Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation

Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation, College & University, KM4, Mogadishu.

Center for Creativity, Entrepreneurship & Innovation at MU was established in August 2010 with the aim of supporting entrepreneurship and innovation activities and has the overall responsibility of developing and promoting entrepreneurship and innovations

Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation  at Mogadishu University, in collaboration with  , is pleased to ...
09/09/2026

Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation at Mogadishu University, in collaboration with , is pleased to announce: Digital Marketing & AI Revolution Masterclass

A practical and impactful training program designed to equip participants with modern skills in digital marketing, artificial intelligence, and business transformation.

Training Topics:
- Developing a Business Mindset
- Understanding the Market
- AI Revolution and Its Business Applications
- Identifying Market Opportunities
- Social Media Marketing Strategies
- Practical Paid Ads Management

Trainer: Khadar Xaji,
MBA | Founder & CEO, Generex Communications
Business & Digital Transformation Specialist

Date: 10 September 2026
Time: 4:00 PM – 6:00 PM
Venue: Institute of Languages at Mogadishu University

📞 For registration and more information:
+252 61 7864191




Intelligence



Qisadii Guusha ee Suheyba Abdi AhmedXarunta Hal-abuurka, Ganacsiga iyo Curinta waxay ku faraxsan tahay inay la wadaagto ...
02/09/2026

Qisadii Guusha ee Suheyba Abdi Ahmed

Xarunta Hal-abuurka, Ganacsiga iyo Curinta waxay ku faraxsan tahay inay la wadaagto bulshada qisada guusha ee Suheyba Abdi Ahmed, oo ka mid ah ardaydii ka qaybqaadatay Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work.”

Suheyba waxay si wanaagsan uga faa’iidaysatay tababarkii ay ka heshay barnaamijka, iyadoo kasbatay aqoon iyo xirfado muhiim ah sida Interview Skills, CV Building, iyo hababka saxda ah ee shaqo raadinta. Xirfadahan ayaa ka caawiyay inay si wanaagsan isu diyaariso, kartideedana ugu beddesho fursad dhab ah.

Alle mahaddiis, Suheyba waxay heshay fursad shaqo/internship ah, waxayna u gudubtay wareysi aad u tartan badan. Xirfadihii ay ka baratay barnaamijka, gaar ahaan xirfadaha wareysiga iyo sida loo muujiyo kartida qofka, ayaa ka caawiyay inay si kalsooni leh uga qaybqaadato wareysiga, ugu dambayntiina ay ku guulaysato jagadii ay u tartamaysay.

Guusha Suheyba waxay si cad u muujinaysaa muhiimadda Barnaamijka Beyond the Classroom, oo ujeeddadiisu tahay in ardayda lagu qalabeeyo aqoon, xirfado iyo kalsooni ka baxsan fasalka, si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada una abuuraan mustaqbal wanaagsan.

Hambalyo Suheyba! Guushaadu waa dhiirrigelin u ah ardayda kale, waana tusaale muujinaya in marka aqoon, xirfad iyo fursad la isku daro, natiijo wanaagsan la gaari karo.

Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation
Dadaal Mentorship

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Koorsadii 8-aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students f...
29/08/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Koorsadii 8-aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work.”

Xarunta Hal-abuurka, Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation ee Jaamacadda Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Dadaalka Dadaal Mentorship , waxay ku faraxsan tahay inay sii waddo dadaallada lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha, hal-abuurka iyo diyaar-garowga dhallinyarada ee mustaqbalka shaqada.

Koorsadii 8aad, oo maanta uu bixiyay Agaasimaha xarunta Hal-abuurka Jamacadda Mogadishu University جامعة مقديشو Eng : Abdisatar Arabow , waxaa diiradda lagu saaray:

💡 Creative Thinking
⏰ Time Management
📄 Professional CV Building

Tababarku wuxuu ka qaybgalayaasha siiyay fursad ay ku kobciyaan fikirka hal-abuurka, maareynta waqtiga iyo xirfadaha dhisidda CV-ga, kuwaas oo muhiim u ah diyaar garowga suuqa shaqada iyo fursadaha mustaqbalka.

Jiilba jiil ayuu dhaxlaa; jiilka maanta diyaarintiisa iyo tababarkiisu waa waajib na saaran dhammaanteen.

Xarunta Hal-abuurku waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo, laguna diyaarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay ugu diyaar garoobaan mustaqbalka shaqada iyo hal-abuurka.

Mahad gaar ah, waxaa leh dhammaan qabanqaabiyeyaasha, mentorrada, bah-wadaagta, tababarayaasha iyo ardaydii sida firfircoon uga qayb qaadatay Barnaamijkan qiimaha badan.

"Beyond the Classroom because the future of work requires more than a classroom".

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Koorsadii 8aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students fo...
26/08/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Koorsadii 8aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work”, oo diiradda lagu saaray:“Entrepreneurship & Innovation: Creating Your Own Opportunities.”

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Mr. Yusuf Sodal, SME Specialist and Head of SME Banking at IBS Bank , oo ardayda la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan ganacsiga, hal-abuurka, fikirka ganacsi iyo sida loo abuuro fursado cusub.

Intii uu socday tababarku, ardaydu waxay si qoto dheer uga barteen muhiimadda Entrepreneurship & Innovation, sida loo aqoonsado fursadaha, loo horumariyo fikradaha ganacsi, loo xalliyo caqabadaha, loona beddelo fikradaha hal-abuurka leh fursado dhab ah oo abuuri kara shaqo, ganacsi iyo isbeddel wanaagsan oo bulshada ah.

Mr. Yusuf Sodal wuxuu sidoo kale xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu yeeshaan fikir ganacsi, hal-abuur, isku-kalsooni, karti go’aan qaadasho iyo dhiirranaan ay ku abuuri karaan fursadahooda, halkii ay ka sugi lahaayeen fursado diyaar ah.

Beyond the Classroom wuxuu ardayda siinayaa wax ka baxsan aqoonta fasalka; wuxuu kobcinayaa xirfadaha, hal-abuurka, hoggaaminta, fikirka ganacsi iyo awoodda ay dhalinyaradu ugu diyaargaroobayaan suuqa shaqada iyo mustaqbalka.

Mahad gaar ah ayaan u jeedinaynaa dhammaan ardayda ka qaybqaadatay, mentor-ka, tababarayaasha, iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysanaysa dhisidda jiil aqoon leh, xirfad leh, hal-abuur leh, fursado abuuri kara, una diyaarsan mustaqbalka shaqada.

Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation
Dadaal Mentorship









خطوة جديدة نحو صناعة المستقبل في الصومال في يوم 26 أغسطس 2026، تم توقيع اتفاقية تعاون بين منظمة حمدي ومركز الإبداع ورياد...
26/08/2026

خطوة جديدة نحو صناعة المستقبل في الصومال
في يوم 26 أغسطس 2026، تم توقيع اتفاقية تعاون بين منظمة حمدي ومركز الإبداع وريادة الأعمال والابتكار التابع لجامعة مقديشو، في خطوة نؤمن بأنها ستكون بداية لمسار جديد يجمع بين الإبداع، الابتكار، التعليم، وريادة الأعمال.

هذه الاتفاقية ليست مجرد توقيع على ورق بل هي شراكة لصناعة الأفكار وتحويلها إلى مشاريع، ودعم الشباب أصحاب الطموح، وخلق بيئة تساعد المبدعين على الانتقال من مرحلة “لدي فكرة” إلى مرحلة “لدي مشروع يصنع الفرق.

من خلال هذا التعاون نسعى إلى دعم المواهب، وتنمية مهارات الابتكار وريادة الأعمال، وتشجيع الطلاب والشباب على ابتكار حلول حقيقية للتحديات التي يواجهها المجتمع.

نؤمن أن أعظم ثروة تمتلكها الصومال ليست فقط في مواردها الطبيعية، بل في عقول شبابها وأفكارهم وقدرتهم على صناعة المستقبل.
واليوم نبدأ معًا فصلاً جديدًا.

من الفكرة إلى الابتكار إلى المشروع إلى الأثر القادم أكبر والأفكار التي ستولد من هذه الشراكة قد تكون بداية قصص نجاح تُكتب من مقديشو إلى العالم.




#الإبداع
#الابتكار

#الصومال
Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation
Mogadishu University جامعة مقديشو

25/08/2026

La kulan Sabarin Mahmoud Jimcaale, oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Jamhuuriya ee ka qaybgalay tababarka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work.” Muuqaalkan, Sabarin waxay nala wadaagaysaa waaya-aragnimadeeda iyo faa’iidooyinka ay ka heshay tababarka, gaar ahaan horumarinta xirfadaha muhiimka u ah suuqa shaqada sida isgaarsiinta, hoggaaminta, xirfadaha dijitaalka ah iyo diyaarinta mustaqbalka xirfadeed.

“Beyond the Classroom”waa barnaamij loogu talagalay in ardayda iyo dhallinyarada lagu xoojiyo aqoon, xirfado iyo waayo-aragnimo wax-ku-ool ah, si ay ugu diyaar garoobaan fursadaha iyo caqabadaha mustaqbalka. Barnaamijkan waxaa iska kaashanaya Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation iyo Dadaal Mentorship

Xarunta Hal-abuurka ee Jaamacadda Muqdisho waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cilmibaarist...
24/08/2026

Xarunta Hal-abuurka ee Jaamacadda Muqdisho waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cilmibaarista iyo Horumarinta Bariga Afrika (DAD), Prof. Dr. Ali Sheikh Ahmed , oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha waxbarashada, aqoonta iyo horumarinta bulshada.

Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed ayaa maanta nagu soo booqday in uu socday Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work” u jeediyay kalmad dhiirrigelin iyo waano ah, isla markaana nala wadaagay khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisa qiimaha badan.

Kulankaasi wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo ay ardaydu ku heleen dhiirrigelin, talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan waxbarashada, horumarinta nafta iyo diyaar garowga mustaqbalka shaqo.

Mahadsanid Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed waqtiga, aqoonta iyo waayo-aragnimada aad nala wadaagtay. Dhiirrigelintaadu waxay door muhiim ah ka qaadanaysaa kobcinta jiilka mustaqbalka hoggaamin doona.



Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Koorsadii 7aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students fo...
24/08/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Koorsadii 7aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work”, oo diiradda lagu saaray:“Leadership Skills: For Career Growth and Professional Success.”

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Mr. Abdilatif Hirse Yusuf, Founding Director at ICON Business Coaching , oo ardayda la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan Leadership Skills, horumarinta xirfadda iyo sida loo gaaro guul xirfadeed.

Tababarkani wuxuu ardayda ka caawiyay inay fahmaan muhiimadda hoggaaminta wanaagsan, horumarinta kartida shaqsiyeed, isku-kalsoonaanta, go’aan-qaadashada, isgaarsiinta, shaqada kooxeed iyo xirfadaha muhiimka u ah kobaca shaqo iyo guusha xirfadeed.

Mr. Abdilatif wuxuu sidoo kale xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in qofku si joogto ah u horumariyo naftiisa, u dhiso xirfaddiisa hoggaamineed, una yeesho aragti iyo qorshe cad oo ku saabsan mustaqbalkiisa shaqo.

Barnaamijka Beyond the Classroom wuxuu dhallinyarada siinayaa wax ka baxsan aqoonta fasalka; wuxuu kobcinayaa xirfado, kalsooni, hoggaamin iyo diyaar garow ay ugu baahan yihiin suuqa shaqada ee maanta iyo mustaqbalka.

Mahad gaar ah dhammaan ardayda ka qaybqaadatay, tababarayaasha, mentorrada, la hawlgalayaasha, iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa dhisidda jiil aqoon leh, xirfad leh, hoggaamin kara, una diyaar garoobay mustaqbalka shaqada.

Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation
Dadaal Mentorship









Waxaa shalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay koorsadii 6aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students fo...
23/08/2026

Waxaa shalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay koorsadii 6aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work”, oo diiradda lagu saaray:“Blockchain & Crypto Skills: Preparing for the Digital Economy.”

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Mr. Ahmed Jamaal, oo ardayda la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan Blockchain Technology, Cryptocurrencies, DeFi, Crypto Wallets iyo sida loo fahmo fursadaha iyo caqabadaha ka jira dhaqaalaha dijitaalka ah.

tababarkaan wuxuu ardayda ka caawiyay inay fahmaan sida Blockchain-ku u shaqeeyo, doorka uu ku leeyahay mustaqbalka maaliyadda iyo ganacsiga, iyo xirfadaha muhiimka ah ee looga baahan yahay suuqa shaqada ee isbeddelaya.

Mr. Ahmed Jamaal wuxuu sidoo kale xoogga saaray muhiimadda cilmi-baarista, fahamka khataraha la xiriira Crypto-ga, ka taxaddarka khiyaanooyinka, iyo in go’aannada maalgashiga lagu saleeyo aqoon iyo xog sax ah.

Barnaamijkani wuxuu dhallinyarada siinayaa wax ka baxsan aqoonta fasalka; wuxuu kobcinayaa xirfado, kalsooni iyo diyaar garow ay ugu baahan yihiin suuqa shaqada ee maanta iyo mustaqbalka.

Mahad gaar ah dhammaan ardayda ka qaybqaadatay, tababarayaasha, mentorrada iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa dhisidda jiil aqoon leh, xirfad leh oo diyaar u ah mustaqbalka shaqada.











Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation
Dadaal Mentorship Organization

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay koorsadii 5aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students fo...
19/08/2026

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay koorsadii 5aad ee Barnaamijka “Beyond the Classroom: Preparing Students for the Future of Work”, oo diiradda lagu saaray:“Project Design & Result Frameworks: From Proposal to Impact."

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Mr. Ahmed Mohamed Hussein – Executive Director at Somali Leadership and Global Affairs Academy (SOLGA Academy), oo ardayda la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan Project Design, Project Management, Result Frameworks iyo sida fikrad ama proposal loogu beddeli karo natiijo iyo saameyn dhab ah.

Tababarkani wuxuu ardayda ka caawiyay inay fahmaan sida loo qorsheeyo mashaariicda, loo qeexo natiijooyinka la filayo, loona dhiso Project Framework oo horseedi kara guul.

Barnaamijkani wuxuu dhallinyarada siinayaa wax ka baxsan aqoonta fasalka xirfado, kalsooni iyo diyaar garow ay ugu baahan yihiin suuqa shaqada ee maanta iyo mustaqbalka.

Mahad gaar ah dhammaan ardayda ka qaybqaadatay, tababarayaasha, mentorrada iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa dhisidda jiil aqoon leh, xirfad leh oo diyaar u ah mustaqbalka shaqada.



Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation
Dadaal Mentorship

Address

KM4
Mogadishu
25261

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Center for Creativity, Entrepreneurship and Innovation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share