13/05/2026
Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegneyd 13/05/2026, waxaa hoolka Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo loogu talagalay Ardayda Fasalka 12-aad, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan muhiimka ah waxaa ka qeyb galay Ardayda Dugsiga Hoyga Xamar, kuwaas oo si weyn uga faaโiideystay casharro iyo talooyin la xiriira mustaqbalkooda waxbarasho, diyaar garowga imtixaanaadka, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka dalka.
Masโuuliyiintii iyo aqoonyahannadii madasha ka hadlay ayaa ardayda ku dhiirrigeliyay:
1. In ay laba jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho.
2. In ay ka fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara mustaqbalkooda.
3. In ay yeeshaan anshax, himilo iyo waddaniyad.
Maamulka Dugsiga HOYGA XAMAR ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda qabanqaabada kulankan wacyigelinta ah, iyagoo sheegay in kulamadan ay muhiim u yihiin kobcinta aqoonta iyo dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed.