09/07/2026
Maalinta Labaad ee Barashada Habqoraalka Toolmoon iyo Curinta Sheekada Gaaban.
Dhigaal is a creative and knowledge-driven platform advancing Somali creativity, storytelling, and intellectual growth through education, media, and community.
09/07/2026
Maalinta Labaad ee Barashada Habqoraalka Toolmoon iyo Curinta Sheekada Gaaban.
09/07/2026
Alxamdulillah
Waxaan si guul leh 08-July innoogu furmay tababarkii Habqoraalka Toolmoon iyo Curinta Sheekada Gaaban.
ama nagala soo Xiriir: +252 61 515 2442.
05/07/2026
Tababbarkaan oo ay ka qaybgalayaan xubno kooban waxa aan ku baran doonnaa Habqoraalka Toolmoon iyo Curinta Sheekada Gaaban.
Tababbarku waxa uu xarunta .innovationhub inooga qabsoomayaa maalmaha Arbacada iyo Khamiista (08-09 July).
Si aad uga mid noqoto xubnaha kooban ee fursadda u helaya ka qaybgalka barnaamijkan iska diiwaangali: https://forms.gle/qQrVfXm5NLHRwsWZA
Wixii faahfaahin ah nagala soo xiriir: +252 613769527
Hanbalyada Maamulka Dhigaal ee gabagabada tartamada sheekacurinta iyo filin samaysta ee magaalada Hargaysa.
Hanbalyo Dhammaan Xiddigaha Dhigaal, aad baan ugu faraxsannahay in aan safarkan ku wehlinno jiilkan cusub hal-abuurka leh.
Ayub Haji Ahmed
Sheekada "Rogmad" waa sheekadii ku guulaysatay sheekada ugu wanaagsan in ka badan 407 sheeko oo ay curiyeen xiddigaha Dhigaal 2026 ee sheeko samayntu, sheekadan waxa alifay Muxumed Faysal Muxumed, waxa codeeyey Saalax Naaleeye. Dhagaysi wacan.
Sidee ayay u dhacday xafladdii xiddigaha Dhigaal ee Hargaysa-Somaliland?
Waa xasuus aan marnaba qalbiyadeena ka baxayn, in aannu qabano xafladdii ugu saamaynta badnayd Hargaysa ee sheeko curinta iyo filim samaynta. Waxa aannu si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Haleelo Tower oo qayb wayn ka qaadatay bandhiga barnaamijka Dhigaal.
26/06/2026
Waxa aannu shahadooyinkii qalinjebinta guddoonsiinay aradayda dhamaysatay sheeko curint oo ka koobnaa 25 arday iyo ardayda filim samaynta oo ka koobnaa 27 arday, sidaasna wax ku dhamaystay tababaradii 52 arday. Hambalyo ardaydeena qiimaha badan, waxa aannu idiin rejaynaynaa guul, halkaasna dedaalkiina kasii wada. Xiddigaha Dhigaal ee Hargaysa 2026.
26/06/2026
Abaalmarinta shirkadihii Media Sponsor-ka ahaa ee xafladdeennii abaalmarinta xiddigaha dhigaal ee sheeko curinta iyo filim samaynta. Waxa aannu uga mahadcelinaynaa dhammaanta Media Agence-gii qaybta wayn ka qaatay quruxda xafladeenna. Mahadsanidiin:
Focus HD
YaYa Production
Natural Production
Rejo Media Production
Rummaan Digital
Maal Production
Shaam Show
Bilan Creative
Waan idiinka mahadcelinaynaa garab istaagiina.
26/06/2026
Waxa ku guulaystay abaalmarinta filimkii ugu wanaagsanaa (Best Film) filimka "Bilan" oo taabanaya dhibaatooyinka dhallinyaradu kala kulmaan goobaha shaqada iyo hal-abuurka ganacsiga. Waxa filimkan taabegeliyey shirkadda Maal Production oo kaashanaysa ardaydeena filim samaynta.
26/06/2026
Waxa abaalmarinta Best Film Production Award ku guulaysta filimka "Dalacsiin" ee ay soo saareen ardaydeenna filim samaynta iyagoo kaashanaya shirkadda Natural Production.