03/07/2025
Maxkamadda Sare ee Kenya waxay dhawaan go’aamisay in ilmaha wacalada ah, oo ah ilmo lagu dhalay guur la’aan, uu si buuxda xaq ugu leeyahay dhaxalka aabbihiis, xitaa haddii aabbuhu yahay Muslim aan aqbalin ilmahaas. Go’aankan wuxuu si gaar ah u taabanayaa Soomaalida Muslimiinta ah ee ku nool gudaha Kenya, maadaama diinta Islaamku aysan u ogolaanin in ilmo aan guur sax ah lagu dhalay uu dhaxlo.
Go’aanka cusub waxa uu meesha ka saarayaa awooddii uu ninku ku inkiri jiray ilma aan guur ku imaanin, waayo sharciga Kenya wuxuu hadda si cad u taageerayaa in ilmahaas uu leeyahay xaq sharci ah oo lagu mutaysan karo dhaxal, magac, iyo mas’uuliyad laga rabo aabbaha. Sidaas darteed, ninka is leh “waan iska tagayaa” ama “wuxuu yahay ilmo aan aqoonsaneyn” – taladaas mar dambe suurtagal ma noqon doonto.
Soomaaliyeey, arrintani waa digniin dhab ah. Waa lagama maarmaan inaad ka fogaato xiriir kasta oo sababi kara dhalista ilmo wacal ah, gaar ahaan haddii aadan dooneyn mas’uuliyad sharci ah oo kaa daba socon doonta sanado badan. Waxa laga yaabaa in ilmahaas uu mar uun galo maxkamad si uu u helo xaqiisa – taasna sharcigu hadda wuu siinayaa.
Diinteennu waxay nagu fareysaa inaan dhowrno xadka Ilaahay, isla markaana aysan jirin guur la’aan iyo mas’uuliyad la’aan la aqbali karo. Marka laga soo tago arrinta sharciga Kenya, tan Aakhirada ayaa kasii culus. Ha u oggolaanin naftaada inaad gasho dambiyo dhaxal iyo ceebyo adduunyo ah u keeni kara qoyskaaga iyo magacaaga.
xigasho:-cabdikarin digaalle