13/08/2025
Waaxda tababaradda iyo taageerista ardayda dugsiyadda ee Ururka Tababaradda Ardayda Soomaaliyeed ee SOSTA, waxa ay hambalyo iyo duco u dirayaa, Ismaaciil Xasan Ismaaciil (Hon Isma) oo noqday ardayga ugu dhibcaha sareeya Dugsiga H/Dh ee Mustaqbal Kismaayo.
Waaxdu waxa kale oo ay hambalyo hawada u marineysaa maamulaha Dugsiga Ustaad Liibaan Garaad, oo ay ku amaaneyso dadaalka, dhiirigelinta, awood siinta ardayda iyo ababinta toosan oo ay ku jirto dal jaceylka, xoojinta xiriirka macalinka iyo ardayga, kan waalidka iyo ardaydaba kale intaba.
Waaxdu waxa ay si guud ugu hambalyeyneysaa ardayda dugsiga, macalimiinta iyo dhamaan waalidiinta ardayda.
Waaxdu waxa ay dhiirigelineysaa garabsiinta ardayda, taageerista dhiiranaantooda, abuurista xiriir wanaagsan oo dhexmara maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta.
Waaxdu waxa ay ardayda dugsiga, maamulka, macalimiinta iyo waalidkaba u rajeyneysaa sanad dugsiyeed faraxd, isku duubni iyo guulo leh.
Hambalyo markale.
.