10 Maalmood Oo Keliya… Laakiin Ah Maalmaha Ugu Qaalisan Nolosheenna
Yasin Mohamed
Boggaan waxaan ku soo gudbiyaa warbixino waxtar u leh bulshada. Nagu soo biir Mahadsanid.
TAHRIIB - ABWAAN XAAJI BANAADIR!
09/02/2026
Wanaagga nolosha waxa saldhig u ah hadal suuban iyo niyad wanaagsan. Qofka hadalkiisu hagaagsan yahay, ficilkiisuna toosan yahay, wuxuu door weyn ka qaataa hagaajinta xiriirka bulshada iyo xasilloonida nolosha guud ahaan.
ILLAAHEEY SWT wuxuu si cad ugu amray dadka iimaanka leh inay ku hadlaan hadal wanaagsan, isagoo yiri: “Kuwa iimaanka laga helayoow, ILLAAHEEY ka dhowrsada oo ku hadla hadal wanaagsan, markaas ALLE wuxuu idiin hagaajinayaa camalladiina, wuuna idiin dhaafayaa dambiyadiina.” (Al-Axzaab: 70–71). Aayaddaan waxay muujinaysaa in hadalka wanaagsan uu sabab u noqdo hagaajinta camalka iyo cafinta dambiyada.
Quraanku sidoo kale wuxuu na faraa in la doorto hadalka kan ugu wanaagsan, lagana fogaado hadalka keena colaad iyo isku dir, maadaama shaydaanku ka faa’iideysto hadalka xun si uu dadka u kala fogeeyo, halka hadalka wanaagsan uu horseedo nabad iyo isfahan. ILLAAHEEY SWT wuxuu yiri: “Addoomadayda ku dheh inay ku hadlaan hadalka ugu wanaagsan.” (Al-Israa: 53).
Nabiga NNKH isna wuxuu yiri: “Kalmadda wanaagsan waa sadaqo.” (Bukhaari & Muslim). Xadiithkani wuxuu muujinayaa in hadalka wanaagsan uu yahay camal qof walba awood u leeyahay, kana mid ah sababaha lagu kasbado ajar iyo raalli ahaanshaha ALLE.
Ugu dambeyn, hadalka wanaagsan waa tiir ka mid ah akhlaaqda Islaamka, waana jid lagu gaaro nabad, isfahan, iyo guul aduun iyo aakhiro labadaba. Qofka hadalkiisa hagaajiya, camalkiisuna wuu hagaagaa, wuxuuna ka mid noqdaa kuwa Alle jecel yahay.
Wixii sax ah ILLAHEEY xaggiisa ayey ka ahaadeen, wixii qalad ahna naf iyo shaydaan ayey ka ahaadeen.
06/02/2026
Maalinta Jimcaha waa maalin aad u weyn oo fadli gaar ah ku leh umadda Islaamka. Waa ciidda Muslimiinta, waana maalin ay Muslimiintu ku kulmaan masaajidda, iyagoo ka imanaya xaafado iyo goobo kala duwan, si ay u dhageystaan xuska Alle iyo waanada Imaamka.
Qalbiga qofka Muslimka ah wuxuu u baahan yahay wacdi iyo waano joogto ah. Marka uu qofku ka maqnaado dhageysiga khudbadaha iyo xusuusinta, qalbigiisu wuu adkaadaa, kheyrkana wuu ka sii fogaadaa. Arrintaas darteed ayuu Nabigu (NNKH) si adag uga digay ka tegeidda salaadda Jimcaha, isagoo sheegay in dadka sidaas sameeya qalbiyadooda la daboolayo, ayna noqdaan kuwo qaflad ku dhaca.
Jimcaha sidoo kale waa maalin ka mid ah xilliyada ducada la aqbalo. Waxa ku jirta saacad gaar ah oo haddii addoon Muslim ah uu Alle baryo isagoo aan gafin, la aqbalo ducadiisa. Saacaddaas si cad looma cayimin, balse culimadu waxay sheegeen in ay u dhowdahay galabta Jimcaha, gaar ahaan inta u dhexeysa salaadda Casar iyo Maqrib. Waa fursad qaali ah oo lagu duceysto, lagu toobad keeno, laguna waydiisto Alle wax kasta oo kheyr ah, aduun iyo aakhiro labadaba. Sidaas darteed, Muslimku waa inuusan dayacin ducada maalintan sharafta leh.
Sidoo kale, Jimcaha waa maalin aad u sharfan oo dhacdooyin waaweyn ay ku beegan yihiin; waa maalintii Nabi Aadam (CS) la abuuray, maalintii jannada la geliyay, maalintii laga soo saaray, sidoo kalena Qiyaamadu ma dhici doonto maalin ka duwan Jimce.
Alle (SWT) wuxuu si cad ugu amray mu’miniinta in marka loogu yeero salaadda Jimcaha ay u degdegaan xuskiisa, kana tagaan ganacsiga iyo mashquulka kale, maadaama arrintaas ay u kheyr badan tahay qofka iimaanka leh hadduu fahmo.
Si loo weyneeyo maalintan, Muslimka waxaa laga doonayaa inuu si wanaagsan ugu diyaar garoobo: inuu qubeysto, weyso qaato, xirto dhar nadiif ah oo qurux badan, isla markaana iscarfiyo hadduu heli karo. Arrimahan oo dhan waxay ka mid yihiin sunnada Nabiga (NNKH), waxayna muujinayaan ixtiraamka iyo karaamaynta maalinta Jimcaha.
Maaddaama Jimcaha loo asteeyey wacdi iyo waano, waxaa waajib ah in si buuxda loo dhageysto khudbada Imaamka. Lama oggola in la hadlo, la buuqo ama xitaa qof kale lagu yiraahdo “aamus” inta khudbadu socoto, sababtoo ah arrintaas waxay meesha ka saareysaa ajarka Jimcaha. Haddii qof si khalad ah u hadlo, waa in laga aamuso, kadibna marka salaaddu dhammaato si xikmad iyo edeb leh loogu waaniyo.
Ugu dambayn, Jimcaha waa fursad weyn oo uu Alle inagu manaystay. Qofka caqliga lehna waa kan ka faa’iideysta, qalbigiisana ku xira xuska Alle, kana dhiga maalintaas mid uu iimaankiisa ku cusbooneysiiyo.
Wixii aan saxay waa Alle fadligiis, wixii aan qaldayna waa nafteyda iyo shaydaanka.
05/02/2026
Aduunyadu waa maalmo tirsan; waxaa hubaal ah inay mar uun soo gaba-gaboobi doonto. Waxaa ka dambeysa maalin ay jirto nolol dhab ah oo xaqiiqo ah. Noloshan aynu hadda ku jirno ma aha mid joogto ah, mana aha nolol xaqiiqo ah, waayo dhimasho ayaa ka dambeysa.
Nolosha dhabta ah, nolosha xaqiiqada ah, nolosha waligeed la noolaanayo waa tan bilaabata marka la dhinto oo dadka dib loo soo saaro. Haddaba maadaama ay sidaas tahay, noloshaas u diyaar garow waliba diyaar garowga ugu weyn.
ILLAAHEEY Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
﴿وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ﴾
“Jinni iyo Insi uma aanan u abuurin ilaa inay i caabudaan mooyaane.” (Suuradda Adh-Dhaariyaat: 56). Taasi waxay ina tusaysaa in noloshu dhan tahay cibaado, ujeeddadeeduna tahay in Ilaahay kaligii la caabudo.
Markale ILLAAHEEY Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
﴿أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ﴾
“Ma waxaad u malayseen inaan idin abuurnay ciyaar ciyaar, oo aadan noo soo laabanaynin?” (Suuradda Al-Mu’minuun: 115). Hubaal, maalin ayaa iman doonta oo aan hor istaagi doono ILLAAHEEY hortiisa; wax walba oo aad aduunyadan ku samaynay sida hadal, fal, iyo niyadba horteenna la keeni doono.
Wax kasta oo ILLAAHEEY agtiisa waxba kaaga tareynin, waad ka shalaayi doontaa, xataa haddii uu ahaa wax xagga sharciga xalaal kuu ahaa. Markaad RABBI hortiisa istaagto, waxaad dhihi doontaa: “Waqtigeyga waan dayacay.”
Waxaad is weydiin doontaa:
Intaan ILLAAHEEY xusi lahaa, maxaa i mashquuliyay?
Intaan Qur’aanka xifdin lahaa, maxaa waqtigayga iga lumiyay?
Nolosheyda maxaan u hormarsan waayay Aakhiro waxa i anfacaaya?
Qofka sidaas u fekeraya, qalbigiisu wuu fahmay xaqiiqada aduunyadan inaanay ahayn mid joogto ah, oo ay dhammaanayso. Wuxuu kaloo gartay in Aakhirana tahay nolol baaqi ah waligeed jirayso oo aan dhammaad lahayn. Qofkaas noloshiisa aduunyo ma noqoto mid lahwi iyo baashaal ku dhisan, waayo wuu ogyahay in waqtigaan yahay mid kooban.
Sidaas darteed, mar kasta oo aad firaaqo heysid waa fursad ee kaga faa’iideyso waxa ku anfacaya nolosha dambe ee dhabta ah;
– Salaadda joogtee
– Qur’aanka akhri
– Dikriga Alle badi
– Salliga Nabiga NNKH badi
– Sadaqada baxso
– Ducada RABBI joogtee
Ogow walaalkeey - TAN DAMBE AYAA DARAN!
Wixii aan saxay ILLAAHEEY xaggiisa ayey ka ahaadeen, wixii aan qaldayna naf iyo shaydaan ayey ka ahaadeen.
Taxaddarkaaga ha bato.
01/10/2025
Dhallinyarannimada, way gafaf iyo halis badan tahay. Waxaad sameyneysaa Waxyaabo aadan ka fiirsan oo berrina si weyn kuu saameyn doono, xilli shallaay aysan wax badan kuu tareynin.
Waa sababta dhallinyarada ku barbaarta toosnaanta iyo cibaadada Ilaahey loogu daray, liiska toddobada maalinka qiyaame carshiga Ilaahey harsan doonta.
Taxaddarkaaga ha bato, ka fogow xumaan oo dhan. Saaxiibbada xunxun isaga dheerow. Mar walbana ku xirnow Ilaaheey SWT.
10/06/2025
XAARAAN WAA BADBAADO!
Hal-abuurku ma keliya maanso curin baa? Adiga maxaa kugu dhaliya inaad wax cusub ku fikirto?
👇 Hoos faallo noogu reeb
Kawrran in hal habeen oo aad Alle u toobad keentid, tukatid, duceysatid, sadaqo la baxdid uu ajarkeeda ka badan yahay adigoo cibaado sameeynaayay muddo 83 sano iyo 4 bilood ah?
Habeenka Laylatul Qadrigu waa habeen uu Alle siiyey sharaf iyo qiimo gaar ah waa habeenkii Qur’aanka kariimka ah la soo dejiyey, waa habeen ay malaa’igta samada ka soo degto, waa habeen barako, dambi-dhaaf, iyo naxariis leh!
Ilaahay SWT ha inaga dhigo kuwa hela ajarka iyo dambi-dhaafka Habeenka Laylatul Qadriga.
Fadlan nagu soo biir:
👉YouTube: https://www.youtube.com/
👉 Instagram: https://www.instagram.com/buurjooge/
👉 TikTok: https://www.tiktok.com/
👉 X (Twitter): https://x.com/buurjooge
Malaha uu qofka Illaaheey ka heysto ayaa ah shey aad muhiim u ah, waxaan rabaa inaan sharaxno fahamka dhabta ah ee kalsoonida iyo malaha uu qofka ka qabo Illaaheey.
⭕️ Xigashada iyo tixraaca muuqaalkeenna:
https://youtu.be/J65ZEsHdqrs?si=q3aanCZ5aMbHw_H_
Fadlan nagu soo biir:
https://www.instagram.com/buurjooge/
https://www.youtube.com/
https://www.tiktok.com/
https://x.com/buurjooge
#
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Taleex
Mogadishu