23/07/2026
Maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan xirfadlayaasha ku guuleystay Imtixaanka Qareennimada Soomaaliyeed, gaar ahaan 71 ka mid ah qalin-jebiyayaasha Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo qayb ka noqday 237-da qof ee guud ahaan ku guuleystay imtixaanka, taasoo ka dhigan in ku dhowaad 30% ay yihiin qalin-jebiyayaasha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Guushani waxay marag u tahay kartida, dadaalka iyo tayada waxbarasho ee ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Jaamacaddu waxay guuleystayaasha u rajaynaysaa mustaqbal wanaagsan iyo guulo hor leh, iyadoo kula dardaarmaysa inay aqoontooda iyo xirfaddooda ugu adeegaan bulshada si daacadnimo iyo masuuliyad leh, kuna dhaqmaan caddaalad, sinnaan iyo akhlaaq wanaagsan ee lagu dhex baray Jaamacadda, si ay kaalin muuqata ugu qaataan horumarinta iyo caddaaladda bulshada Soomaaliyeed.
23/07/2026
Naadiga Qalin-jebiyayaasha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin laabta ka soo go'day u dirayaa dhammaan xirfadlayaasha ku guuleystay Imtixaanka Qareennimada Soomaaliyeed, gaar ahaan 71 ka ka mid ah walaalaheenna oo qalin-jebiyayaal ka ah Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Guusha 71 ka qof ee qaybta ka ah 237-da qof ee guud ahaan imtixaanka ku guuleystay taas oo ka dhigan in ku dhowaad 30% ay yihiin haldoorkii ka soo baxay Jaamacadda Ummadda waxay maamuus iyo tilmaan muuqata u tahay kartida, dadaalka, iyo tayada waxbarasho ee jaamacaddu ina soo bartay.
Bahda Naadigu waxay guuleystayaasha u rajaynaysaa mustaqbal wanaagsan iyo horumar joogto ah.
Waxaynu idinkula dardaarmaynaa inaad aqoonta iyo xirfadda aad barateen ugu adeegtaan bulshada Soomaaliyeed si daacadnimo, caddaalad, sinnaan, iyo masuuliyad adag oo akhlaaqi ah leh sida nalagu dhex baray gurigii aqoonta.
Guul iyo horumar joogto ah walaalaheenna guuleystay!
22/07/2026
21/07/2026
Muqdisho
Xaafiiska qalinjabiyaayasha JUS, waxa uu shalay kulan isbarasho iyo is-xogwareysi ah la yeeshay bahda shaqaalaha Jaamacadda ee ka qalinjabiyay JUS.
Kulankaan waxaa xaafiisku kula wadaagay xubnahaan himilooyinka iyo qorshayaasha Xafiiska Qalinjabiyayaasha ee sanadka soosocda, waxaana sidoo kale lagu dhagaystay talooyinka, fikradaha, iyo aragtiyada ka-qalinjabiyeyaasha bahda Jaamacadda.
Kulamadaan oo noqon doona kuwa xaafiisku la yeelan doono dhamaan qaybaha kala duwan ee uu matalo, waxaa diirada lagu saari doonaa horumarinta qorshayaasha xaafiiska, iyo isku-xirka qalinjabiyayaasha JUS.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan intii kasoo qaybgashay kulanka, isla markaana fikradahooda iyo waayo-aragnimadooda nala wadaagay.
02/02/2026
Deeqo Maxamed Qaalib waxa ay khibrad dheer u leedahay maamulka, iyo horumarinta hay’adaha waxbarasho, iyadoo leh waayo aragnimo ka badan 19 sano, oo isugu jirta hoggaan tacliimeed, dhisidda hay’ado, tababarro shaqaale, iyo qorshayn istiraatiiji ah. Waxay haysataa shahaadada Master-ka ee Barashada iyo Waxbarashada Luqadda Ingiriisiga iyo Bachelor of Arts (Hons) ee English Language and Education Studies.
Waxay ka soo shaqaysay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee JFS, halkaas oo ay ka ahayd Lataliye Sare, kana qaadatay kaalin wax ku ool ah hirgelinta barnaamijyo waawayn oo heer qaran ah, dejinta qorshayaal istiraatiiji ah, iyo dhismaha Machadka Ingiriisiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxay gacan ka geysatay kobcinta xiriirka jaamacadaha caalamiga ah iyo helitaanka fursado waxbarasho sare.
Ms. Deeqo Maxamed Qaalib waxay soo noqotay Agaasimaha Waxbarashada ee Jaamacadda SIMAD iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Tacliinta ee Huda International School (Turkiga), Intii lagu jiray xilligii cudurka Covid-19, waxay aasaastay Somali Action Network (Badbaadi Naf), urur samafal oo door muuqda ka qaatay badbaadinta nolosha, gaar ahaan keenista qalabka oksijiinta isbitaallada waaweyn ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kalsoonida buuxda ee lagu qabo hoggaaminteeda, kartideeda maamul, iyo doorkeeda ku aaddan horumarinta iyo hufnaanta hay’adaha tacliinta sare
01/02/2026
Hambalyo dhammaan madaxda kala duwan ee loo magacaabay jaamacadda ummadda soomaaliyeed.
Rector-ka JUS. Mohamed Mohamud Mohamed waxuu xooga saaray dib u habaynta iyo horumarinta Hooyada Tacliinta Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku qoranyihiin waxana leenahay Rabbi ha idiin fududeeyo masuuliyadda la idinsaaray.
1-Prof. Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xaashi – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Tacliinta
2-Ms, Deeqa Maxamed Qaalib – Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda
3-Prof. Dr. Cabdullaahi Sheekh Rashiid – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Ardayda iyo Isku Xirka Bulshada
4-Dr. Cali Cawil Axmed – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Cilmibaarista iyo Hal-abuurka
5-Dr. Fuaad Mirre Xasan – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Qorshaynta iyo Horumarinta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray masuuliyiintan in ay xilka culus ee loo igmaday u gutaan si waafaqsan shuruucda dalka, isaga oo u rajeeyay masuuliyiintan cusub guul iyo hufnaan.