Raad Press

Raad Press

Share

Madbacad howl hufan, qiima jaban oo waqti kooban kuugu soo saaraysa buuggaaga oo tayo leh.

17/04/2025

"Wax akhris habqan ah oo aan nidaamsanayni waxa uu dhaamaa akhris habayac ah, balse haddii aanad ujeeddo ka lahayn akhirskaaga waxa aad ku dhacaysaa midho la'aan iyo in xogtaadu noqoto midh bariis ah oo ku dhacday dhul lamadegaan ah;
Bal kaalay adigu ka soo hel haddaba! Qofka aan wax akhriyin ama aanu akhirskiisu joogtada ahayni wax badan oo la sheego ma dhaantid oo " waad wada qabtaan daawashiyo ceeb!"

17/04/2025

Ruushka iyo islaamka waxa soo dhex maray wadanoolaansho ku siman muddo kun sano ah . Xilli xaadirkan Ruushka waxa deggan muslimiinta ugu badan marka lala barbardhigo dawladaha kale ee reer Galbeedka. Muslimiinta ruushka waxa lagu qiyaasaa labaatan malyan oo u dhigma 12% ilaa 15% wadarta guud ee dadweynaha. Intaas waxaa dheer muslimiintani ma aha soogalooti sida yurubta galbeedka oo kale ee waa dadkii deegaanka asalka u ahaa kuwaas oo ku soo galay dalweeynaha ruushka duullaamadii Ruushku ku qabsaday deegaaannadooda ama ha ka mid ahaadaan midowga dawladaha federaalka ee Ruushka. Muslinka deggan Ruushka waxa lagu tiriyaa muslimiinta ugu badan ee laga tirada badan yahay caalamka, moosko kaliya waxa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku nool magaalo qura caalamka. Sidaa darteed ayaa Ruushku u ordayaa
In uu noqdo xubin kormeer ah oo ka mid ah ururka iskaashiga Islaamka ee xaruntiisu tahay maka.

17/04/2025

Waa hage aan afgobaadsi wax kuugu tilmaamayn ee farta kuugu fiiqaya, in nolosha toolmoon iyo badhaadhaha mararka qaar laga dheefi karo arrimo xanuun ba'an kugu reebaya. Waa dhigane gebigiisuba liddi ku ah fekradihii doqonigaratayga ahaa ee la isla yaqaannay, haddana si maangal ah oo la aqbali karo wax kuu tusinaya. Waa buug uu akhriskiisu nafta farxadgalinavo, marar kale in aad ku celceshatana ay kaa qabanaysa Waa halbeeg ku habboon in aad uga shidaal qaadato buugta horumarinta nafta ka faallooda ee kale.

17/04/2025

Waxa uu buugga magaciisu ka kooban yahay laba eray. Arraweelo mooyee dhallaanku waa ayo? Dhallaanku waa dumarka inta kale. Maxaan dumarka dhallaan ugu sheegay? Sidii aynnu horeba u soo sheegnay waxa ay dumarku Arraweelo ka dhigtaan hoggaamiye, sidaa darteed dumarka intoodii kalana xagga fikirka iyo habdhaqanka ayay Arraweelo dhallaan ugu yihiin.

16/04/2025

Garo aqoonta, macluumaadka, iyo xirfadaha aad u baahan tahay

1. Xirfadaha muhiimka ah:

Si aad u gaarto yoolkaaga, waa muhiim in aad aqoonsato xirfaddaha lagama maarmaanka u ah horumarkaaga. Gaar ahaan, waa in aad horumarisaa xirfaddaha kuu suurtaggelinaya in aad kamid noqoto 10% kuwa ugu sarreeya goobtaada.

2. Ogaanshaha ugu weyn :

Xirfaddaada ugu daciifsan ayaa go'aammisa heerka dakhligaaga iyo guushaada. Waxaad horumar badan ka samayn kartaa adigoo diirradda saaraya xirfaddaas kaliya. Tusaale ahaan, haddii aad tahay ganacsade, xirfaddaada ugu daciifsan waxa ay noqon kartaa suuqgeyn ama maaraynta macaamiisha. Haddii aad tahay shaqaale xirfadda aad u baahan tahay in aad horumariso waxa ay noqon kartaa maaraynta waqtiga ama xirfaddaha isgaarsiinta.

3. Su'aasha muhiimka ah:

"Waa maxay halka xirfad oo kaliya, taasoo haddii aad horumariso oo aad si heer sare ah u qabato, ay noloshaada saameyn badan ku yeelan lahayd?"
Qor xirfaddaas, samee qorshe kadibna si joogto ah ugu shaqee maalin kasta. Diiradda saar in aad si tartiib ah u haggaajiso xirfaddaada, adigoo adeegsanaya:
● Akhrinta buuggaagta iyo waxbarasho online ah
● Helitaanka tababaro la xiriira xirfaddaas
● Ku celcelinta iyo dhisidda waayo-aragnimo dhab ah
Markaad si joogto ah u horumariso xirfaddahaaga, waxaad heli doontaa fursado badan oo kuu suurtaggelinaya in aad si sahal ah u gaarto yoolkaaga.

_BUUGGA HAGAHA DEJINTA YOOLASHA

FADLAN KADALBO Raad Press
NAGALA SO XIRIIR 61 9555001

16/04/2025

XEERKA 24AAD

U Ciyaar sida diblomaasi dhamaystiran

Dadka awoodda leh waa in si xeeladeysan loola macaamilo. Waa inaad barato sida loo kasbado dadka awoodda sare leh adigoon is-muuqin, hana noqon qof si toos ah u sheegta waxa uu doonayo.
Xeerkan wuxuu ku saabsan yahay sida looga dhex muuqdo meelaha ay siyaasadda, awoodda, iyo xafiiltanku ka jiraan, si aad u kasbato dadka sare ee haya talada. Wuxuu xoogga saarayaa:

●Dhaqan wanaagga & xushmadda_ sida loo dheelo doorka abacsanaanta, kaasoo la jaanqaadi kara madaxda iyo dadka awoodda leh.

●Diblomaasiyad & fogaan- arag_ inaad had iyo jeer taxaddar muujiso, aadan la doodin kuwa kaa sarreeya , oo aad si xikmad leh uga faa'idaysato fursadaha.

●Qarinta awooddaada dhabta ah _ inaad awooddaada aanad si toos ah u muujin, balse aad si tartiib taartiib ah uga hesho dadka sare taageero.

●Xirfadda dhismaha xiriirka _ inaad noqoto qof ay madaxdu jecel yihiin oo aan laga baqin, adigoo si xikmad leh u dhisaya kalsoonidaada.

16/04/2025

In la qabsado waddamada muslimiintu waxay ahayd arrin socota oo Yurub iyo reer galbeed madaxa ku hayeen kana shaqaynayeen muddadaa dheer ee toddobada qarni gaadhaysa. Falastiin in la qabsado oo laga saaro dawladdii Suldaan Cabdul-xamiid (Alle ha u naxariistee) ee ka hor taagnayd reer Yurub muddo dheer waxay ahayd wax la filayay, arrinka se yaabka lihi wuxuu noqday in afar-meelood oo saddex dalool ciidankii ingiriiska ee General Allenby ee qabsaday Falastiin iyo Qudud 1917-kii ay ahaayeen muslimiin, madaxna ka ahaa Amiir Faysal innu Xuseen.

14/04/2025
11/03/2025

Dhawaan bu so bixi doonaa insha'Allah
Waa sookoobidda xeerarka kaliya

23/02/2025

Cilmi-nafsiga wuxuu ku qeexayaa dib-u-dhigista inay tahay: ( guul darro ku dhacda habeynta nafta ), taas oo macnaheedu yahay in aan isu aragno kuwa aan awoodin nidaaminta hab-dhaqankooda, xitaa marka aan ognahay waxa nala gudboon inaan sameyno.
Ereyga (procrastination) oo ah laatiini, oo marka la kala jarjaro noqonayo (crastination) oo macnihiisu yahay berri. (Dib u dhigis) ama (madalayn)
Sababaha keena ? .....

Buugga- isla faqid gaar ah

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Baar Ubax, Xareed
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00