Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA

Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA

Share

The Official Page of Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA

12/08/2026

MAALINTA CAALAMIGA AH EE DHALINYARADA ADUNKA. (World Youth Day, August 12).

Guddoomiyaha Ururka Ardayda Kulliyadda Culuumta Maamulka ee Jaamacadda SIMAD (FMSSA), Mudane Abdirizak Abukar Geddi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dhalinyarada caalamka, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin horumarka bulshada, isaga oo tilmaamay in dhalinyaradu yihiin awoodda ugu muhiimsan ee horseedi karta hal-abuur, hoggaan wanaagsan, aqoon iyo isbeddel waara.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho iyo horumarineed, kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, isla markaana si masuuliyad leh uga qayb qaataan dhismaha mustaqbalka dalka.

“Dhalinyaradu waa awoodda maanta iyo rajada mustaqbalka.”

FMSSA waxay dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka u rajaynaysaa Maalin Caalami ah oo Dhalinyaro oo wanaagsan.

Photos from Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA's post 11/08/2026

FROM STRATEGY TO EX*****ON: MASTERING LOGISTICS & SUPPLY CHAIN MANAGEMENT

Shalay galab, 10 August 2026, FMSSA waxay si guul leh u qabatay seminar muhiim ah oo ku saabsanaa Logistics & Supply Chain Management, kaas oo lagu qabtay SIMAD Town Campus.

Seminar-ku wuxuu xoogga saaray sida istaraatiijiyadda loogu beddelo ficil iyo natiijo, iyadoo laga hadlay qorsheynta, hufnaanta hawlaha, go’aan-qaadashada iyo maaraynta caqabadaha Supply Chain.

Ujeeddadu waxay ahayd in ardayda lagu xoojiyo aqoon iyo faham la xiriira sida Logistics & Supply Chain loogu dabaqo xaaladaha dhabta ah ee shaqada iyo ganacsiga.

Mahadnaq dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo cid kasta oo gacan ka geysatay guusha seminar-kan.

FMSSA — Empowering Students Through Knowledge & Professional Development.

08/08/2026

SEMINAR ANNOUNCEMENT!

Ma rabtaa inaad si qoto dheer u fahanto Logistics & Supply Chain Management iyo sida istaraatiijiyad wanaagsan loogu beddelo fulin wax-ku-ool ah?

Waxaan kugu casuumaynaa inaad nagala soo qaybgasho seminar-ka:

From Strategy to Ex*****on: Mastering Logistics and Supply Chain Management.

Seminar-kan wuxuu noqon doonaa fursad aad ku kasban karto aqoon, khibrad iyo faham dhab ah oo ku saabsan dunida Logistics iyo Supply Chain Management.
Speaker:
ISSE HAJI NOR
Logistics Expert | Supply Chain Specialist

Taariikh: 10 August 2026
Goobta: SIMAD Town Campus

Ha seegin fursaddan!
Kaalay, wax ka baro khabiir ku xeel dheer Logistics & Supply Chain, isla markaana qayb ka noqo khibrad aqooneed oo qiimo leh.

Join 👇
https://chat.whatsapp.com/JkJxwop4GylEK9ySEBqURk?s=cl&p=a&ilr=1

Waan idin sugaynaa!

20/07/2026

Midowga Ardayda Kuliyadda Culuumta Maamulka ee Jaamacadda SIMAD (FMSSA) Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa furitaanka codsiyada xubinnimada Kooxda Warbaahinta FMSSA 2026.

Haddii aad leedahay hibo, hal-abuur, iyo xiise ku aaddan warbaahinta, sawir-qaadista, duubista iyo tafatirka muuqaalada, naqshadeynta garaafyada, curinta nuxurka (Content Creating), cod-duubista, ama maamulka baraha bulshada, tani waa fursad qiimo leh oo aad ku kobcin karto xirfadahaaga isla markaana aad uga qayb qaadan karto horumarinta hawlaha iyo sumcadda Kuliyadda Culuumta Maamulka.

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan ardayda leh karti, masuuliyad, iyo ruux iskaashi inay codsadaan fursaddan, si ay uga mid noqdaan koox u heellan soo bandhigista guulaha, dhacdooyinka, iyo dadaallada tacliimeed ee Kuliyadda.

Noqo codka, muuqaalka, iyo hal-abuurka FMSSA. Ku soo biir Kooxda Warbaahinta maanta, kana qayb qaado dhismaha bulsho aqooneed oo firfircoon.

📧Email:[email protected]

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfA4PuffbU3jxXAh_cCgM1d-_DqLhBTcAY4mrbVILeMXwMxtA/viewform?usp=dialog

Photos from Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA's post 30/06/2026

DOOD CILMIYEEDKA FMSSA 2026 🏆

Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobay Tartanka Dood Cilmiyeedka FMSSA 2026, iyadoo class-ka BBA28-A ay ku guuleysatay koobka kaddib bandhig aqooneed, dood adag, iyo karti ay ku mutaysatay kaalinta koowaad.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan class-ka BBA28-A guushan qiimaha badan, oo muujinaysa dadaal, wadajir, iyo heer aqooneed sare.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan galaasyadii ka qaybgalay tartanka, guddiga garsoorka, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta Dood Cilmiyeedka FMSSA 2026.

Aqoontu waa furaha guusha, doodduna waa madasha fikirka iyo hal-abuurka.🎓

HAMBALYO BBA28-A – HORYAALKA DOOD CILMIYEEDKA FMSSA 2026!🥇

29/06/2026

DOOD CILMIYEEDKA FMSSA 2026.🏆

Kadib tartan ay ku dheehan tahay aqoon, fikir qoto dheer, iyo awoodda hadal-jeedinta, Dood Cilmiyeedka FMSSA waxuu gaaray heerkii ugu dambeeyay ee Final-ka ah.

Tartamayaashu waxay soo mareen safar adag oo ay ku muujiyeen kartidooda aqooneed iyo xirfadaha doodda, kuwaas oo ah tiirarka hoggaaminta, hal-abuurka, iyo horumarka ardayda.

FINAL:
BBA28-B 🆚 BPL10

Yaa noqon doona Horyaalka Dood Cilmiyeedka FMSSA 2026?

The stage is set. Let the battle of minds begin!

Photos from Faculty of Management Science Students' Association - FMSSA's post 26/06/2026

Waxaa maalin-nimadii shalay (25/06/2026) si guul leh inoogu qabsoomay Seminar cinwaankiisu ahaa “From Idea To Empire: Building a Successful Business in the Digital Era.”

Seminar-kan oo ahaa mid aqoon kororsi iyo dhiirrigelin leh ayaa diiradda lagu saaray sidii fikrad ganacsi loogu beddeli lahaa shirkad guuleysata, doorka hal-abuurka iyo hoggaamintu ku leeyihiin kobaca ganacsiga, iyo sida looga faa'iideysan karo fursadaha ay bixiso dunida casriga ah ee dhijitaalka ah.

Ka qaybgalayaashu waxay ka faa'iideysteen aqoon iyo waayo-aragnimo qiimo leh oo ku saabsan horumarinta ganacsiga, dhismaha sumcad ganacsi, hal-abuurka, iyo istaraatiijiyadaha lagu kobcin karo ganacsi waara oo guuleysta.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Mr. Majid Hussein, aasaasaha iyo madaxa Shirkadda Cilmibaarista iyo Latalinta ee Sahal, oo ahaa soo-jeediyihii seminar-ka, kana qeyb qaatay la wadaagista aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah. Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qaybgalayaashii iyo marti-sharaftii nagu soo biirtay, kuwaas oo door weyn ka qaatay guusha barnaamijkan.

FMSSA Empowering Future Leaders.

25/06/2026

Midowga Ardayda Kuliyadda Culuumta Maamulka ee Jaamacada Simad ( FMSSA ) waxay si sharaf leh u soo dhaweynaysaa marti-sharafta gaarka ah Mr. Majid Hussein Abubakar, oo ah Founder & CEO of SRC, isla markaana ah cilmi-baare iyo lataliye khibrad leh.

📅 Taariikh: 25 June 2026
📍 Goobta: SIMAD University – Town Campus
🕒 Waqtiga: 3:00 PM

Ha seegin fursaddan qiimaha badan ee aad kaga faa’iidaysan karto aqoon, dhiirrigelin, iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ku saabsan dhismaha ganacsi guuleysta.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu