Imamu Zeylici School

Imamu Zeylici School

Share

waxbarta aan barwaaqo gaarnee . Umaddii waxbarata horumar bay gaartaa .

05/05/2026

Maanta iskuulka waa fasax Roobka Awgiis !!!
Subax iyo Galab

03/05/2026

๐ŸŽ‰๐Ÿ† ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐Ÿ†๐ŸŽ‰

Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in aan hambalyo u dirno maamulka, macallimiinta iyo ardayda Iskuulka Imaamu-Zeylici oo maanta guul qurux badan ka gaaray tartan aqooneedka kedis ee ay ku mideysan yihiin iskuullada kala ah: Imaamu-Zeylici, Rabiicul Ahli iyo Aflax. ๐Ÿ“šโœจ

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š:
๐Ÿฅ‡ ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ-๐™๐ž๐ฒ๐ฅ๐ข๐œ๐ข โ€” 10 ๐๐ก๐ข๐›๐œ๐จ๐จ๐
๐Ÿฅˆ Rabiicul-Ahli โ€” 6 ๐๐ก๐ข๐›๐œ๐จ๐จ๐

Guushan waxay caddeyneysaa dadaalka, kartida iyo heerka aqooneed ee ardayda Imaamu-Zeylici.

Waxaan idiin rajaynaynaa guulo kale oo waaweyn mustaqbalka Insha Allah. ๐ŸŒŸ

๐Ÿ‘ Hambalyo halyeeyada Imaamu-Zeylici!๐ŸŽŠ

๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฅ๐›๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐๐๐š๐š!
๐Ÿ˜„๐ŸŽ‰ ๐„๐ง๐ฃ๐จ๐ฒ ๐ญ๐ก๐ž ๐•๐ข๐œ๐ญ๐จ๐ซ๐ฒ ๐‚๐ก๐š๐ฆ๐ฉ๐ข๐จ๐ง๐ฌ! ๐ŸŽ‰๐Ÿ˜„

Photos from Imamu Zeylici School's post 28/04/2026

๐ŸŽ‰๐Ÿ† ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž ๐Ÿ†๐ŸŽ‰

Waxaa farxad iyo sharaf weyn noo ah in aan hambalyo u dirno maamulka, macallimiinta iyo ardayda Iskuulka Imaamu-Zeylici oo maanta guul qurux badan ka gaaray tartan aqooneedka kedis ee ay ku mideysan yihiin iskuullada kala ah: Imaamu-Zeylici, Rabiicul Ahli iyo Aflax. ๐Ÿ“šโœจ

๐๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š:
๐Ÿฅ‡ ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ-๐™๐ž๐ฒ๐ฅ๐ข๐œ๐ข โ€” ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐๐ก๐ข๐›๐œ๐จ๐จ๐
๐Ÿฅˆ ๐€๐Ÿ๐ฅ๐š๐ฑ โ€” 6 ๐๐ก๐ข๐›๐œ๐จ๐จ๐

Guushan waxay caddeyneysaa dadaalka, kartida iyo heerka aqooneed ee ardayda Imaamu-Zeylici.

Waxaan idiin rajaynaynaa guulo kale oo waaweyn mustaqbalka Insha Allah. ๐ŸŒŸ

๐Ÿ‘ Hambalyo halyeeyada Imaamu-Zeylici!๐ŸŽŠ

๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฅ๐›๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐š๐ฒ๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐๐๐š๐š!
๐Ÿ˜„๐ŸŽ‰ ๐„๐ง๐ฃ๐จ๐ฒ ๐ญ๐ก๐ž ๐•๐ข๐œ๐ญ๐จ๐ซ๐ฒ ๐‚๐ก๐š๐ฆ๐ฉ๐ข๐จ๐ง๐ฌ! ๐ŸŽ‰๐Ÿ˜„

26/03/2026

Ku socoto ardayda fasalka 8aad 2025/2026 ee Gobolka Banaadir.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir waxa uu shaaciyey xilliga ardayda fasalla 8aad ee Gobolka Banaadir ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadada Dugsiga Dhexe.

Imtixaanka oo socon doona muddo afar maalmood ah waxaa la qaadi doonaa hadduu Alle idmo inta u dhaxaysa 15-06-2026 - 18-06-2026.

Nala socda halkaan waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa duruus la xiriirta guusha Imtixaanka iyo dhisidda mustaqbalkaaga.

Photos from Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir's post 26/03/2026

Udiyaar garow wacan bahda Imamu Zeylici School waqtiga Imtixaanka fasalka 8 aad sanad dugsiyeedka 2025/206 waxaa la geli doonnaa laga bilaabo 15/6/2026 waxa uuna socon doonnaa ilaa laga gaaraayo 18/6/2026 in.a

Photos from Imamu Zeylici School's post 23/03/2026

๐—”๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ถ๐˜€ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—๐—ถ๐—บ๐—ฐ๐—ผ โ€“ ๐—ค๐—ฒ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—œ๐˜€๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚ ๐—ญ๐—ฒ๐˜†๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ถ.

Aqoontu waa iftiinka nolosha, waana hubka ugu weyn ee lagu gaaro guusha iyo horumarka. Maanta, waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa ardayda dadaalka badan ee Khamiista iyo Jimcaha ee qeybta 2aad ee Iskuulka Imaamu Zeylici, kuwaas oo ku guuleystay kaalmaha h**e tartanka aqooneed iyo dadaalka waxbarasho.

Guushan ma aha mid si sahlan lagu gaaray, balse waa mid ka dhalatay dadaal joogto ah, hurdo laโ€™aan, akhris badan, iyo dulqaad. Ardaydan waxay tusaale u yihiin dhammaan ardayda kale, iyagoo muujiyay in qofkii dadaala uu gaari karo meel sare.

Abaalmarintani ma aha oo kaliya shahaado ama hadiyad la bixiyo, balse waa dhiirrigelin iyo farriin cad oo ku wajahan arday kasta: โ€œHaddii aad dadaasho, adiguna waad guuleysan kartaa.โ€ Waa tallaabo kor u qaadaysa kalsoonida ardayda, kuna dhiirrigelinaysa inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa macallimiinta iyo maamulka Iskuulka Imaamu Zeylici, kuwaas oo mar walba garab istaaga ardayda, kuna hogaamiya waddada saxda ah ee aqoonta iyo akhlaaqda suuban. Iyaga laโ€™aantood, guulahan ma suurto galeen.

Ugu dambeyn, ardayda kaalmaha h**e gashay waxaan leenahay: sii wada dadaalka, hana ku ekaan guushan. Ardayda kale waxaan ku dhiirrigelinaynaa inay ku daydaan walaalahood, oo ay ka shaqeeyaan riyadooda.

๐™‚๐™ช๐™ช๐™จ๐™๐™ช ๐™ฌ๐™–๐™– ๐™ข๐™ž๐™™ ๐™ช ๐™›๐™ช๐™ง๐™–๐™ฃ ๐™ฆ๐™ค๐™› ๐™ ๐™–๐™จ๐™ฉ๐™– ๐™ค๐™ค ๐™™๐™–๐™™๐™–๐™–๐™ก๐™–!

Admin: Hassan Abdirizak

19/03/2026

Maamulka Imamu Zeylici School waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo guud ahaan ummadda Muslimka ah munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fitri. ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐˜‚๐—น-๐—™๐—ถ๐˜๐—ฟ๐—ถ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—ณ๐—ฎ๐—ฟ๐˜…๐—ฎ๐—ฑ, ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ป๐—ฎ๐—พ ๐—”๐—น๐—น๐—ฒ ๐—ฆ๐—ช๐—ง, ๐—ธ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—น๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐˜‚๐˜๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฏ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฅ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป.

Bisha Ramadaan waxay ahayd waqti aynu ku barannay samirka, cibaadada iyo isxakameynta, taas oo muhiim u ah horumarka qofka iyo bulshada. Sidaa darteed, maamulka iskuulku wuxuu ardayda ku dhiirrigelinayaa inay sii wataan akhlaaqdii wanaagsanayd iyo dadaalkii ay muujiyeen bisha Ramadaan, si ay u noqdaan arday ku dayasho mudan oo leh anshax iyo aqoon isku dheelitiran.

Maalinta Ciidda waa fursad qaali ah oo lagu xoojiyo xiriirka qoyska, qaraabada iyo bulshada. Waa maalin lagu farxo, laguna caawiyo dadka baahan, iyadoo la bixinayo zakada fitriga si loo hubiyo in farxadda Ciiddu ay gaarto qof walba. Maamulka iskuulku wuxuu ardayda ku boorinayaa inay muujiyaan naxariis, ixtiraam iyo wadajir, maadaama ay yihiin jiilka mustaqbalka ee bulshada.

Ugu dambayn, maamulka Iskuulka Imaamu Zeylici wuxuu rajeynayaa in Ciiddan ay noqoto mid kheyr iyo barako u keenta dhammaan. Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu naga aqbalo cibaadadeennii, kana dhigo kuwii ku guuleysta ajarka iyo dambidhaafka.

Ciid Mubaarak dhammaantiin! ๐ŸŒ™

Admin: Hassan Abdirizak

27/02/2026

๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฅ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ถ, ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜… ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ป. ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐˜† ๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ž๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ง๐—ฉ, ๐—ธ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ, ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ฟ๐—ฎ๐˜… ๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐˜‚ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป.

๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฐ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚ ๐—ญ๐—ฒ๐˜†๐—น๐—ถ๐—ฐ๐—ถ, ๐—ผ๐—ผ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป, ๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—พ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด, ๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐˜€ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜…๐˜‚๐˜€๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ฑ, ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป. ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐˜๐˜‚๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ผ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ป๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฐ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐˜€ ๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ป ๐—น๐—ฎ ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ผ.

๐—ž๐˜‚ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ, ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐˜„ ๐—ฏ๐˜‚๐˜‚๐˜…๐—ฎ. ๐—ซ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐˜‚๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐—ป ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ต๐˜‚ ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚ ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ป๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฏ, ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ฒ ๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚ ๐˜๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐˜‚๐—ฐ๐—ผ. ๐—›๐—ฎ ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ ๐—ท๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ป๐—ฎ, ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜€ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ถ๐—ป๐—ฎโ€”๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฎ๐—ธ๐—ต๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ฎ.

๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ด๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ผ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐—ฟ๐—ฎ๐—ท๐—ฎ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ฎ.
๐—ก๐—ผ๐—พ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜„๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ธ๐—ต ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฅ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป!

Admin: Hassan Abdirizak

17/02/2026

Hambalyo marka h**e ardayda sharafta leh ee Iskuulka Imaamu Zeylici ๐Ÿ‘

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ah in Iskuulkeennu ka mid noqdo dugsiyada ka qeyb galaya ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐…๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Ÿ–๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐Š๐€๐‹๐’๐€๐ ๐“๐•.

Maanta ma aha maalin caadi ah, waa maalin muujinaysa ๐˜ฟ๐™–๐™™๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™ž๐™ž, ๐™Ÿ๐™ช๐™๐™™๐™ž๐™œ๐™ž๐™ž ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™๐™–๐™ข๐™ž๐™œ๐™ž๐™ž ๐™–๐™–๐™™ ๐™ข๐™ช๐™™๐™™๐™–๐™™๐™– ๐™™๐™๐™š๐™š๐™ง ๐™จ๐™ค๐™ค ๐™ฌ๐™–๐™™๐™™๐™š๐™š๐™ฃ.

Tartanku ma aha oo keliya suโ€™aalo iyo jawaabo, waa imtixaan lagu cabbirayo Aqoonta, kalsoonida iyo wadajirka ardayda.Ardayda ๐‘ฐ๐’”๐’Œ๐’–๐’–๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ฐ๐’Ž๐’‚๐’‚๐’Ž๐’– ๐’๐’†๐’š๐’๐’Š๐’„๐’Š, waxaad tihiin mustaqbalkii qaranka.

Tartankan wuxuu idiin yahay fursad aad ku muujisaan ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ, ๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜…๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜‚ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†.

Ha ka baqinna tartanka u arka inuu yahay tallaabo kale oo guul loo qaaday.

๐‘ฟ๐’–๐’”๐’–๐’–๐’”๐’•๐’‚ ๐’”๐’‚๐’…๐’…๐’†๐’™ ๐’’๐’๐’…๐’๐’ƒ ๐’๐’ ๐’Ž๐’–๐’‰๐’Š๐’Š๐’Ž ๐’‚๐’‰

๐Ÿญ.๐—ž๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ โ€“ ๐—ก๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜†.
๐Ÿฎ.๐—œ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ, ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜„๐—ผ๐—ผ๐—ฑ.
๐Ÿฏ.๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป โ€“ ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐˜… ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ณ๐—ฒ๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐˜๐—ฎ.

Guushu ma aha oo keliya koob la qaado, balse waa khibrad, geesinimo iyo magac wanaagsan oo aad u soo hoysaan iskuulkiinna iyo waalidkiinaba.

Haddii aad dadaal muujisaan, natiijo kasta oo
๐Ÿญ.๐—ž๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ โ€“ ๐—ก๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐˜๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜†.
๐Ÿฎ.๐—œ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ โ€“ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ, ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜„๐—ผ๐—ผ๐—ฑ.
๐Ÿฏ.๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป โ€“ ๐— ๐—ฎ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐˜… ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ป ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ณ๐—ฒ๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐—ด๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐˜๐—ฎ.
Tusaale u noqda dugsiyada kale ee Gobolka Banaadir
Sii wada dadaalka, muujiya akhlaaq iyo aqoon, hana iloobin in guushu ka bilaabato rumeynta naftaada.

๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐›๐š๐š๐ง ๐ข๐๐ข๐ข๐ง ๐ซ๐š๐ฃ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐ง๐š๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐…๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Ÿ–๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ ๐™๐ž๐ฒ๐ฅ๐ข๐œ๐ข!

๐‘จ๐’…๐’Ž๐’Š๐’: Hassan Abdirizak

17/02/2026

WE WILL WIN IN.A

La Soco: Isku Aadka Tartanka Dugsiyada Dhexe (Fasalka 8-aad) ee Bisha Barakeysan Ramadaan Kalsan TV.

Photos from Imamu Zeylici School's post 12/02/2026

SAFARKA GUUSHA ARDAYDA MIDTERM Sanad dugsiyeedka 2025/2026

Hambalyo iyo bogaadin gaar ah ayaan u diraynaa ardayda kaalmaha h**e ka galay Imtixaanka Midtermka sanad dugsiyeedka 2025/2026. Guushu ma aha wax si fudud ku yimaada, balse waa mid ku timaada dadaal joogto ah, feejignaan, iyo kalsooni nafeed. Idinku waxaad noqoteen tusaale ifaya oo muujiyay in dadaalku miro dhalo. ๐ŸŒŸ

Safarkii dalxiiska ahaa ee aan u wadnay wuxuu ahaa abaalmarin sharaf leh oo lagu maamuusay dadaalkiinna iyo kartidiinna. Maalintaas waxay ahayd maalin xusuus reeb ah oo muujisay farxadda guusha iyo qiimaha ay leedahay in la dadaalo. Waxay sidoo kale ahayd fariin cad oo ku socotay ardayda kale: โ€œQofkii dadaala, waa la abaalmariyaa.โ€

Guusha aad gaadheen ma aha mid ku ekaan doonta hal imtixaan oo kaliya, balse waa tallaabo aad u qaaday mustaqbal ifaya. Sii wada dadaalka, sii xoojiya akhlaaqda iyo anshaxa wanaagsan, hana ka daalina waxbarashada. Mustaqbalku wuxuu u furan yahay kuwa kartida iyo dulqaadka leh.

Maamulka iyo macallimiinta dugsigu waxay idinku faanayaan, waalidkiinna na qalbigooda farxad ayaad geliseen. Noqda kuwo had iyo jeer hormuud u noqda wanaagga, dadaalka iyo tartanka caafimaadka leh.

Ugu dambayn, waxaan idin leenahay:
Guushu waa mid la gaari karo marka la isku daro dadaal, dulqaad iyo rajo.

Sii wada iftiiminta jidka guusha, hana joojinina riyada aad ku hamineysaan. ๐Ÿš€๐Ÿ“š.

Hambalyo mar kale ardayda kaalmaha h**e gashay, guul iyo gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa!

ugu imow Dugsiga Imamu Zeylici School

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Warshadaha Street
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 11:00
13:00 - 17:00
Friday 07:00 - 11:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00