24/05/2021
Qiso Yar Oo Cajiib Ah!! ( Fadlan Walaal Akhri )
==================================
Nin Muslim ah oo aad ugu ad-adag diintiisa ayaa hada ka hor soo raacey Diyaarad.Markii mudo hawada lagu jirey ayaa ninkii waxaa u timid gabar ka mid ah shaqaalaha diyaarada oo Qamri wareejineysa dabeedna waxey ku tiri qamriga ma ku siiyaa, Laakin ninka oo ahaa qof Ilahey siiyey Iimaan ayaa yiri: "Maya uma baahni waad Mahadsantahay"
Xoogaa ka dib misana Waxaa u timid isla gabadhii oo wada dhaladii Qamriga, laakin waxey kala kulantey isla jawaabtii h**e ee aheyd: Mahadsanid uma baahni!!
mudo kadib gabadhii oo la yaaban ninkan, diidan qamrigaan qaaliga ah, ayey ku tiri ninkii shaqaalaha diyaarada u sareeyey: "ninkaa wuu iga diidey sharaabkan, ee waa intaas uu kaa yeelaaye u gee adiga?"
Ninkii baa soo qaadey dhaladii qamriga ahaa, markuu u keeney ninkii muslim ka ahaa ayuu ku yiri: "Mahadsanid uma baahni"
markaa buu yiri: "ninyahow maxaad ku diideesaa! miyaadan ka helin adeega diyaarada?"
Ninkii oo caaqil ahaa baa yiri: "Orodoo sii qamriga duuliyaha diyaarada?"
Markaa buu yiri: "Ma waalantahey!! sideen u siiyaa duuliyaha qamri, waajibaadkiisa ayuu gudanayaa, haduu cabo qamrigana Diyaaradoo dhan baa burbureysa!!"
Ninkii muslimka ahaa baa yiri: "hadaba anigana Muslim baan ahey, waxaana gudanayaa waajibaadkeyga ah inaan caabudo Rabbigeyga, hadii aan cabana Qamrigan nolosheyda dhan ayaa Burbureysa Aduun iyo Aakhiroba!!"
🥰🙏
kusoo dhowoow Al-nor international school.
Al-nor ugu imaw waxbarasho tayo sare leh.
Al-nor waa haqabtiraha bulshada