26/09/2026
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุฅููู ุฑุงุฌุนูู
Alle ha u naxariisto Ustaad Cabdirashiid Xasan Cumar.
Waxaan si murugo leh uga tacsiyeynaynaa geerida Ustaad Cabdirashiid Xasan Cumar, oo muddo dheer kasoo shaqeeyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa bare soo saaray arday Soomaaliyeed oo fara badan, ugu dambayntiina gaaray heer kormeere waxbarasho.
Ustaad Cabdirashiid wuxuu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan Dalladda Waxbarashada FPENS, gaar ahaan qaybta Kormeerka iyo Tababarrada Macallimiinta, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta iyo tayaynta waxbarashada.
Waa tiir muhiim ah oo ka baxay bahda waxbarashada Soomaaliyeed. Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.
ุงูููู
ุงุบูุฑ ูู ูุงุฑุญู
ู ูุนุงูู ูุงุนู ุนููุ ูุฃูุฑู
ูุฒูู ููุณุน ู
ุฏุฎููุ ููููุฑ ูุจุฑูุ ูุงุฌุนู ูุจุฑู ุฑูุถุฉ ู
ู ุฑูุงุถ ุงูุฌูุฉ.
Waxaan sidoo kale Alle SWT ka baryeynaa inuu ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa oo ay ku jiraan Bahda waxbarashada ee FPENS iyo dhammaan bahda waxbarashada ka siiyo samir iyo iimaan.
Alle ha u naxariisto, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุฅููู ุฑุงุฌุนูู