05/05/2026
Waxaa maanta qabsoomay shir muhiim ah oo ku saabsan soo dhaweyn, isbarasho iyo kala warqaadis, kaas oo uu guddoominayay Raktar Ku-Xigeenka Arrimaha Tacliinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Abdurezak Abdulahi Hashi
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan madaxda iyo howl-wadeennada Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi-baarista, iyagoo muujiyay ka go’naan iyo wada-shaqeyn dhab ah.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta tayada waxbarashada, xoojinta cilmi-baarista, iyo kobcinta wada-shaqeynta gudaha kulliyadda, si loo gaaro himilooyinka jaamacadda.
Kulankan wuxuu ahaa mid dhidibada u aasaya isfaham wanaagsan, wada shaqeyn joogto ah, iyo horumar waara oo ku saleysan aqoon iyo cilmi-baaris.
15/04/2026
Maanta waxaa si guul leh u qabsoomay shir muhiim ah oo ay yeesheen madaxda barnaamijyada Kulliyadda Takhasuska, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada iyo habsami u socodka howlaha kulliyadda.
Shirka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay arrimaha cilmi-baarista iyo buug difaacashada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta cilmi-baarista ardayda iyo hagaajinta nidaamka kormeerka. Sidoo kale waxaa si hufan loo eegay xaaladda semesterka, caqabadaha jira, iyo xalalka wax ku oolka ah ee lagu horumarin karo waxbarashada.
Gunaanadkii, shirku wuxuu noqday madal wax ku ool ah oo lagu mideeyay aragtiyo iyo talooyin wax dhisaya, taas oo horseedi doonta horumar muuqda oo ku yimaada waxqabadka Kulliyadda Takhasuska
30/03/2026
Batch 2—gaar ahaan *Group 3* ee Master-ka Educational Leadership and Management—ayaa si rasmi ah u difaacday buugtooda qalin-jabinta.
Ardaydan waxay soo bandhigeen cilmi-baaris heer sare ah, diyaargarow hufan, iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan hoggaaminta iyo maamulka waxbarashada. Waxqabadkoodu wuxuu muujinayaa biseyl aqooneed iyo xirfado hoggaamineed oo la taaban karo.
12/03/2026
Macalimiin ka tirsan kulliyadda takhasuska, gaar ahaan takhasuska Qaanuunka, iyo ardayda dhigata takhasuska Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka qaybgalay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dib-u-eegista qodobbada Dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan Cutubka 15aad.
Dood-wadaaggan waxaa soo qabanqaabiyay SOMLAW, oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha sharci-dejinta iyo horumarinta nidaamka sharciga.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay daraasad isbarbardhig ah (comparative study) oo lagu falanqeeyay nidaamyada dastuuriga ah ee 6 dal, si loo fahmo sida ay dalalka kale u maareeyaan qodobbada la xiriira cutubkan.
09/03/2026
Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa Prof. Maye Omar, oo ah Visiting Professor ka tirsan Kulliyadda Takhasusaadka iyo Cilmi-baarista, gaar ahaan qaybta Caafimaadka Guud.
Waxaan ku faraxsanahay in Prof. Maye Omar loo dallacsiiyay darajada Professor buuxa (Full Professor) ee University of Leeds ee dalka United Kingdom.
Guushan weyn waxay ka tarjumaysaa dadaalkiisa joogtada ah, kartidiisa cilmi-baariseed, iyo kaalinta muuqata ee uu ku leeyahay horumarinta aqoonta iyo caafimaadka bulshada.
Waxaan u rajaynaynaa guulo iyo horumar kale oo badan mustaqbalka, anagoo ku faanayna in uu qayb ka yahay macaliminta jaamacaddeenna.
27/02/2026
Maanta waxaa si heer sare ah u qabsoomay difaacashada booga qalin-jabinta ee Group 2 – ardayda Master of educational leadership and management ee Kuliyadda Takhasuska iyo Cilmi-baarista, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Ardayda waxay soo bandhigeen cilmi-baaris qoto dheer, falanqeyn aqooneed oo miisaan leh kana tarjumeysa dadaal iyo juhdi ay muddo dheer ku soo dhiseen. Difaacashadoodu waxay ahayd mid sumcad iyo sharaf u soo hoysay ardayda iyo jaamacaddaba.
24/02/2026
Waxaa si rasmi ah uga qabsoomay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi-baarista, difaacashada booga qalinjabinta
Batch 2aad ee Master of Educational Leadership and Management.
Maalinta koowaad waxaa si hufan u difaacday Group 1, iyagoo muujiyay aqoon, kalsooni iyo hoggaan waxbarasho oo heer sare ah. Hambalyo dhammaan ardayda!
17/02/2026
Ramadaan Mubaarak
Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynaynaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ilaahay ha inaga yeelo kuwa ku sooma caafimaad iyo cibaado suuban, kana aqbalo soonka, salaadda iyo acmaasha wanaagsan.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
16/02/2026
Official Announcement: Graduate Program Intake
Academic Session: February – March 2026
This notification serves as the official call for applications for the upcoming academic cycle. Prospective candidates are invited to apply for the specialized programs listed below, designed to provide advanced professional certification and technical expertise.
Master of Integrated Water Resource Management (IWRM) An interdisciplinary program focusing on the sustainable allocation of water resources and environmental policy.
Admission Requirements
To complete the enrollment process, applicants must submit the following documentation:
1. Application Letter: A formal request for admission addressed to the Registrar.
2. Certificates and Transcripts: Certified copies of previous academic qualifications with Ministry of Education Verification Stamp.
3. Photographs: Two (2) recent passport-sized photos.
4. Identification: A valid National ID (NIRA) or Passport.
5. Application Folder: One (1) File for document organization.
Key Enrollment Dates
Milestone. Deadline/Date
Application Submission. Open until February 20th
Document Verification. Ongoing through February 28th
Academic Commencement. First week of March