24/09/2021
Qormadeenaan maanta waxay fikrad buuxda kaa siin doontaa caafimaadka miraha canuuniga luuqada English-kana lagu yiraahdo “Durian”.
Canuuniga waxaa ka buuxa nafaqo kala duwan, taas oo tamar iyo caafimaad bini-aadamku ka helo waxaa ka mid ah: Vitamin C, Vitamin B, Vitamin A, potassium, Magnesium, Phosphorus iyo Folate.
Caafimaadka uurka: Dumarka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la yiraahdo Folate ama Folic Acid, tan oo caawiso korriimada uurjiifka, kana hortagto inuu ku dhasho iin haddii maadadaan ay jirka ku yaraato, sidaas awgeed canuuniga waxaa laga helaa “Folate”, wuxuu u roon yahay haweenka uurka leh, waxuu kaloo ka hortagaa dhiig yarida.
Caafimaadka lafaha: cunista canuuniga oo la joogteeyo waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo sababtoo ah waxaa ku jira macdanaha Calcium iyo Potassium.
Ka hortagga calaamadaha gabowga: canuunigu wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C ee ka buuxa canuuniga, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka. Sidoo kale wuxuu maqaarka ka ilaaliyaa engagga ama qalaylka.
Dhalmada dumarka: Estrogen waa hormoon xukumo wareega caadada qofta dumarka ah iyo waxaa kalo uu ka falgalaa nidaamka xubinta wax soo saarka dhanka dhalmada, Dumarka ay la soo deristo dhalmo la’aanta badanaa waxaa ku yar hormoonka Estrogen.
Daraasad lagu sameeyay canuuniga ay lagu arkay inuu ka buuxo hormoonka Estrogen. Canuunigu wuxuu kaloo sare u qaadaa rabitaanka galmada ee ragga iyo dumarkaba.
Caafimaadka dheefshiidka: canuunigu wuxuu wanaajiyaa dheefshiidka, waxaa ku badan maadada “Fiber-ta”, taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u wanaagsan.
La dagaallanka kansarka: Canuuniga waxaa ku jira fiitamiinno iyo maadooyin la dagaallama samaysanka burooyinka kansarka, islamarkaana xakameeya korriimadooda.
Hurdada: Canuuniga waxaa lagaa helaa borotiin loo yaqaano “tryptophan” ka qeyb qaato soo saarista maadooyin lagu magacaabo “serotonin” iyo “melatonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, labadaan maaddo waxay kaloo wanaajiyaan hurdada qofka.
Melatonin waa hormoon ay soo saaraan qanjirro maskaxda ku yaalla oo kaalin weyn ka qaata nidaaminta heerarka iyo wareegyada kala duwan ee hurdada aadamaha, sidaas awgeed dadka qaar waxa ay hormoonkan ku tilmaamaan “hormoonka hurdada”
Daryeel magazine