Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU

Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU, College & University, Howlwadaag, Mogadishu.

Photos from Somali International University - SIU's post 24/11/2025

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐” ayaa si rasmi ah u daah furay Barnaamijka Sannadka Xirfadda (๐๐ซ๐จ๐Ÿ๐ž๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ ๐˜๐ž๐š๐ซ ๐๐ซ๐จ๐ ๐ซ๐š๐ฆ) oo loogu talaggalay ardayda barata culuumta Computer-ka ee kujirta sannadka 3-aad!
Barnaamijkan waa fursad gaar ah oo kor loogu qaadayo xirfadaha ardayda, si ay ugu diyaargaroobaan suuqa shaqada casriga ah.
Ardaydu waxay si qotadheer uga faaโ€™iideysan doonaan tababbarro ku saabsan:
1๏ธโƒฃ ๐๐ž๐ญ๐ฐ๐จ๐ซ๐ค๐ข๐ง๐  ๐š๐ง๐ ๐’๐ž๐œ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ
2๏ธโƒฃ ๐’๐จ๐Ÿ๐ญ๐ฐ๐š๐ซ๐ž ๐ƒ๐ž๐ฏ๐ž๐ฅ๐จ๐ฉ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ
3๏ธโƒฃ ๐ƒ๐ข๐ ๐ข๐ญ๐š๐ฅ ๐Œ๐ž๐๐ข๐š ๐š๐ง๐ ๐‚๐ซ๐ž๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž ๐ˆ๐ง๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐ž๐ฌ
๐ŸŽฏ Ujeeddadu waa inay ardaydu helaan xirfado shaqo ayagoo diyaar ah, faham qotadheer iyo waaya-aragnimo ku dhisan dhaqanka hal-abuurka iyo xallinta dhibaatooyinka.

Photos from Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU's post 08/11/2025

Distinguished graduates, honored guests, respected parents and Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU (Administrators, Lecturers)

Welcome to this beautiful hall of achievement, celebration and honor.

Tomorrow is not only an endโ€ฆ it is a beginning of responsibility, impact and leadership. Each of you carries a story of effort, sacrifice, night-work, prayer, persistence and belief. We witness your academic victory โ€” tomorrow the nation will witness your professional contribution.

May this graduation be a moment of gratitude, a moment of pride and a moment that opens greater doors for you all.

Congratulations to every student. Welcome to your graduation ceremony.






07/11/2025

Hello FECT Lions--Class of 2025, are you ready to begin this exciting journey?

Photos from Faculty Of Engineering and Computer Technology-SIU's post 06/11/2025

Ardayda Kulliyadda Injinneeriyadda iyo Culuumta Tiknolojiyada ee Jaamacadda SIU ayaa Dooratay Hoggaan Cusub Uu Yeeshay Naadiga Ardayda.

Tartan Xiiso iyo Xamaasad leh aadne la isugu xifaaltamay ayaa dhexmaray Ardaydii Tartameysay iyadoo natiijada noqotay mid dhinac u dhacday, waxaa sharaf iyo Karaamo u ah Kuliyadda FECT iney si wadajir ah ugu soo wada baxeyn Doorashada ne noqotay mida ugu hadal heynta badan intii doorasho ka dhaceysay Jaamacadda SIU.

Xilka Guddoomiyaha Waxaa ku Tartamaayey Labo Musharrax oo ka socday Department of Civil Engineering Waxaana Xilkaasi ku Guuleystay Maxamed Aadan Axmed.

Waxaa kaloo loo tartamaayay Guddomiye ku xigeenka Naadiga iyo Xogyaha Naadiga, kadib Tartan kulul waxeey ku guusha raacday Eng Fartuun oo noqotay Guddoomiye ku Xigeenka Naadiga, Halka
Eng Maryama ee noqotay Xoghaya Naadiga FECT.

Eng Maxamed, Eng Fartuun iyo Eng Maryan waxaad ku guuleysatayn Hogaanka Naadiga Ardayda Kuliyadda FECT, Waxaad qaadayn Masuuuliyad weyn oo culus Maamulka kuliyadda uu ugu h**eyo Eng Cabdulaahi Maxamuud Caamir iyo Madaxa Qeybta CIVIL ENGINERING Eng Cusmaan Kulane iyo Dhamaan Madaxdii ka hadashay kulanka ay ugu dardaarmeyn iney Hogaanka Cusub la yimaadaan Howlkarnimo, Hal abuur iyo Isku Heyn Ardayda kuliyadda.

Waxaan Alle Ugu Baryeenaa Inuu Xilkaas u Guto Sida Laga Rajeynaayo.

Hambalyo Hoggaanka Cusub.

03/11/2025

Hambaliyo SIU FAMILY Horaad u tilaabsateyn oo Horumar u tiigsateen Somali International University - SIU

Photos from Somali International University - SIU's post 03/11/2025

Sannad guuro wacan bahweynta JAAMACADDA SIU Somali International University - SIU fans

26/10/2025

Meel Walba oo aad Joogto, baro Tiknoolajiyada Kombiyuutarka si Caalami Ah!
FECT waxeey idin diyaarisay Campus-ka Admin ee Cabdiqaaasim

12/10/2025

Saaka Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa si rasmi ah uga furmay Toddobaadka Dhaqanka oo sannad walba jaamacaddu ay qabato.

Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIU sannadkan waa sannadkiisii 12-aad oo xiriir ah, waxaana ka qeybgalaya labo kooxood oo ka kala socda ardayda Jaamacadda SIU kuwaas oo kala ah:

1. Kooxda Halgan iyo
2. Kooxda Horseed.

Kooxahan ayaa sameyn doona bandhig dhaqameedyo jiilka maanta sawir fiican ka siinaya Sooyaalka Soomaalidii h**e, waxaana garsooraya guddi ka socda Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.

11/10/2025

Anoo ku Hadlaayo afka kuliyadda Injineeriyadda iyo Kombiyuutar Tiknolajiyada waxaan idin ku soo dhaweynaa Jamaacadda SIU si farxad iyo niyad sami leh, maanta waxaa idin bilowday safarka cusub ee mustaqbalkiina.

Waxaa idin kuugu hambaliyeenaa kuso hirashada Jaamacadda SIU Hoyga Aqoonta iyo Xirfadaha , Waxaan idinku boorinaa inaad si buuxda uga faa'ideysataan fursadaha idin hor yaalo.

Waxaana hubaa guusha aad raadinaysaan iney ay ku xiran tahay dadaal, go'aan adag iyo hal-abuurnimo.

Somali International University - SIU

Photos from Somali International University - SIU's post 11/10/2025

Kuso dhawaada Hoyga Aqoonta iyo Xirfadaha eeJaamacadda SIU

10/10/2025

Maamulka Sare ee Jaamacadda SIU ayaa booqasho ku tagay Xarunta Farsamada Gacanta ee Xayle Bariise halkaas oo Ardayda barata Dhismaha Madniga(*Civil Engineering*) .

Muddadii ay Ardaydeena ku baranaayeen Xirfadaha Gacanta laga sameeyo Xarunta Xayle Bariise waxeey ka Faaideen iney Helaan Xirfado Itus oo Itaabsii ah.

Photos from Somali International University - SIU's post 07/10/2025

Anagoo ku hadleyna afka Kuliyadda Injineeriyadda iyo Tiknoolajiyada Kombiyuutarka ee Jaamacadda SIU waxaan dhamaan Hambaliyo leenahay guuleystayaasha kala duwan, waxaa si gaar ah hambaliyo iyo bogaadin u jeedineynaa Eng Yakub oo kaalinta 1aad u galay Dhamaan Ardayda kaliyadda FECT

Eng Yakub Halganka waa halkiisa hayaanka haay guusha wey ku hareera joogi doontaa.





Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Howlwadaag
Mogadishu
252