Al-hudda primary and secondary school

Al-hudda primary and secondary school

Share

Al-hudda School is a privately owned educational institution that produces competent and polite students.

18/11/2025

With Caatika Abuukar – I'm on a streak! I've been a top fan for 3 months in a row. 🎉

03/10/2025

𝗧𝗮𝗰𝘀𝗶 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻𝘆𝗼 𝗟𝗲𝗵
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Sare iyo Hoose/Dhexe ee 𝗔𝗹-𝗵𝘂𝗱𝗱𝗮 waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Gabdhaheena qaaliga ah:
𝐅𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢
𝐅𝐨𝐨𝐬 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥
oo hooyadoodii qaaliga ahayd Hooyo 𝘾𝙖𝙙𝙖𝙧 𝘾𝙞𝙞𝙨𝙚 𝙍𝙖𝙖𝙜𝙚 ku geeriyootay maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Hooyo waa tiirka qoyska, waa hooy la’aanteed guriga iftiin k**a jiro. Geerideedu waa murugo iyo xanuun aan la qiyaasi karin. Laakiin waxaan ku qancinaynaa hadalka Alle ee ah:
كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۖ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ
Waxaan Allah Subxaanahu Wa Tacaalaa uga baryaynaa inuu Hooyo 𝘾𝙖𝙙𝙖𝙧 𝘾𝙞𝙞𝙨𝙚 𝙍𝙖𝙖𝙜𝙚 ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qabrigeedana u waasiciyo una baddalo iftiin iyo barako joogto ah.

Waxaan Eebbe weydiisaneynaa inuu 𝐅𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 iyo 𝐅𝐨𝐨𝐬 iyo dhammaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtay siiyo samir iyo iimaan, qalbiyadoodana ku beero rajo iyo xasillooni.
Eebbe nama fidneeyo gadaasheeda,
dhamaanteennana Allah ha inaga dhigo kuwii hooyooyinkood ku kulma jannatul fardowsa.

Aamiin Aamiin 🤲🤲

24/09/2025

TACSI TIIRAANYO LEH 😭
إنّا لله وإنا إليه راجعون
Dhamaan maamulka iyo macalimiinta Dugsiga Al-hudda Primary And Secondary Schools waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan Maamulka oo uu ugu horeeyo Nasri Beerafaag , Macalimiinta, Ardayda iyo waalidiinta iyo ehelka Ardayada lagu magacaabo Nasra Maxamed Cabdulle oo ka geeriyootay iskuulka Al-Nasri kuna timid geeri naxdin leh ayadoo xiisadeeda ku qaadaneysa fasalka kadib markey usoo gashay xabad wiifto ah kuna dhacday.
Waxaan leenahay
إنّا لله وإنا إليه راجعون

Allah ha unaxariisto janatul firdows Allah haka waraabiyo Aamin Aamin🤲

Aan uduceeno dhamaanteen

18/08/2025

With Al-hudda Primary And Secondary Schools – I just got recognised as one of their top fans! 🎉

Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 18/08/2025

🎓 𝑯𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒐 𝑺𝒉𝒂𝒓𝒂𝒇 & 𝑮𝒖𝒖𝒍 – 𝑫𝒊𝒇𝒂𝒂𝒄𝒂𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂 𝑩𝒖𝒖𝒈𝒈𝒂 𝑸𝒂𝒍𝒊𝒏-𝒋𝒂𝒃𝒊𝒏𝒕𝒂 🎓

“Guushaada waa astaan muujinaysa dadaal, dulqaad & himilo rumowday.” 💫📘

Waxaa farxad weyn noo ah inaan halkaan ka dirno hambalyo qiimo leh oo u qalanta dadaalka iyo juhdiga uu muujiyay 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑩𝒂𝒔𝒉𝒊𝒊𝒓 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅,
kaasoo si rasmi ah u difaacay Buuggiisa Qalin-jabinta, una dhammeystay heer kiisa koowaad waxbarashada Bachelor-Degree.

𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑩𝒂𝒔𝒉𝒊𝒊𝒓 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅,
Maanta waa maalin gaar kuu ah. Maalin sumad u ah riyooyinkii aad u hurtay hurdo, fadhiyo, iyo waqti.
Waa maalin ay u sacbinayaan guushaada kuwa ku garab istaagay, kuna garab baxay halgankii dheer ee tacliinta.

Waxaad u istaagtay sida geesi u taagan aragti fog iyo hammuun aqooneed.
Waa lagu bogay. Waa lagu faanay. Waa lagugu ducaynayaa.

> Allaha kuu barakeeyo cilmigaaga,
Allaha kuu iftiimiyo mustaqbalkaaga,
Allaha ka dhigo aqoontaada mid adiga iyo ummaddaba anfaca.
Aamiin Aamiin 🤲✨

Waxaad kamid ahayd ardaydii sharafta iyo kartidaba iskugu dartay ee Reer Al-Hudda –
Waxaana si buuxda u aaminsanahay in cilmigaagu yahay nal iftiimin doona meelo badan.

Mabruuk Cabdiraxmaan!
Guushaada maanta ha noqoto hordhac guulo kale oo weyn –
Riyooyinkii aad shalay lahayd maanta waa dhab, berrina ha kuu horseedaan meel aan cidina gaadhin. 🎓Aamiin Aamiin💙🌟

Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 14/08/2025

🎉 Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! 🎉

Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada ee Reer Al-hudda Primary And Secondary Schools –APSS waxay hambalyo diirran iyo bogaadin sharfan u dirayaan ardayda maanta u gudubtay marxaladda Dugsiga Sare.

Guusha aad maanta gaadheen waa natiijada dadaal, adkaysi iyo go’aan adag. Waxaan Alle ka baryeynaa inuu idin barakeeyo aqoontiinna, idin xifdiyo, idinna waafajiyo mustaqbal ifaya iyo horumar waara.

Waxaan sidoo kale ammaan iyo mahadnaq gaar ah u diraynaa waalidiinta iyo macallimiinta, kuwaas oo qayb weyn ka qaatay in guushan ay suurtagal noqoto.

Hambalyo ardayda! Hambalyo waalidka! Hambalyo APSS! 🌟

Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 13/08/2025

🎓 HAMBALYO DIFAACASHADA BUUGGA QALIN JABINTA 🎓
📘 "Guushu waa natiijada hamiga adag, dulqaadka dheer, iyo rumaynta riyadaada."

Maanta waa maalin taariikhi ah oo ku qoran bogga guusha 𝐄𝐧𝐠 𝐂𝐚𝐛𝐝𝗶𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗻 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗮𝗺𝗲 — wiilkeenna qiimaha badan oo si sharaf leh u difaacay buuggiisa qalin jabinta 𝐄𝐧𝐠𝐢𝐧𝐞𝐞𝐫𝐢𝐧𝐠-ka, kuna dhammeystay heerkiisii koowaad ee jaamacadda.

𝐄𝐧𝐠 𝐂𝐚𝐛𝐝𝗶𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗻 dadaalkaaga joogtada ah, hamigaaga aan la wiiqin, iyo kalsoonidaada gudaha ah ayaa noqday furaha guushan.
Waxaad na tustay in riyadu aysan ahayn wax lagu hamiyo oo keliya, balse ay tahay wax lagu noolaado ilaa ay dhab noqoto.

🌟 Ducadeenna waa:
✨ Allaha cilmigaaga u barakeeyo
✨ Guushaada sii joogteeyo
✨ Mustaqbalkaaga iftiimiyo oo fursado waaweyn kuu furo
🤲 Aamiin Aamiin

Waxaad tahay tiir adag oo sharaf iyo magac u ah ardayda Reer 𝗔𝗹-𝗵𝘂𝗱𝗱𝗮, kuwaas oo aan mar walba ku faanno, kuna ducayno.

🎉 Mabruuk malaayiin jeer, Abuukar!
Guushaadu ha noqoto nal kaaga ifa jid kasta oo noloshaada ah,
oo kuu horseeda meel ka sii sarreysa.

🎓🤲 Aamiin Aamiin 🤲🎓

Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 21/07/2025

🎓📙 𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐤 -𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐉𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚🎓
🎓📙“𝐂𝐨𝐧𝐠𝐫𝐚𝐭𝐮𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐨𝐧 𝐲𝐨𝐮𝐫 𝐰𝐞𝐥𝐥-𝐝𝐞𝐬𝐞𝐫𝐯𝐞𝐝 𝐬𝐮𝐜𝐜𝐞𝐬𝐬🙌✊🎓📙🎉📚

Waxaa farxad weyn, sharaf iyo raynrayn noo ah in aan hambalyo diiran u dirno Gabadheena 𝐍𝐚𝐟𝐢𝐬𝐨 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo si geesinimo, dadaal, iyo dulqaad leh u dhamaysatay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda (Bachelor Degree), ayna si guul ah u difaacday buuggeeda qalin-jabinta.

𝐍𝐚𝐟𝐢𝐬𝐨 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 waxa ay noqotay tusaale u iftiimaya dadaalka gabdhaha Soomaaliyeed, kuna dayasho mudan dhabar-adayga iyo hamiga sare. Waxaad noqotay mid ka dhabeysay riyadeedii, dadaalkeedii, iyo yoolkeedii nolosha.

Maalintaan quruxda badan ee aad gashay safka aqoonyahannada, waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu cilmiga aad baratay kugu anfaco, kuu horseedo mustaqbal ifaya, kana dhigo sabab kheyr iyo horumar keenta bulshadaada iyo dalkaagaba.

🕌 Allaha kuu barakeeyo cilmigaaga
🖊️ Allaha kuu furo albaabada fursadaha
💫 Allaha kaa dhigo mid ilays u noqda jiilalka soo kacaya
🌸 Allaha kaa yeelo mid guul iyo sharaf raacdo meel walba

Waa sharaf weyn ah in aad ka mid noqotay ardaydii qiimaha leh ee ka aflaxday 𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙜𝙖 𝘼𝙡-𝙃𝙪𝙙𝙙𝙖, waana marqaati muujinaya in himilada iyo himmadda sare ay midho dhalayso.

Mabruk malyan jeer!
Guushaadu waa guusheenna.
Wadne guuleysatay! ❤️🎓

Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 11/07/2025

🎓 HAMBALYO DIFAAACASHADA BUUGGA QALIN JABINTA 🎓
📘 “Guushu waa hadiyadda kuwa aan caajisin ee hamigooda ku socdo.”

Waxaan hambalyo mug weyn, bogaadin kal iyo laab ah uga diraynaa wiilkeena 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞,
oo si rasmi ah u dhameystay heerkiisii koowaad ee waxbarashada jaamacadeed.

𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞,
Adiga ayaa mudan in lagu ammaano, sababtoo ah waxaad na tustay waxa ay tahay go’aan adag, dadaal joogto ah, iyo rumeynta riyadaada. Ma joojin, mana jabin – waana taas sababta maanta aad farxad iyo sharaf ugu dabaal-degeyso.

✨ Cilmigaaga Allaha kuu barakeeyo
✨ Hanaankaaga guusha Allaha sii xoojiyo
✨ Mustaqbalkaagana Allaha iftiimiyo
Aamiin Aamiin 🤲

Waxaa tahay tiir muhiim u ah ardaydii qiimaha lahayd ee Reer 𝐀𝐥-𝐡𝐮𝐝𝐝𝐚 –Kuwa aan ku faanno, una ducayno mar walba.

🎉 Mabruuk malaayiin jeer Cabdiraxmaan!
Guushaadu ha noqoto iftiin iyo albaab kuu fura fursado aan dhammaan

🎓🤲Aamiin Aamiin🤲🎓.

Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 06/07/2025

🎓📙 𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐤 -𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐉𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚🎓
🎓📙“𝐂𝐨𝐧𝐠𝐫𝐚𝐭𝐮𝐥𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐨𝐧 𝐲𝐨𝐮𝐫 𝐰𝐞𝐥𝐥-𝐝𝐞𝐬𝐞𝐫𝐯𝐞𝐝 𝐬𝐮𝐜𝐜𝐞𝐬𝐬🙌✊🎓📙🎉📚

Waxaa farxad weyn, sharaf iyo raynrayn noo ah in aan hambalyo diiran u dirno Gabadheena 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐢𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞, oo si geesinimo, dadaal, iyo dulqaad leh u dhamaysatay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda (Bachelor Degree), ayna si guul ah u difaacday buuggeeda qalin-jabinta.

𝐒𝐚𝐚𝐛𝐢𝐫𝐢𝐢𝐧 waxa ay noqotay tusaale u iftiimaya dadaalka gabdhaha Soomaaliyeed, kuna dayasho mudan dhabar-adayga iyo hamiga sare. Waxaad noqotay mid ka dhabeysay riyadeedii, dadaalkeedii, iyo yoolkeedii nolosha.

Maalintaan quruxda badan ee aad gashay safka aqoonyahannada, waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu cilmiga aad baratay kugu anfaco, kuu horseedo mustaqbal ifaya, kana dhigo sabab kheyr iyo horumar keenta bulshadaada iyo dalkaagaba.

🕌 Allaha kuu barakeeyo cilmigaaga
🖊️ Allaha kuu furo albaabada fursadaha
💫 Allaha kaa dhigo mid ilays u noqda jiilalka soo kacaya
🌸 Allaha kaa yeelo mid guul iyo sharaf raacdo meel walba

Waa sharaf weyn ah in aad ka mid noqotay ardaydii qiimaha leh ee ka aflaxday 𝘿𝙪𝙜𝙨𝙞𝙜𝙖 𝘼𝙡-𝙃𝙪𝙙𝙙𝙖, waana marqaati muujinaya in himilada iyo himmadda sare ay midho dhalayso.

Mabruk malyan jeer!
Guushaadu waa guusheenna.
Wadne guuleysatay! ❤️🎓

03/07/2025
Photos from Al-hudda primary and secondary school's post 03/07/2025

Hambalyo Qalin Jabin🎓
🎓📙“Congratulations on your well-deserved success🙌✊

🎓 Hambalyo Qalin-jabin Sharaf leh! 🎓

"Congratulations on your well-earned achievement!" 🙌💫

Farxad, sharaf, iyo mahad ilaahay baa leh!
Waxaan si weyn ugu hambalyeynaynaa Wiilkeenna Qaaliga ah – ,
oo si guul leh u difaacay buuggiisa Qalin-jabinta Jaamacadda kana aflaxay Bachelor-ka Cilmiga Maamulka iyo Maareeynta.📚

Maxamedow,
Waxaad maanta tusaale u tahay dadaal, dulqaad, iyo hammuun tacliimeed oo miro-dhalay.
Waxaad dhammaysay halgan dheer oo cilmiga ah, waxaadna si sharaf leh ugu guuleysatay hadafkii aad muddada u haysay.
Waan kugu faaneynaa, waanu kuu ducaynaynaa.

> Allaha cilmiga aad baratay kugu anfaco,
Allaha kuu barakeeyo dadaalkaaga,
Mustaqbalkana Allaha kuu iftiimiyo.
Aamiin Aamiin 🤲✨

Waxa sharaf noo ah in aad kamid ahayd ardayda Reer Al-Hudda,
Waana kuu marag in aad ahayd geesi hawlkar ah.

Mabruk malaayiin jeer, Maxamed!
Qalin-jabintaadu ha noqoto bilowga guulo waaweyn oo kugu soo socda! 🎉🎓❤️
Aamiin Aamiin 🎓🎓📙

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Al-hudda Main Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00