-In uu waalidkaga horay uqabay aad dhaxal ahaan uhesho
-Waxyaabaha aadka qabowga u ah iyo coffeine IWM
-Madaxa oo qalalan yacnii saliid la'aan ah
-isticmaalka xad dhaafka ah ee telefone-ka ama labtobka
-Quraacda oo aadan waqtigeeda ku cunin
SIDALOO DAAWEEYO LOOGUNA HORTAGO MiGRAINE
◇Kafogoow waxyaabaha kuu keenaayo xanuunka sida:-
-buuqa
-hadalka faraha badan
-Walwalka
-Cabsida,fikirka iyo murugada
◇Cun cunooyin isku dheeli tiran
◇Cab biyo badan biyuhu waxay ka hortagaan cuduro fara badan
◇Kafogoow gaajada subaxii quraac la'aan ha is dhigin
◇iska yareey dhafarka faraha badan malinta waa inaad seexata ugu yaraan 8saacadood
◇Kafogoow waxyaabaha qaboowga zaaidka ah iyo waxyaalaha Coffein eyku badanyihiin
◇Seexo qol mugdi ah marka uu xanuun ku haayo
◇Kafogoow iftiinka iyo Buuqa
◇Ka ilaali madaxaaga dhaqdhaqaaqa maxaa yeelay marka madaxa dhaqdhaqaajiso xanuunka waa uu kugu ziyaada
-ku shub madax saliid macsaro ku dhex jirta xabad sowdo ama saliid zeytuun lana seexo
-qaado nasasho kugu filan kana fogoow meelaha aad dhibsaneyso iyo waxyaabaha ku dhibibaayo
-Cun xanuun baa bi iye sida:
Kaniini parecetamol ama Ibuprofen.
- kaniinyaalka lagu daaweeyo :-(sumatriptan,rizatriptan,naratriptan ,
Zolmitriptan,eletriptan) IWM
inta aadan isticmaalin Daawooyinka kala tasho dhaqtarkaaga.
Hadii aadan kafogaan waxyaabaha kugu sababaayo madax xanuunka ogoow daawo walbo aad qaadato wax natiijo ah kuuma keeneyso waxbana kuuma tareyso.
Waxay itahay farxad iyo dhiiri gelin hadii aad maalinti wax uun iga faaido
10/10/2021
Waa Maxay Gooryaanka Pinworm Oo Dabada Cun Cun u yeela ????
Pinworm/dira-dire/indi waa dulnoolaha ugu caansan dunida ee ku dhaca midhicirada, wuxuuna inta badan ku dhacaa caruurta sidoo kale waxa uu ku dhacaa dadka waaweyn.
Cabirka dhererkiisu waa qiyaastii 5 ilaa 10 millimeters (mm) waxa uu egyaahay waa cadaan kalarka kareemka oo kale ah.
Waxaana sababa parasite layiraahdo
(Enterobius vermicularis).
Waxa uu ku fidaa marka ukumaha pinworm aad si kadis ah aad afka ugu qaadato iyaga oo kuusoo raacaya cuntada ama cabitaanka ay taataabteen ilmaha uu hayey pinworm,
Pinworm waxa uu leeyahay dhadig iyo lab noolayaal ah,
kiisa dhadigga ah ayaa halkii xabo waxa uu soo saaraa in kabada 10,000 oo ukumood ,
Ukumaha pinworm mudo 2 asbuuc ah ayey ku noolaan karaan banaanka iyagoo saarnaanaya godasha uu ku seexdey qofka qabay pinworm dharka uu qabey ama cidayahiisa hoostooda,ama waxa uu kaasoo raacin saxanka lagu saxaroodo ee uu isticmaaley qofka qabey pinworm.
Hadii uu Gabdhaha uu ku dhaco gooryaankan waxa iyaga u dheer in uu ku fidi karo xubinta taranka iyo toobooyinka ugxan sidayaasha kaas ugu danbeen ku sababi kara caabuqyada ku dhaca xubinta taranka.
CALAAMADAHA UU LEEYAHAY.
Cun-cun dabada ah oo ubadan xiliga habeenkii ah
Xanuun iyo nabaro yar-yar oo ku sameysma agagaarka mesha laga saxaroodo.
Hurdado la'aan ay sababto cun cunka dabada.
Bahalo yar-yar oo cadcad oo nool nool oo dabada ilmaha lagu arko iyo dadka waaweynba.
Bahaladaas yar-yar oo lagu arko qofka saxaradiisa iyaga oo socsoconaya.
Qofka oo inta badan dabada xoqonaya.
TALLO MUHIIM KUU AH SI UUSAN UGU FIDIN XAAFADA.
-Gacmaha ku dhaq saabuun mar walba oo aad musqusha ka timaado.
-dhamaan cidayaha iska gaabi
-buumaha ama kastuumada maalin walba ku dhaqo biyo kulul.
-iska badal dharka aad ku seexato mar walba oo biyo kulul ku dhaq.
- dhaqo gacmaha ka hor inta aadan cuntada cunin mar walba.
Dhakhaatiirtu waxa ay xanuunkan ku daaweysaa labo kaniini oo kala ah albendazole 400mg hal xabo, 2 asbuuc kadibna hal kale ayaa loogu daraa.
mebendazole 100mg oo hal xabo laga qaadanayo hadii xabadaas lagu caafimaadi waayo hal kale 2 asbuuc kadib ayaa lasiinayo
Labadaan kaniini hadaad aad ka isticmaasho in kabadan 2 xabo iyaga ayaa xanuuno kale hor leh kugu keenaya.
Marka h**e isticmaal daawada dabiiciga ah kadib hadii ay wax katari waydo isticmaal kaniiniyaashan.
SHARE.
01/10/2021
ISKU DAY JAWAABTA
26/09/2021
SHEEG MAGACA IYO WAXA LOO ISTICMAALO
25/09/2021
Isku day jawaabta
24/09/2021
Qormadeenaan maanta waxay fikrad buuxda kaa siin doontaa caafimaadka miraha canuuniga luuqada English-kana lagu yiraahdo “Durian”.
Canuuniga waxaa ka buuxa nafaqo kala duwan, taas oo tamar iyo caafimaad bini-aadamku ka helo waxaa ka mid ah: Vitamin C, Vitamin B, Vitamin A, potassium, Magnesium, Phosphorus iyo Folate.
Caafimaadka uurka: Dumarka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la yiraahdo Folate ama Folic Acid, tan oo caawiso korriimada uurjiifka, kana hortagto inuu ku dhasho iin haddii maadadaan ay jirka ku yaraato, sidaas awgeed canuuniga waxaa laga helaa “Folate”, wuxuu u roon yahay haweenka uurka leh, waxuu kaloo ka hortagaa dhiig yarida.
Caafimaadka lafaha: cunista canuuniga oo la joogteeyo waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo sababtoo ah waxaa ku jira macdanaha Calcium iyo Potassium.
Ka hortagga calaamadaha gabowga: canuunigu wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C ee ka buuxa canuuniga, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka. Sidoo kale wuxuu maqaarka ka ilaaliyaa engagga ama qalaylka.
Dhalmada dumarka: Estrogen waa hormoon xukumo wareega caadada qofta dumarka ah iyo waxaa kalo uu ka falgalaa nidaamka xubinta wax soo saarka dhanka dhalmada, Dumarka ay la soo deristo dhalmo la’aanta badanaa waxaa ku yar hormoonka Estrogen.
Daraasad lagu sameeyay canuuniga ay lagu arkay inuu ka buuxo hormoonka Estrogen. Canuunigu wuxuu kaloo sare u qaadaa rabitaanka galmada ee ragga iyo dumarkaba.
Caafimaadka dheefshiidka: canuunigu wuxuu wanaajiyaa dheefshiidka, waxaa ku badan maadada “Fiber-ta”, taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u wanaagsan.
La dagaallanka kansarka: Canuuniga waxaa ku jira fiitamiinno iyo maadooyin la dagaallama samaysanka burooyinka kansarka, islamarkaana xakameeya korriimadooda.
Hurdada: Canuuniga waxaa lagaa helaa borotiin loo yaqaano “tryptophan” ka qeyb qaato soo saarista maadooyin lagu magacaabo “serotonin” iyo “melatonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, labadaan maaddo waxay kaloo wanaajiyaan hurdada qofka.
Melatonin waa hormoon ay soo saaraan qanjirro maskaxda ku yaalla oo kaalin weyn ka qaata nidaaminta heerarka iyo wareegyada kala duwan ee hurdada aadamaha, sidaas awgeed dadka qaar waxa ay hormoonkan ku tilmaamaan “hormoonka hurdada”
Daryeel magazine