Association of Somali Universities - ASU

Association of Somali Universities - ASU

Share

ASU is a non-profit organization with a vision of promoting collaboration among Somali universities.

Photos from Association of Somali Universities - ASU's post 19/08/2026

HAMBALIYO IYO BOGAADIN
____________________________

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoonka cusub ee loo doortay inay hoggaamiyaan Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir muddada shanta sano ee soo socota (2026–2030).

Si gaar ah, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Guddoomiye Ustaad Cabdiqaadir Maxamed Xasan iyo Guddoomiye Ku-xigeen Ustaad Xuseen Maxamuud Magan.

Ugu dambayn, waxaan qiraynaa in Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir uu yahay urur waxbarasho oo door muhiim ah ka qaata horumarinta iyo isku-xirka bahda waxbarashada dalka. Waxaana Guddoonka cusub u rajaynaynaa guul, horumar joogto ah iyo hoggaan miro-dhal ah Insha Allah.

18/08/2026

Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Dr.Xasan Maxamed Sayid, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Qabashada Bandhiga Somali Higher Education Expo 2026 ( ).

Waxaana rajaynaynaa in dhamaan jamacadaha ay ka qeybgalaan bandhiga Tacliinta Sare ee Soomaaliyeed ee dhici doona 2-3 September 2026. Insha Allah.

Fiiro Gaar ah: Galitaanka beerta banaadir waa lacag la'aan.

-ASU

Photos from Association of Somali Universities - ASU's post 17/08/2026

Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) ayaa kulan la yeeshay hoggaanka Ururka Dhirayn Qaran, oo ay ku mideysan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu hawlan horumarinta deegaanka, dhiraynta goobaha waxbarashada, iyo ilaalinta bilicda iyo nadaafadda deegaannada.
Guddoomiyaha ASU ayaa bogaadiyay dadaalka iyo waddaniyadda ay dhallinyaradani ku horumarinayaan dalkooda, isaga oo ku ammaanay sida ay xilka isaga saareen wax-ka-qabashada arrimaha deegaanka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha ASU wuxuu ugu baaqay hoggaannada jaamacadaha, hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dhallinyaradan, si loo dhiirrigeliyo kaalinta dhallinyarada ee horumarinta dalka iyo ilaalinta deegaanka

07/08/2026

Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) ayaa ka qaybgalay munaasabadda xil-wareejinta Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare. Ururku wuxuu si weyn u soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub Dr. Mohamud Ahmed Jimcaale, isaga oo Guddoomiyihii xilka wareejiyay Dr Abdinur uga mahadceliyay kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaatay horumarinta Guddiga iyo guud ahaan tacliinta sare ee dalka.

Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Hassan Mohamed Sayid, ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal kooban. Waxa uu iftiimiyay kaalinta horumarineed ee jaamacadaha Soomaaliyeed, duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan iyo caqabadaha hortaagan. Waxaa uu Sidoo kale adkeeyay muhiimadda uu Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare u leeyahay tayeynta, nidaaminta iyo horumarinta tacliinta sare ee Soomaaliya.

Photos from Association of Somali Universities - ASU's post 29/07/2026

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) iyo qaar ka mid ah madaxda jaamacadaha dalka ee xubnaha ka ah Ururka Jaamacadaha Bulshada Bariga Afrika (Inter-University Council for East Africa) ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee Jaamacadaha Bariga Afrika, kaas oo soconaya muddo saddex maalmood ah (29–31 Luulyo 2026). Shirkani waxaa ka soo qaybgalay hoggaamiyeyaasha jaamacadaha, cilmibaarayaal, khubarada tacliinta sare ee gobolka iyo daneeyayaasha waxbarashada.

Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta tacliinta sare, xoojinta iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha, kor u qaadista tayada waxbarashada, iyo dhiirrigelinta cilmi-baarista, hal-abuurka, iyo adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah si loo horumariyo waxbarashada sare ee gobolka.

Photos from Association of Somali Universities - ASU's post 26/07/2026

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa booqasho shaqo ku tagay xarumaha kala duwan ee Jaamacadda Al-Imra International University - AIU (25 July 2026).

Wafdiga waxaa si heer sare ah u soo dhaweyay maamulka jaamacadda oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Xasan Cali Maxamed.

Soodhawayn qiima badan kadib, masuuliyiinta Madowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa soo kormeeray habsami u socodka howlaha shaqo iyo waxbarasho ee Jaamacadda.

Gabagabadii booqashada Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Maxamed Sayid ayaa bogaadiyay shaqada qiimaha badan ee Jaamacadda Caalamiga ee Al Cimra ay u hayso bulshada Soomaaliyeed.

23/07/2026

Ururka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Wuxuu soo dhoweynayaa Guddoomiyaha Guddiga Qaran Ee Tacliinta Sare Prof Dr. Maxamuud Axmed Jimcaale.

Waxaan Allah uga baryeeynaa in uu Waafajiyo Talada toosan una fududeeyo gudashada mas’uuliyadda loo idmaday.

Waxaan ku kalsoonahay, in aqoontiisa, Waaya aragnimadiisu waxwayn kusoo kordhin doonto hogaaminta iyo shaqada Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare.

16/07/2026

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar oo loo magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yaasiin waa aqoonyahan dhallinyaro ah oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo la taaban karo oo ku saabsan maamulka iyo maaraynta ganacsiga, xisaabaadka, horumarinta dhaqaalaha, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Maamulka ASU waxay aaminsan yihiin in magacaabistiisu ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhiirrigelin u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta leh, isla markaana muujinaysa in kartida, aqoonta, iyo hufnaantu ay horseedi karaan fursado hoggaamineed oo wax ku ool ah.

Sidoo kale, ASU waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku amaanaysaa sida ay u dhiirrigelinayso ka qaybgalka dhallinyarada aqoonta iyo kartida leh ee hoggaaminta hay'adaha qaranka ee muhiimka ah.

Photos from Association of Somali Universities - ASU's post 15/07/2026

Maamulka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta dhexe ee Jaamacadda Imam Shafi'i University (14 July 2026).

Wafdiga waxaa si heer sare ah u soo dhaweyay maamulka jaamacadda oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Cabdiqaadir Sheekh Ismaaciil Sheekh Maxamed Faarax.

Soodhawayn, maaamuusid iyo isxogwareysi kadib waxay masuuliyiinta Madowga Jaamacadaha Soomaaliyeed soo kormeereen habsami u socodka howlaha waxbarasho, kaabayaasha waxbarashada iyo deegaanka munaasabka ah ee Jaamacadda imaamu Shaafici ay u diyaarisay ardayda Soomaaliyeed, si ay tacliintooda ugu qaataan jawi degan.

Gabagabadii booqashada Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Maxamed Sayid ayaa bogaadiyay shaqada qiimaha badan ee Jaamacadda ay u hayso bulshada Soomaaliyeed.

28/06/2026
Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


KM4
Mogadishu
6390