Darul-Falax Center - مركز دار الفلاح

Darul-Falax Center -  مركز دار الفلاح

Share

Arday Foundation is an organization dedicated to supporting Somali students, particularly those at the university level. Our motto is "Towards a Better Future."

Photos from ‎Darul-Falax Center -  مركز دار الفلاح‎'s post 30/10/2025

في يوم الأربعاء الموافق 29 أكتوبر 2025، أقامت مؤسسة رعاية الطلاب - دار الفلاح (Arday Foundation for Students’ Welfare) في مقرها الرئيسي حفلاً ترحيبيًا لـ 25 طالبًا من الدفعة الثانية عشرة التي تتبناها المؤسسة.

وقد حضر اللقاء عدد من أعضاء الإدارة في المؤسسة، حيث استُهلَّ البرنامج بتقديم إرشادات وتوجيهات عامة للطلاب حول آليات التعاون والعمل المشترك بين المؤسسة والطلبة المستفيدين.

وفي ختام اللقاء، تم توزيع المنهج الديني الذي سيُدرَّس للطلاب خلال المرحلة القادمة، في إطار برامج المؤسسة الرامية إلى تعزيز الجوانب العلمية والدينية لطلبتها.

Photos from ‎Darul-Falax Center -  مركز دار الفلاح‎'s post 04/09/2025

Hey'adda Arday Foundation (Darulfalaax) ayaa maanta oo taariikhdu tahay 04-09-2025 xaflad ballaaran ku qabatay Beerta Banaadir.

Xafladda ayaa isugu jirtay: laba muxaadaro, shahaadooyin bixin, iyo sagootinta ardaydi ka qalinjabisay jaamacadaha sanad-dugsiyeedka 2024/2025. Muxaadarada kowaad ayaa ku saabsanayd muhiimadda Luqadda Carabiga iyo qaababka loo barto, waxaana soo jeediyay Dr. Daahir Cali Jaamac. Muxaadarada labaad ayaa ku saabsanayd Personal Strategic Planning, waxaana soo jeediyay Khaalid Maxamed Cali oo ah arday sanadkaan ka qalinjabiyay jaamacadda heerka koowaad.

Ugu dambayn, waxaa si gaar ah loo abaalmariyay dhowr arday oo dadaalkooda lagu abaalmariyay. Waxaa sidoo kale shahaadooyin la guddoonsiiyay ardaydi ka qaybqaadatay koorsadi 30-ka maalmood socotay ee Xoojinta Luqadda Carabiga. Sidoo kale dhammaan ardaydi soo xaadirtay waxaa la siiyay shahaado ka soo qaybgal. Waxaa xusid mudan in ardaydi sanadkaan jaamacadaha ka qalinjabisay iyagana la siiyay shahaado gaar oo muujinaysa dadaalkoodi afarti sano ee la soo dhaafay.

أقامت مؤسّسة رعاية الطّلّاب (دار الفلاح) اليوم الموافق 04/09/2025 حفلاً كبيراً في حديقة بنادر

وتضمن الحفل: محاضرتين، توزيع شهادات، وتكريم وتوديع الطلبة الخريجين من الجامعات للعام الأكاديمي 2024/2025

كانت المحاضرة الأولى حول أهمية اللغة العربية وطرق تعلّمها، وقدّمها الدكتور طاهر علي جامع. أما المحاضرة الثانية فكانت حول التخطيط الاستراتيجي الشخصي، وألقاها الطّالب خالد محمد علي، وهو أحد خريجي هذا العام بدرجة البكالوريوس

وفي ختام الحفل، جرى تكريم عدد من الطلبة تقديراً لجهودهم المتميزة. كما تم منح شهادات للمشاركين في البرنامج الصّيفي لتقوية اللغة العربية الذي استمرّ 30 يوماً. كذلك مُنحت شهادات مشاركة لجميع الطلبة المشاركين في الفعالية. ويجدر بالذكر أن خريجي الجامعات لهذا العام حصلوا أيضاً على شهادات خاصة تقديراً لجهودهم خلال السنوات الأربع الماضية

24/08/2025

مبروك لعائشة آدم أُغاس حرسي التي حصلت على المركز الأول في امتحان الشهادة الوطنية للعام الدراسي 2024/2025.

كانت عائشة تدرس في مدرسة SOS بولاية بنادر، وقد نالت معدلًا عامًا قدره 91.99%.

Hambalyo Caaisha Aadan Ugaas Xirsi oo gashay kaalinta 1aad ee Imtixaanka Qaranka Sannad Dugsiyeedka 2024/25.

Caaisha waxey dhiganeysay Dugsiga SOS ee Gobolka Banaadir waxa ayna heshay cel celis ahaan 91.99%

Photos from ‎Darul-Falax Center -  مركز دار الفلاح‎'s post 08/08/2025

تم أمس في مركز مؤسسة رعاية الطّلّاب في دار الفلاح إفتتاح البرنامج الصيفي لتقوية اللغة العربية.

ويُعد هذا البرنامج سنويًا، ويستفيد منه طلّاب دار الفلاح الذين يحتاجون إلى تنمية مهاراتهم في اللغة العربية.

وسوف يستمر البرنامج لمدة شهر، بمشاركة 28 طالبًا من طلاب جامعات مقديشو.

نتمنى للطلاب وقتًا مثمرًا ومزيدًا من التقدم العلمي.

06/06/2025

تقبل الله منّا و منكم صالح الأعمال و كل عيد و أنتم بألف خير

19/04/2025

Shubuhaadka fikriga ah ee cusub - asbaabtooda iyo sida looga hortagi karo. Ustaad Usaama Ismaaciil Axmed.

الشبهات الفكرية المعاصرة - أسبابها و كيفية وقايتها. الأستاذ أسامة إسماعيل أحمد.

Photos from ‎Darul-Falax Center -  مركز دار الفلاح‎'s post 18/04/2025

Maanta oo jimco ah waxaan xarunta Daarulfalaax ku qabannay muxaadiro aad u qiimo badan oo ardayda jaamacadaha uu u jeediyay walaalkeen Ustaad Usaama Ismaaciil Axmed oo ka mid ah ardayda ka qalinjebisay Daarulfalaax. Mowduuca muxaadirada ayaa ahaa "shubuhaadka fikriga ah ee cusub - Asbaabaha keena iyo sida looga hortagi karo". Mowduucan oo aad muhiim u ah, aadna u qotodheer ayuu ustaadka ka bixiyay sharax kooban oo ardaydu ay waxbadan ka kororsadeen. Dhammaadki muxaadirada ayay ardaydu su'aalo dhowr ah waydiiyeen ustaadka, oo isna si dhankisa jawaabo waafi ah siiyay ardayda.

Waxaan Rabbi ka baryaynaa in Ustaad Usaama dadaalka uu bixiyay uu wanaag uga abaalmariyo, ardaydana ku anfaco muxaadirada.

في هذا اليوم المبارك، يوم الجمعة، أقمنا في مركز دارالفلاح محاضرة قيمة ألقاها أخونا الفاضل الأستاذ أسامة إسماعيل أحمد، أحد خريجي دارالفلاح، ووجّهها إلى طلاب الجامعات.

كان موضوع المحاضرة: "الشبهات الفكرية المعاصرة – أسبابها و كيفية وقايتها"، وهو موضوع بالغ الأهمية وعميق المضمون، حيث قدّمه الأستاذ بشرح موجز لكن نافع، استفاد منه الطلاب استفادة كبيرة، ولله الحمد.

وفي ختام المحاضرة، طرح الطلاب على الأستاذ عدة أسئلة، فأجاب عنها مشكورًا بإجابات وافية ومقنعة.

نسأل الله عز وجل أن يجزي الأستاذ أسامة خير الجزاء على جهده المبارك، وأن ينفع بهذه المحاضرة طلابنا الأعزاء، ويجعلها في موازين حسناته.

06/04/2025

Saamaynta Canshuurta ee Dhaqaalaha Dunida

Laga soo billaabo 1945 oo ku beegan dhammaadka Dagaalki Labaad ee Dunida, Maraykanka oo ka mid ah dawladihi ku guulaystay dagaalka, fursadna u helay inuu sutida u qabto dhaqaalaha dunida, wuxuu dhaqaalihiisu maray heerar kala duwan. Dollarka Maraykanka ayaa toddobaanki sano ee la soo dhaafay dunida ka ahaa lacagta ugu xoogga badan, dhaqaalaha duniduna ku dulwareego, isagoo galay booski dahabka oo marki h**e ahaa kaydka ugu muhiimsan ee ay isticmaali jireen bunuugta dhexe ee dawladuhu, balse 15-ki Agoosto 1971 ayuu maamulki Madaxwayne Richard Nixon Maraykanka u suurogeliyay in Dollarku si rasmi ah u galo booski dahabka. Waxaa arrintaas sii xoojiyay oo awoodda Dollarka kor u sii qaaday heshiiski dhexmaray Maraykanka iyo Sucuudiga 1973 (Petro-Dollar Agreement) kaas oo dhigayay in Sucuudigu shidaalkiisa ku iibiyo keliya Dollar .Awoodda uu Sucuudigu ku dhex leeyahay dawladaha shidaalka soo saaro kuwooda ugu xooggan ee ay kulmiso madasha OPEC awgeed ayuu Sucuudigu ku guulaystay in dhammaan dawladaha xubnaha ka ah OPEC ay waddadiisa raacaan oo shidaalkooda ay Dollar keliya ku iibiyaan.

Maraykanku waa deeqbixiyaha caalamka ugu wayn, dabcanna waa dhaqaalaha dunida ugu ballaaran, sidoo kalena waa cududda ciidan ee caalamka ugu wayn. Intaas oo la isu geeyay waxay Maraykanka dhaxalsiiyeen inuu fursad u helo meelmarinta heshiisyo dhaqaale oo uu kaga sadbursado dalalka uu la macaamilo. Tusaale, Ukraine oo muddo dhowr sano ahba dagaal kula jirta Ruushka wuxuu Maraykanku qayb ka ahaa isbahaysiga ku riixay inay dagaalka gasho iyadoo yoolka ugu wayn ee Maraykanku lahaana yahay sidi uu Ukraine uga saxiixan lahaa heshiis dhanka macaadinta ah.

Dhanka kale, Maraykanku waa qaamaysanaha dunida ugu wayn. Qaanta Dawladda Maraykanka lagu leeyahay waxay gaaraysaa ku dhowaad 36 tirilyan oo inteeda badanna ah qaan gudaha laga leeyahay (domestic debt), walow ay qaanta dibadda (foreign debt) lafteedu culus tahay. Japan iyo Shiinaha ayaa ah labada dawladood ee daynta ugu badan ku leh Maraykanka. Haddaba, si Maraykanku u dhimo daymaha lagu leeyahay oo haddii ay sii kordhaan u horseedi kara dhaqaaleburbur iyo in Dollarku lumiyo booska uu ku leeyahay dhaqaalaha caalamiga ah, wuxuu Donald Trump 2-di Abriil u asteeyay inay tahay “maalinta xoroobidda". Maxaa laga xoroobayaa? Sida uu Trump hadalka u dhigay, waxa laga xoroobayo ayaa ah dheelliga ka jira isdhaafsiga ganacsiga (Trade Deficit). Taas oo macnaheedu yahay in waxa ay dunidu u dhoofiso Maraykanka ay qiimo ahaan ka badan yihiin waxa uu isagu u dhoofiyo dunida. Trump ayaa u arkay in xalku yahay canshuur kordhin, isagoo 60 waddan oo dunida ka tirsan duldhigay canshuur heerkeedu kala sarreeyo, halka caalamka intiisa kalena uu duldhigay canshuur heerkeedu yahay 10%. Dawladda yar ee Lesotho la yiraahdo ee faqiirka ah ayaa noqotay khaasirka ugu wayn ee siyaasadda canshuurta cusub ee Trump, iyadoo la duldhigay 50%, halka Shiinaha alaabadiisa la canshuuri doono 34%. Janaayo 20-keedi oo ku beegnayd maalinti caleemasaarka Trump, ayuu Trump goobti uu ka hadlayay ka yiri hadal sidaan ahaa: I always say tarrifs is the most beautiful word to me in the dictionary. Maalintaas wixi ka dambeeyay waxay dunidu isu diyaarinaysay dagaal dhaqaale oo uu Trump shidi doono, isagoo maalmo ka dibna si tijaabo ah seefta u duldhigay Canada, Mexico, iyo Shiinaha.

Su’aashu waxay tahay sidee ayay maamulka Maraykanku u xisaabiyeen canshuuraha kala duwan ee ay saareen dalalka kala duwan? Aan Shiinaha tusaale ka dhiganno. Shiinuhu wixi uu sanadki h**e Maraykanka u dhoofiyay iyo waxa isaga uu Maraykanku u dhoofiyay marka la kala jaro waxaa soo baxaya 295 bilyan oo Dollar, taas oo Shiinaha u ah dheeriga isdhaafsiga dhaqaale (Trade Surplus), halka ay Maraykankana u tahay dheelliga isdhaafsiga dhaqaale (Trade Deficit). Guud ahaan wixi uu Shiinuhu u dhoofiyay Maraykanka sanadki h**e waxay qiimo ahaan ahaayeen 438 bilyan oo Dollar. Labada lambar ayaa isu qaybinayaa (295/438 = 0.68). Lambarka soo baxay ee ah 0.68 ayaa 2 loo sii qaybinayaa (0.68/2 = 0.34) ka dibna waxaa lagu dhufanayaa 100, markaas oo natiijadu ay noqonayso 34%.

Dhaqaalayahannada ayaa iswaydiinaya in canshuur kordhintu xal waara u noqon karto Maraykanka iyo inkale. Waxaa sidoo kale indhaha lagu wada hayaa sida dalalka uu Maraykanku canshuurta saaray ay uga falcelin doonaan siyaasadda Trump.

Ugu dambayn, Maamulka Trump dhowrka arrimood ee hor-tabinta u leh waa: xoojinta Dollarka Maraynka, kordhinta wax-soo-saarka gudaha Maraykanka, iyo yaraynta qaanta Maraykanka.

Qore: Abdulkadir Sh. Hassan

Qoraalkan waa wacyi-dhis guud dhanka dhaqaalaha, sidoo kalena wuxuu si gaar ah ugu socdaa ardayda barata culuumta dhaqaalaha. Fadlan, halkaan ka mention-garee haddii uu jiro arday barta culuumta dhaqaalaha oo aad garanaysid.

04/04/2025

Laamaha kala duwan ee cilmiga siyaabo kala duwan ayay isu saameeyaan, sidoo kale maaddooyinka kala duwanna saamayn ayay isku leeyihiin. Haddaba, waxaad nala wadaagtaa sida ay isu saameeyaan maaddooyinka kala ah:

1) Maths 2) Physics 3) Chemistry iyo 4) Biology

Jumca mubaarak!

02/04/2025

Hadaljeedinti Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Ibraahim Aadam Ibraahim, uu ka jeediyay xafaladdi xiritaanka tartanka Qur'aanka Kariimka Bisha Ramadaan ee Xarunta Daarulfalaax ay qabatay.

كلمة المدير العام لوزارة الشؤون الدينية و الأوقاف، إبراهيم آدم إبراهيم، في حفل اختتام مسابقة القرآن الكريم لشهر رمضان المبارك التي نظمتها مؤسسة رعاية الطّلّاب (دار الفلاح)

Photos from ‎Darul-Falax Center -  مركز دار الفلاح‎'s post 31/03/2025

Sawir xasuus-reeb ah oo ay galeen ardayda Xarunta Daarulfalaax. Waxaa la gaari doonaa xilli ay ardayda maanta noqon doonaan hogaamiyeyaal, macallimin, ganacsato, injineerro, iyo dhaqaatiir. Alllaha barakeeyo camalka wanaagsan!

Taarikhda Sawirka: 28/03/2025

صورة تذكارية لطلّاب مركز دار الفلاح. سيأتي يوم يصبح فيه هؤلاء الطّلبة قادة، و معلّمين، ورجال أعمال، و مهندسين، وأطبّاء.

نسأل الله أن يبارك في هذا العمل الطّيّب!

تاريخ الصورة: 28-03-2025

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Bulohubey, Wadajir, Mogadishu/
Mogadishu
2525