FEDU Alumni

FEDU Alumni

Share

To all FEDU alumni in Simad university

Photos from FEDU Alumni 's post 18/11/2025

Warbixin Kooban: Booqashada Guddoonka Naadiga Qalinjebiyaasha Kuliyadda Waxbarashada.

Guddoonka Naadiga Qalinjebiyaasha Kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta booqasho wacyigelin ah ugu tagay ardayda dhigata kuliyadda ee isugu jira Semester 5 iyo Semester 7.

Ujeedada kulankani waxay ahayd in ardayda la xasuusiyo muhiimada ay leedahay kuliyadda Waxbarashada, kaalinta ay ku leedahay dhismaha bulshada, iyo fursadaha xirfadeed ee ay u horseedi karto mustaqbalka.

30/10/2025

Guddoomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Kuliyadda Waxbarashada ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Madaxa Arrimaha Sharciga ee naadiga Mudane Daakir Xuseen Maxamed , kadib markii uu sameeyay latashiyo iyo qiimeyn ku saleysan karti, daacadnimo, iyo hufnaan shaqo.

Magacaabistan waxay muujineysaa dadaalka naadigu ugu jiro dhisidda hoggaan adag oo sharciyeed, isla markaana kor u qaadaya nidaamka iyo cadaaladda gudaha naadiga.
Naadigu wuxuu ku kalsoon yahay in madaxa cusub ee arrimaha sharcigu door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta xeerarka, kobcinta wacyiga sharci ee xubnaha, iyo horumarinta shaqo wadaagga naadiga.

13/10/2025

Sabdi 13/10/2025 , Guddoomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda SIMAD Mudane Abdurahman A. Abshir ayaa si rasmi ah ugu magacaabay ustaad Ismail Ahmed Ali Kuulle Madaxa Maaliyadda Naadiga ( Head of Finance) kadib latashiyo iyo wadatashi qoto dheer oo uu la yeeshay xubnaha naadiga.

Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa dadaalka lagu xaqiijinayo hufnaan, daahfurnaan iyo horumar waara oo dhinaca maamulka iyo dhaqaalaha ah. Madaxa cusub ee Maaliyaddu wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa qorsheynta, ilaalinta iyo maareynta dhaqaalaha naadiga, si loo hubiyo in howlaha iyo mashaariicda naadigu ay u socdaan si joogto ah oo waxtar leh.

Photos from FEDU Alumni 's post 10/10/2025

Dhambaal sagootin
Taarikhdu marka ay ahed 7/10/2025 Qalin-jabiyaasha kuliyada waxbarashada ee jaamacada simad oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Qalin-jabiyaasha Mudane Abdurahman A. Abshir iyo waziirka Tababarada iyo Hormarinta waxbarashada ee Qalin-jabiyaasha Jaamacadda simad mudane Mohamed A. Sheik Abdi ahna xoghaya guud ee Kuliyada iyo Bahada Qalin-jabiyaasha ayaa kulan duco iyo dhiiri galin isugu jira u sameeye Madaxa Maaliyada ee kuliyada ustaad Cadawe M Mohamud

Kulanka waxaa kasoo qeeb galay xubno katirsan gudoonka kuliyada iyo xubnaha kale ee Qalin-jabiyaasha

Anago isku duuban waxaan u rajaynay ustaadka inuu eebe safarkiisa waxbarashada uu ugu ambabaxay dalka malaysia ooga dhigo mid fudud oo guulaysta

Photos from FEDU Alumni 's post 04/04/2025

03 April 2025, Khamiis.
Hogaanka naadiga qalinjabiyeyaasha kuliyada waxabarashada jaamacada SIMAD iyo xubno kale oo ka tirsan naadiga ayaa waxay ka qayb galeen kulan heer sare oo ay soo agaasimeen maamulka ardayda kuliyada waxbarashada.
U jeedka kulanka waxa uu daarnaay isbarasho iyo wada shaqeyn dhex marta naadiga qalinjabiyeyaasha iyo ardayda dhigata kuliyada.
Waxa ay labada naadi isku af garteen, qodobada hoos ku xusan.
1. In wada shaqayn dhex Marto labada naadi
2. In qalinjabiyeyaasha aqoontooda iyo qibradooda kusoo celiyaan ardayda kuliyada
3. Tababaro iyo wacyigelin in loo sameeyo ardayda kuliyada dhigata.
4.In fursadaha shaqo iyo kuwa waxbarasho ee jira in ay isla wadagaan labada naadi.

Faculty of Education Student's Association-FESA
FEDU Alumni
SIMAD University

Photos from FEDU Alumni 's post 10/02/2025

Waxaa habeenkii jimcaha ee lasoo dhaafay kulan casho sharaf iyo marxaben isugu imaaday xubnaha qalinjabiyaasha kuliyada waxbarashada ee jaamacada Simad

Kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saaraye hambalyeenta Madaxi h**e ee kuliyada Dr Abukar Mukhtar Omar oo soo gabagabeeye safarkiisi PHD-da

Ugu danben dhamanaan maamulka iyo xubanaha kuliyada waxay Hambalya udirayaan markale Dr Abukar Mukhtar Omar

Photos from FEDU Alumni 's post 14/12/2024

Dhambaal Hambalyo…

Gudomiyaha Qalin-jabiyaasha Kuliyada waxbarashada ee Jaamacada SIMAD University Eng Abdurahman ALi Abshir, xubnaha sare ee Midawga iyo dhamaan Qalin-jabiyaasha Kuliyada waxay Hambalyo u dirayaan Ustaad Abdikarim Salad Elmi iyo Ustaad Mohamed A. Touryare , ustaad omar mohamud rage , ustaad abdiasis husien mude iyo ustaad Jamila mohamud gure oo soo gaba gabeeye safarkoda waxbarasho ee heerka labaad ee waxbarshada Masters degree

Hambalyo dhamaantiin 🎉👏🎊

On behalf of the Alumni Association of the Education Department at Simad University, I am delighted to extend our heartfelt congratulations to both of you on the successful completion of your Master’s degree!

Your dedication, perseverance, and commitment to advancing your knowledge and skills in the field of education are truly commendable. You have set an inspiring example for all current and future students of Simad University, showing that with hard work and determination, great accomplishments are within reach.

Photos from FEDU Alumni 's post 15/08/2024

The operation committee meeting took place today at silver coffee . The chairman Eng Abdirahman Ali Abshir chaired the meeting



26/07/2024

Waxaa si qurux badan inoogu soo idlaaday magacaabista golaha fulinta ee Midowga Qalin-jabiyaasha Kulliyada waxbarashada jaamacadda SIMAD.

Gudomiyaha midawga Ustaad / Eng Abdurahman ALi Abshir waxuu kula dardaarmayaa Golaha inay dardar-galiyaan arimaha horyaala siina hor mariyaan wax qabadkooda



25/07/2024

Midowga Qalin-jabiyaasha Kulliyada waxbarashada jaamacadda SIMAD waxay u hambalyaynayaan Madaxa arimaha haweenka ee midowga Ustaad minatallah Hussein musa



24/07/2024

Midowga Qalin-jabiyaasha Kulliyada waxbarashada jaamacadda SIMAD waxay u hambalyaynayaan Madaxa ciyaaraha iyo tartamada ee midowga Ustaad yonis omar ali



22/07/2024

Midowga Qalin-jabiyaasha Kulliyada waxbarashada jaamacadda SIMAD waxay u hambalyaynayaan Madaxa dhaqaalaha ee midowga Ustaad Abubakar Mohamed Mohamud



Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Mogadishu
252