04/05/2026
Dadka badanaa waxay u maleynayaan:
Logo-du in ay tahay wa kor uqaada Brand-ka
Laakiin taasi waa khalad.
Apple ma ahan mid ku guuleysatay sababta logo-da.
Waxay ku guuleysteen sababhaan:-:
โ๏ธ Istaraatiijiyad cad
โ๏ธ Faham qoto dheer oo ay macmiilkooda u leeyihiin
โ๏ธ Joogteyn
Logo_du kaliya waa 10% ee brand-ka.
Marka aad rabto inaad dhisto brand, ha u malayn
in haddii aad logo sameysato aad brand dhistay.
โข Logo waa calaamad kaliya
โข Brandku waa Qorshe + khibrad + sumcad iyo Joogtayn laysku lifaaqay
Samee tan:
โข Dhis qorshe qoto dheer
โข La imaw wax ka duwan kuwa kale
โข Ka dhig brand-kaaga mid dadku ka hadlaan xitaa marka aadan la joogin
Laakiin hal shardi: waa in si positive ah looga hadlaa.
Tusaale:
Ka fikir Laba coffee shop:
Coffee shop A:
โข Logo qurux badan
โข Adeeg xun
โข Dadka lama xushmeeyo
Coffee shop B:
โข Logo fudud
โข Adeeg aad u fiican
โข Macmiilka si gaar ah ayaa loogu adeegaa
Dadku waxay dooranayaan Coffee shop B
Waxayna u sheegayaan saaxiibadooda
Taasi waa brand-ka dhabta ah.
30/04/2026
AI ma Bedelidoona Designers-kaโฆ
Wax badan Ayaynu maqalnaa , markasta oo uu soo boxo AI Model cusub , khalaas waxay u dhamaatay ,designers ama programmers iyo wixii la mid ah .
Haddaba Taasi Ma runbaa?
My taasi sax maaha, AI Wuxuu kala saaraya Xirfadlayaasha runta ah iyo kuwa iska caadi ah.
Maanta AI wuxuu sameyn karaa:
โ๏ธ Logo
โ๏ธ Post
โ๏ธ Design โfiican oo degdeg ahโ
Laakiin hal shay ma sameyn karoโฆ
๐ Waa Hal-Abuurkaga iyo Hab-Fikirkaaga Markii aad Xirfadle sare Tahay .
Xirfdalyaasha runta ah Waxay Leeyiihin
โข Fikir (strategy ah)
โข Hal-abuur (unique ah)
โข Fahamka Dareenka Macmiilka
โข Abuurka Sheeko Quruxbadan (storytelling)
โข Uhelidda Xalwaara dhibaatada Macmiilkiisa (problem solver)
โ ๏ธ Runta Qadhaad:
Haddii aad tahay โdesigner qurxin kaliya yaqaannaโโฆ
AI h**e ayuu kuu dhaafay. ุดุฆุช ุงู
ุงุจูุช
๐ Laakiin haddii aad tahay Xirfadle run ah Garanaya Waxa uu Samaynayo :
๐ AI wuxuu noqonayaa hubkaaga, ee ma aha cadowgaaga
๐ฌ Xasuusnow:
AI wuxuu bixiyaa options,
Laakiin guusha waxaa goโaamiya maskaxdaada.
29/04/2026
Adobe ayaa si rasmi ah u shaacisay in toolska
Adobe Photoshop, Adobe Illustrator, Adobe Lightroom, Adobe Premiere Pro iyo kuwo kale
lagu dhex darayo gudaha AI model-ka Claude AI.
Taas macnaheedu yahay in aad hadda ku samayn karto:
design (naqshad)
editing sawirro
editing video
adigoo isticmaalaya amarro fudud oo afkaaga hooyo ah, adigoon u baahnayn inaad kala furto barnaamijyo badan โ wax walba hal meel.
19/03/2026
Eid Mubrak Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed
ูู ุนุงู
ู ุงูุชู
ุจุฎูุฑ.ุชูุจู ุงููู ู
ูุง ู ู
ููู
ุตุงูุญ ุงูุงุนู
ุงู.
04/11/2025
๐๐๐๐ข๐ง๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฏ๐
Canva waxay iibsatey Affinity, kadibna waxay ka dhigtay hal barnaamij oo u dhigma saddexda app ee ugu awoodda badan ee Adobe โ Photoshop, Illustrator, iyo InDesign.
Waxaad hadda hal meel ku samayn kartaa sawir, vector, iyo qaabaynta bugaagta, adigoon u baahnayn barnaamijyo kala duwan.
Barnaamijkan cusub waa bilaash qof walbana wuu isticmaali karaa, wuxuuna leeyahay awood xirfadeed la mid ah Adobe, balse si fudud loo isticmaali karo oo aan lahayn Kharash badan.
Wali ma tijaabisay ๐๐๐๐ข๐ง๐ข๐ญ๐ฒ ?
#๐๐๐๐ข๐ง๐ข๐ญ๐ฒ ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฏ๐
27/10/2025
๐
๐๐ฅ๐ฌ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐ (๐ฑูุธุฑููุฉ ุงูู
ุฒุฑุนุฉ)
โก๏ธBeeraleydu ma beeraan maanta si ay berri u gurtaan.
Waxay si tartiib ah u waraabiyaan, u sugaan, una daryeelaan maalin kasta.
โก๏ธGuushuna waa sidaas oo kale โ ma timaaddo hal mar,
ee waxay timaaddaa marka aad samayso tallaabooyin yaryar oo joogto ah.
โก๏ธHaddii aad maanta wax yar barato,
berri wax yar ku darto,
halkaas ayey noloshaadu ka kori doontaa โ si tartiib ah, laakiin natiijo leh.
โก๏ธSirta guusha ma aha degdegga,
ee waa dulqaadka iyo joogtaynta maalin kasta.
๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ซ.
๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐ญ๐๐.
๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ฎ๐ฎ๐ง, ๐ฐ๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ซ๐ค๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐๐๐ ๐.
#ูุธุฑููุฉ ุงูู
ุฒุฑุนุฉ
24/10/2025
โจ Optima โจ
โก๏ธ Optima waa shirkad ku shaqo leh noocyada kala duwan ee muraayadaha โ eyeglasses & sunglasses.
- Waxaa aasaasay dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal-abuur leh.
- Waxaan ka caawinay in aan u dhisno brand soo jiidasho leh oo ka turjumaya shaqada ay qabtaan.
- Muuqaalka iyo fariinta brand-ku waxay diiradda saaraysaa quruxda iyo ilaalinta aragga.
โก๏ธ Halkaan ka daawo "Behance"
"https://www.behance.net/gallery/237210205/Optima"
20/10/2025
๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ Fudud (๐ฌ๐จ๐๐ญ ๐ฌ๐ค๐ข๐ฅ๐ฅ๐ฌ)
Haddii aad rabto inaad shaqo fiican hesho ama aad horumariso xirfadaada, waa inaad barato xirfadaha fadud (soft skills) โ waa kuwa kaa caawinaya sida aad ula dhaqmayso dadka, u xakameyso shucuurtaada, sidoo kale aad u dhisilahayd xiriir togan.
๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ fudud ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ค๐๐ ๐๐ก๐ข๐ ๐๐๐ง ๐ช๐จ๐:
๐ค la qabsada dadka iyo duruufaha,
๐ก hal-abuur ah,
๐ isla markaana si wanaagsan ula shaqeeya dadka kale.
๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐๐๐ฌ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ฌ๐จ, ๐ฐ๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ ๐ฌ๐ก๐๐ค๐ก๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐.
โก๏ธ Isku day inaad xoogga saarto xirfadahan:
๐ La xiriirka dadka kale (๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง)
๐ Damqashada (๐๐ฆ๐ฉ๐๐ญ๐ก๐ฒ)
๐ La-qabsiga (๐๐๐๐ฉ๐ญ๐๐๐ข๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ)
๐ Maareynta waqtiga (๐๐ข๐ฆ๐ ๐๐๐ง๐๐ ๐๐ฆ๐๐ง๐ญ)
๐ Anshaxa shaqada (๐๐จ๐ซ๐ค ๐๐ญ๐ก๐ข๐๐ฌ)
๐ Xallinta khilaafaadka (๐๐จ๐ง๐๐ฅ๐ข๐๐ญ ๐๐๐ฌ๐จ๐ฅ๐ฎ๐ญ๐ข๐จ๐ง)
๐ Dhageysi wanaagsan (๐๐๐ญ๐ข๐ฏ๐ ๐๐ข๐ฌ๐ญ๐๐ง๐ข๐ง๐ )
๐ Hal-abuurka (๐๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐ฏ๐ข๐ญ๐ฒ)
โก๏ธ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ง๐จ๐ฐ: ๐ฑ๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ fudud ๐ฐ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ก๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ ๐ฐ๐๐ง๐๐๐ ๐ฌ๐๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ก.
16/10/2025
๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐-๐๐-๐ โ ๐๐ข๐๐๐๐ฆ ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐๐๐ฃ๐ข๐ข๐ ๐๐ก
Inta badan waxaan isku daynaa inaan wax walba mar qura qabanno.
innagoo aan si dhab ah diiradda u saarin midkoodna.
Laakiin runta waa tan:
๐ 92% dadka ma gaaraan yoolalkooda.
Sababta? Ma haystaan nidaam ay raacaan..
Halkaas ayuuna ka yimaadaa Xeerka 90-90-1 ee uu hindisay Robin Sharma โ nidaam fudud oo kuu dhisaya natiijo dhab ah.
๐ก Waa maxay Xeerkan?
90-90-1 wuxuu dhahaa:
๐ 90-ka maalmood ee soo socda,
๐ 90-ka daqiiqo ee ugu horreeya maalintaada,
๐ u hur hal yool oo kaliya โ kan ugu muhiimsan ee noloshaada ama shaqadaada.
Ma aha inaad wax badan qabato.
Ee waa inaad si qoto dheer u qabato waxa muhiimka ah.
๐ฅ Isku day maanta:
Dooro hal yool oo noloshaada wax weyn ka beddeli kara.
90 maalmood, ilaali 90-ka daqiiqo ee ugu horreeya maalin kasta.
Waxaad la yaabi doontaa isbeddelka aad arki doonto!.
Anigu Xerrkan Waxaan Ku bartay Xirfado badan.
Adigu Wali Ma isku dayday Xeerkaan.
#90-90-1
12/10/2025
๐จGraphic designers :
- Nano Banana ๐(Gemini 2.5 ) hada waxaad ka dhex helaysaa photoshop-ka dhexdiisa .
- Waxa uu kaga duwan yahay kan caadiga ah (website-ka) , meelo gaar ah ayaad ka badali kartaa sawirka adigoo samaynaya "selection"
tusaale " haddaad rabto in qayb kamid ah sawirka la baddalo waad dooranaysaa ka dib prompt ayaad raacinaysaa sidaa ayaa lagu badalayaa .
- Markasta oo aad wax ka badashona waxa uu samaysanayaa Layer Cusub oo aan ahayn kii h**e si aad uga noqon kartid marka aad doonto "Non-Destructive Workflow".
- Hadda kali ah waxa aad ka heli kartaa 'Photoshop Beta app'.
Ka faa'iidaysi wacan