Scw
Al-Bashiir School for the Blind
Special School for the Blind
BLIND EYE IS NOT BLIND MIND
17/06/2024
Dhammaan Aas Aasaha, guddiga, macalimiinta iyo shaalaha guud ahaan ee Iskuulka Indhoolayaasha Al-Basiir waxa ay hambalyo u dirayaan Haaruun iyo Luul oo ah ardayda aragga naafada ka ah ee wax ka barta dugsiga indhoolayaasha Al-Basiir oo si habsami leh u soo gebagebeeyey imtixaankii shahaadiga ahaa!
Go'aankooda iyo dadaalkooda ayaa runtii ah kuwo dhiirigelinaya dhammaan maamulka Iskuulka.
Iskuulka waa iftiin rajo ah, oo muujinaya awoodda waxbarashada loo dhan yahay ee awood siinta ardayda naafada ah si ay u gaaraan awooddooda buuxda.
Aad baan ugu faraxsanahay dadaalkiina. Guuleysta
Mohamed Abdullahi, a graduate and remarkable individual, demonstrates unwavering determination and resilience. Despite being visually impaired, he reads the Holy Qur’an in Braille at the Al-Basiir School for the Blind established 2011.
Kudos to Mohamed Abdullahi for his dedication and commitment to learning, inspiring others on their educational journey. His efforts exemplify the power of knowledge and the indomitable spirit of those who overcome challenges to seek enlightenment.
DISABILITY IS NOT INABILITY
28/12/2023
Waxa aan u hambalyeeyneynaa Ardayadeena Sabirin Hassan Omar oo ka mid ah bahda Iskuulka Indhoolayaasha Al-Basiir ee maanta ka qalin badalatay Jaamacadda Horn of Africa (Jaamacadda Geeska Afrika).
Waxaan u rajeyneynaa guul iyo in ay halkeeda ka sii wado waxbarashada heerarka kala duwan ee u harsan.
Waa muhiim garab siinta ardeyda naafadda iyo u fududeenta helitaanka waxbarasho loo wada dhan yahay taa oo ay qeyb ka yihiin ardeyda naafadda ah waana hadafka uu had iyo jeer u taagan yahay Al-Basiir School for the Blind
Waxaan si niyadsami ah ugu mahad celineynaa Horn of Africa University fursada fiican ee ay siiyeen ardayadeena waxaana rajeyneynaa in ardey badan oo naafadda ah siin doonaan fursadaan oo kale.
Naafannimadu Ma Ahan Awood La'aan.
Hambalyo Sabirin mar kale.
27/12/2023
27/12/2023
Barbaarinta iyo tayeynta aqoonta ardeyda aragga la' waa muhiimadeena koowaad.
--------------
Caring and enriching the knowledge of the visually impaired students is our first priority.
20/12/2023
Inaa Lillahi Wa Inaa Illeyhi Raajicuun.
Alle ha u naxariisto Wasiirki Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mwhrd Wasiir/Xildhibaan Khadija Maxamed Diriye oo goor dhow ku geeriyootay Dalka Jabuuti.
Dhammaan bahda Iskuulka Indhoolayaasha Al-Basiir waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday.
Waxa ay saaxiib dhow la aheyd Naafadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Al-Basiir School for the Blind.
Waxa aan Alle swt ugaga baryeynaa in uu naxariisto, dambigeeda dhaafo, kitaabkeeda midig ka siiyo oo jannatul firdows ka waraabiyo.
Samir iyo Iimaan bulshada Soomaaliyeed.
12/12/2023
Inaa Lillahi Wa Inaa Illeyhi Raajicuun.
Dhammaan, Guddiga, Maamulka, Macallimiinta iyo ardeyda Iskuulka Indhoolayaasha Al-Basiir waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska uu ka geeriyooday ardey Maxamed Cabdi Gerre oo ka mid ahaa ardeyda wax ka barata Iskuulka. Ardey Maxamed ayaa waayadaan ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, waxa aan xanuunka geeridiisana la qeybsaneynaa qoyskiisa iyo qaraabadiisa oo ay ugu horeeyaan bahdeenan Iskuulka Indhoolayaasha Al-Basiir
Waxaan Alle SWT ugaga baryeynaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo oo kitaabkiisa midig ka siiyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo InshaAllah.
Allahuma AAAMIIN.
Al-Basiir School for the Blind
Muqdisho- Soomaaliya
17/10/2023
Inaa Lillahi Wa Inaa Illeyhi Raajicuun.
Dhammaan maamulka, ardeyda iyo madaxda Iskuulka Al-Basiir School for the Blind waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Amb Mohamed Ali Nur Americo oo uu wiilkiisa geeriyooday.
Waxaan Alle ugaga baryeeynaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo oo samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan qoyska iyo asxaabta.
Aamiin Aamiin Aamiin
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Uganda Road, Waberi District
Mogadishu
NA
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |