Maris Educational Services

Maris Educational Services

Share

Maris Educational Services is an educational company based in Mogadishu. We also offer training and counselling services.

Our services include: helping students get admissions & scholarships from renowned world-class universities.

15/09/2024

Waxaan dhambaal hambalyo iyo sagootin ah u diraynaa Sayidali Yusuf Mohamed oo waxbarasho heerka Master's Degree ah maanta ugu baxaya dalka Japan. Sayidcali wuxuu ku guulaystay minxada SDG Global Leader Program ee ay bixiso Hay'adda Japan International Cooperation Agency (JICA).

Maris Educational Services waxaa sharaf u ah inay Sayidcali kala shaqaysay inuu ku guulaysto minxadan. Waxaan mar walba diyaar u nahay inaan caawino qof kasta oo doonaya waxbarasho dibadda ah.

Guul ayaan u rajeynaynaa Sayidcali.

29/08/2024

Hay'adda Maris Educational Services waxay ugu bishaareynaysaa ardayda ka baxday dugsiyada sare ee dalka inay u hayso deeqo waxbarasho (scholarships) oo dalka India ah. Ardaygii danaynaayo fursaddaan wuxuu nagala soo xiriiri karaa WhatsApp-ka aan hoos soo dhigi doonno.

WhatsApp: 0617859990

27/08/2024

Maris Educational Services waxay u hambalyeynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku baasay imtixaankii Qaranka ee dugsiga sare. Waxaan idin rajeynaynaa inaad ku guuleysataan heerarka kale ee waxbarasho ee aad bilaabi doontaan.

Intiina danaynaysa waxbarasho dibadda ah. Ha'adda Maris Educational Services waxay idinka saacidaysaa inaad heshaan minxooyin iyo aqbalaado jaamacadeed oo dibadda ah.

26/08/2024

Ogeysiis Muhiim ah

Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee haysata shahaadda heerka koowaad (Bachelor's Degree) inay furan tahay minxada waxbarasho ee dalka Japan ee ABE Initiative/SDG Global Leaders Program. Minxadan waa minxo wax walba lagaa bixinayo, waxaana maalgelinayso Hay'adda JICA (Japan International Cooperation Agency). Waxa ay ka kooban tahay Master's Degree iyo PhD labada, hadba midka aad rabto.

Haddaba, Maris Educational Services waxay kaa caawinaysaa sidii aad ugu guulaysan lahayd minxadaan billow illaa dhammaad. Haddii aad danaysanayso deeqdaan waxbarasho, nala soo xiriir annaga ayaa kuu suuragelinayno gaaridda hadafkaaga waxbarasho. Waxaa mar walba naga go'an taageeridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

WhatsApp: 0617859990

Photos from Maris Educational Services's post 21/08/2024

Maris Educational Services iyo Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir waxa ay iska kaashanayaan sidii qaar ka mid ah ardada sannadkaan ka baxday dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen minxooyin dibadda ah. Maris Educational Services waxaa mar walba ka go'an inay caawiso ardayda Soomaaliyeed iyo inay la shaqayso dhammaan daneeyayaasha waxbarashada.

Photos from Maris Educational Services's post 21/08/2024

Maris Educational Services waxay maalintii labaad ka qabgalaysaa Bandhigga Waxbarashada ee Kulmis Education Expo 2024 . Maanta doodda waxa ay ku saabsan tahay 'Kaalinta Tiknoolojiyadda ee Horumarinta Waxbarashada iyo Yareynta Saameynteeda Taban'. Waxaan soo bandhignay sida ay ardayda uga faa'ideysan karaan tiknoolojiyadda si ay u helaan fursado waxbarasho oo dibadda ah.

21/08/2024

Waxaa hadda masraxa iyo makarafoonka lagusoo dhaweeyey Masuul ka socda Hay ada waxbarasha
Maaris si uu kalmadiisa uga jeediyo Bandhigga Waxbarashada Kulmis ee midowga dugsiyada gobolka banaadir


#2024

31/07/2024

Ogeysiis Muhiim ah

Waxaan ogaysiinaynaa ardayda daneyneyso Chevening Scholarship in Maris Educational Services ay diyaar u tahay in ay ka caawiso wax walba oo la xariiro scholarship-kaas.

waa minxo ay bixiso dowladda UK oo aad ku soo qaadanayso Master's Degree hal sano ah, iyadoo dowladda UK ay kaa caawinayso dhammaan kharashaadka ku baxaya waxbarashadaada iyo noloshaada muddadaas sannadka ah.

Haddii aad danaynayso scholarship-kan, nala soo xiriir.

WhatsApp: 61 7859990

11/07/2024

Ku soo dhawaada bogga rasmiga ah ee shirkadda Maris Educational Services. Waxaan idin haynaa minxooyin waxbarasho oo jaamacado waawayn oo caalamka ku kala yaalla.

Embark your learning path with us.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


21 October Road
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00