27/05/2026
Ciid Wanaagsan ๐โจ
Dugsiga Hoyga Xamar waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan waalidiinta sharafta leh iyo ubadka qiimaha badan ee dugsiga munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adha.
Alle ha idiinkaga dhigo sanadkaan sanadkiisa kale mid aad ku gaartaan caafimaad, farxad, guul iyo barwaaqo. Ciiddu ha idiin noqoto mid kheyr iyo kheyr badan xambaarsan.
Hambalyo Dhammaan Walidiinta iyo Ubadka Dugsiga Hoyga Xamar.
13/05/2026
Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegneyd 13/05/2026, waxaa hoolka Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo loogu talagalay Ardayda Fasalka 12-aad, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan muhiimka ah waxaa ka qeyb galay Ardayda Dugsiga Hoyga Xamar, kuwaas oo si weyn uga faaโiideystay casharro iyo talooyin la xiriira mustaqbalkooda waxbarasho, diyaar garowga imtixaanaadka, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka dalka.
Masโuuliyiintii iyo aqoonyahannadii madasha ka hadlay ayaa ardayda ku dhiirrigeliyay:
1. In ay laba jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho.
2. In ay ka fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara mustaqbalkooda.
3. In ay yeeshaan anshax, himilo iyo waddaniyad.
Maamulka Dugsiga HOYGA XAMAR ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda qabanqaabada kulankan wacyigelinta ah, iyagoo sheegay in kulamadan ay muhiim u yihiin kobcinta aqoonta iyo dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed.
09/05/2026
"๐ด๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐; ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐
๐, ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐
๐๐๐๐๐"
09/05/2026
https://educationinsomalia.so/858-2
Best School in Mogadishu, Somalia
Hamar Boarding School (Dugsiga Hoyga Xamar): A Beacon of Education in Mogadishu Introduction Founded in 1999, Hamar Boarding School (Dugsiga Hoyga Xamar), is one of the leading educational institutions in Mogadishu, Somalia. Known for its comprehensive academic programs, Islamic studies, and modern....
04/05/2026
๐๐๐๐ ๐๐๐๐ โ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐
Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday kulan xiiso leh oo ka tirsanaa tartanka ROYAL SCHOOLโS CUP, kaas oo dhex maray:
๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฟ ๐๐ผ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ถ๐ป๐ด ๐ฆ๐ฐ๐ต๐ผ๐ผ๐น ๐ต โ ๐ฐ ๐ ๐ฎโ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ผ๐ฑ๐ฒ๐น ๐ฆ๐ฐ๐ต๐ผ๐ผ๐น
Ciyaartoyda Hamar Boarding School waxay muujiyeen karti sare, isku xirnaan iyo dadaal muuqda oo horseeday guushan taariikhiga ah.
Dhanka kale, ๐ ๐ฎโ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ผ๐ฑ๐ฒ๐น ๐ฆ๐ฐ๐ต๐ผ๐ผ๐น waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo mudan in la bogaadiyo.
Guushan waxay caddeyn u tahay horumarka joogtada ah ee ardayda iyo tayada tababarka ee ๐๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฟ ๐๐ผ๐ฎ๐ฟ๐ฑ๐ถ๐ป๐ด ๐ฆ๐ฐ๐ต๐ผ๐ผ๐น.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ciyaartoyda, macallimiinta iyo taageerayaasha doorka weyn ka qaatay guushan.
23/03/2026
Dhamaan Waalidiinta iyo Ardayda Dugsiyada HOYGA XAMAR waxa Lagu wargalinaya in Barri oo Talaado ah 24-March-2026 ay bilaaban donto waxbarashada Dugsiga.