05/08/2026
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta waxaa booqasho ku yimid Wafdi ka Socday Hay'adaha DT Global iyo SDC.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta xarunta Akademiyada ku soo dhaweeyay wafdi kakala socday hay'adaha DT-Global iyo Swiss Agency for Development and Cooperation (SDC) oo lagu kala magacaabo Emmo Odondo iyo Bihawa.
Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay booqashada iyo xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya Akademiyada iyo hay'adaha caalamiga ah ee maanta booqashada ku yimid xarunta Akademiyada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, horumarinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, ilaalinta hidaha iyo kobcinta barnaamijyada taageeraya nabadda, horumarka bulshada iyo dhaqanka.
Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil ayaa carrabka ku adkeeyay in Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaantu ay soo dhoweynayso iskaashi kasta oo gacan ka geysanaya horumarinta aqoonta, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo adkaynaysa doorkeeda ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta dhaxalka Ummadda Soomaaliyeed.
DHAMMAD
XAFIISKA WARBAAHINTA AKADEMIYADA
04/08/2026
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shir-howleedkii wax-soo-saarka Guddiga Af-Soomaaliga, kaas oo socday muddo afar maalmood ah.
Munaasabadda xiritaanka waxaa sidoo kale ka hadlay Xoghayaha Guddiga Af-Soomaaliga iyo xubnaha guddiga, iyagoo soo bandhigay waxqabadka iyo natiijooyinkii ka soo baxay shirka iyo muhiimadda ay leedahay horumarinta, ilaalinta iyo kobcinta Af-Soomaaliga.
Shir-howleedkan afarta maalmood qaatay ayaa ahaa madal lagu falanqeeyay laguna hormariyay hawlaha la xiriira Af-Soomaaliga, iyadoo la isweydaarsaday fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo qorshayaasha mustaqbalka.
Akademiyadu waxa ay sii wadaysaa dadaalladeeda ku aaddan horumarinta Cilmiga, Dhaqanka, Suugaanta iyo Af-Soomaaliga.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadwaynaha ee Akadimiyada
03/08/2026
Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maalintii saddaxaad waxaa ka socda Shirweynaha Guddiga af Soomaaliga oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha Akademiyada, islamarkaana ah Guddoomiyaha Guddiga AfSoomaaliga Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.
Kulankan oo looga hadlayay hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Guddiga af Soomaaliga ayaa maanta waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane Axmed Maxamed Gacal isagoo maanta kulahaa soojeedin kusaabsan lahjadaha iyo sida ay usameysmaan.
Guddoomiye Ismaacil ayaa umahadceliyay agaasime Gacal oo maanta soojeedinta kulahaa shirweynaha Guddiga af Soomaaliga, isagoo carrabka ku adkeeyay in soojeedinta ay aad uga faa’ideysteen xubnaha Guddiga af Soomaaligu.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga af Soomaaliga ee shirku u socda inay sii labajibbaaraan hawlaha mhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
02/08/2026
Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanyaa maalintii labaad waxaa ka socda Shirweynaha Guddiga af Soomaaliga oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha Akademiyada, islamarkaana ah Guddoomiyaha Guddiga af Soomaaliga Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.
Kulankan oo looga hadlayay hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Guddiga af Soomaaliga ayaa manta waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Faysal Axmed Cabdulle iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifitaax Axmed Abuubakar oo iyagu maanta kulahaa soojeedinno muhiim ah.
Guddoomiye Ismaacil ayaa umahadceliyay labada agaasime ee maanta soojeedinta kulahaa shirweynaha Guddiga af Soomaaliga, isagoo carrabka ku adkeeyay in soojeedintooda ay aad uga faa’ideysteen xubnaha Guddiga af Soomaaligu.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Af Soomaaliga ee shirka usocda inay sii labajibbaaraan hawlaha mhiimka ay hayaan bulshada Soonaaliyeed.
DHAMMMAD
XAFIISKA WARBAAHINTA Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
01/08/2026
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga af Soomaaliga, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa maanta daahfuray shirweynaha Guddiga af Soomaaliga ee Akademiyada.
Kulankan oo looga hadlayay hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Guddiga Af Soomaaliga ayaa Guddoomiye Ismaacil waxa uu sheegay in guddigu ay shaqa muhiim ah u hayaan bulshada Soomaaliyeed, haddii ay ahaan lahayd soo saaridda ereybixinnada iyo hawlaha la xariira qaamuuseynta.
Xoghaya Guddiga Mudane Axmed Cabdi Axmed ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan waxa u qabsoomay guddiga laga soo billaabo maalintii la aasasay illaa iyo xilligan la taagan yahay.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ku bogaadiyay xubnaha Guddiga af Soomaaliga dardargelinta hawlaha qaran ee horyaalla, isaga oo kula dardaarmay in ay labajibbaaraan dadaalkooda, shirkana uu noqdo mid miradhala.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
31/07/2026
TACSI TIIRAANYO LEH
Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun!
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed mudane Ismail Yusuf Osman oo ku hadlaya magaca Akademiyada wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, ehelladii, bahda fanka iyo dhammaan asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Hoobaal Axmed Cali Cigaal, oo ka mid ahaa tiirarkii fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Naxariistii Janno Eebbe ha ka waraabiyee Axmed Cali Cigaal wuxuu 1900 iyo-dhowr iyo afartankii ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolla Doollo, wuxuuna fanka ku biiray isagoo da' yar sannadkii 1967-dii.
Intii uu ku jiray mihnadda fanka, wuxuu noqday hal-abuur dhinacyo badan ku suntan; heesaa, mullaxan, jilaa, muusikiiste iyo dhaqanyaqaan, muddo dheer kana mid ah hobolladii Waaberi ee sumcadda iyo qiimaha fanka Soomaaliyeed daafaha dunida gaarsiiyay.
Cigaal wuxuu door laxaad leh ku lahaa horumarinta fanka, kobcinta suugaanta iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna innooga tegay dhaxal faneed iyo taariikh ay jiilasha dambe dhaxli doonaan.
Marxuumku wuxuu lahaa hibo dabiici ah oo isugu jirta cod, laxan, jilitaan, kaftan iyo sheeko-wadaag.
Sido kale waxaa xusid iyo xusuus mudan, akhlaaqdii, dhawrsanaantii, waddaniyaddii, dadjacaylkii iyo kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa ilaalinta, kobcinta iyo gudbinta hiddaha iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Akademiyada oo ka tiiraanyayssn geerida marxuumka ayaa hadalkiisii ku soo gunaanaday "Geerida Axmed Cali Cigaal waa tiir ka mid ah tiirarkii ugu culuslaa ee ka duma duud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka, suugaanta iyo dhaqanka; Hasayeeshee, hal-abuurkii, suugaantii iyo saamayntii uu bulshada ku lahaayi 'waa dhaxal ummadeed oo jiilba jiil u gudbin doono."
Alle SWT waxaynu uga baryi, in uu marxuumka ku casuumo Jannatul Firdowsa, qabriga u waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelladii, bahda fanka iyo dhaqanka iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed."
Xafiiska warbaahinta Akademiyada.
28/07/2026
Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta waxaa booqasho ku timid Mas'uul ka socota Hay'adda DT-Global oo lagu magacaabo Mss Emma Odundo waxaana xarunta kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa ugu horreyn mas'uulkan warbixin kasiiyay hawlaha ka socda Akademiyada , isaga oo uga mahadceliyay booqashadeeda ay ku timid Akademiyada.
Mss Emma ayaa dhankeeda ka mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay waxa ayna sheegtay in Akademiyada ay ka socoto hawlo muhiim ah oo xusid mudan in si gaar ah looga mahadceliyo guddoomiye Ismaaciil iyo hawlwadeenada Akademiyada, waxa ayna ku celcelisay in Hay'adda DT-Global ay diyaar u tahay la shaqeynta Akademiyada.
Xafiiska Warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
26/07/2026
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga af Soomaaliga, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ayaa maanta shirguddoomiyay kulan ay lahaayeen Guddiga af Soomaaliga ee Akademiyada.
Kulanka ayaa looga hadlayay u diyaar garowga shirwaynaha guud ee Guddiga af Soomaaliga si loo dardargeliyo hawlaha horyaalla Guddiga af Soomaaliga.
Xoghaya Guddiga Mudane Axmed Cabdi Axmed ayaa sheegay in meel fiican ay mareyso hawlaha la xariira shirkaas iyo qaabka uu u dhacayo
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ku bogaadiyay xubnaha Guddiga af Soomaaliga dardargelinta hawlaha qaran ee horyaalla, isaga oo kula dardaarmay in ay labajibbaaraan dadaalkooda, shirkaasina uu noqdo mid miradhala.
— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta
26/07/2026
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa maanta Shir-guddoomiyey shirka waxqabadka Waaxyaha Akademiyada.
Shirkaas oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan agaasime waaxeeyada Akademiyada ayaa waxaa maanta marti ku ahayd waaxda Keydka iyo Wax-soosaarka
Ugu horreyn Agaasimaha waaxda Keydka iyo Waxsoosaarka Mudane Cabdulqaadir Maxmed Cali ayaa halkaasi waxa uu kasoo jeediyay waxqabadka waaxda saddaxdii bilood ee lasoo dhaafay.
Shirka Waxaa goobjoog ahaa Madax qeybeedyada waaxda Keydka iyo Waxsoosaarka iyo Agaasime waaxeedyada Akademiyada, iyaga oo si aad ula socday soojeedinta waaxdaasi.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa uga mahadceliyay waaxda Keydka iyo Wax-soosaarka dadaalkooda ku aaddan soojeedinta ay sameeyeen, isaga oo carrabka ku adkeeyay in waax kasta iyo dhammaan hawlwadeennada Akademiyada laga rabo inay sii laba jibbaaraan dadaaladooda ku aadan inay sameeyaan soo jeedinnada waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed , islamarkaana waxa uu sheegay islaxisaabtanka waaxyaha Akademiyada ay si joogta ah usocon doonaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta
22/07/2026
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta , Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA iyo Hay'adda isgaarsiinta qaranka ayaa Magaalada Muqdisho kusoo gabagabeeyay Ereybixintii Amniga Sayberka (Cybersecurity).
Maareeyaha Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yaasiin Sheekh , xubno ka tirsan labada Akademiyo ayaa ka qaybgalay fadhigii maanta ee lagu soo gunaanadayay errybixintaas.
Maareeyaha hay'adda isgaarsiinta qaranka ayaa u mahadceliyay labada Akademiyo iyo xubnihii kasocday hay'adda isgaarsiinta qaranka oo muddo laba bil ku hawlanaa inay diyaariyaan eraybixino ku saabsan amniga sayberka isaga oo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in ereyada tiknoolajiyadda loo adeegsado afka hooyo, si loo fududeeyo fahamkooda.
Guddiyadii ka kala socday labada Akademiye & aqoonyahanno matalayay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen hawshaan oo ah mid muhiimad gaar ah ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XARIIRKA DADWEYNAHA EE AKADEMIYADA