Sheikh Da'ud School Alumni Club

Sheikh Da'ud School Alumni Club

Share

Sheikh Da'ud school ugu imaw TAYO & TACLIIN

27/12/2022

Sheikh Da'ud School Alumni Club waxaan idiin rajeeneenaa caafimaad bad qab baraaro inaad kusugan tahiin dunida meelkasta ee aad ka joogtan qofkasta ee inaga Mid ah muraadkiisa oo khayr ah allaha sahlo guuleysta.

04/10/2020

Tacsi .

Dhamaan Maamulka , Macalimiinta , Ardayda iyo Maamulka Naadiga Qalinjabiyaasha waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan qoyski iyo Caruurti uu ka geeriyooday allaha u Naxariiste Adeer oo mudda dheer ahaa Waardiyaha Iskuulka Sheekh Daa'uud .

Sabar iyo Iimaan Allaha naga siiyo Marxuumkana Ahlu janna allaha ka dhigo . Aamiin Aamiin Aamiin .

Inaa lilaahi wa Inaa Ilayhi Raajicuun .

24/04/2020

هل تعلم؟
Ma ogtahey in nabigu scw uu guriga ku tukan jirey taraawiixda asagoo umada u daneynaaya?

Sheikh Abdulhayyi Sheikh Adam

09/04/2020

Warqad furan oo ka socota Maamulka Sare Ee dugsiga Shiikh Daa'uud kuna socota Dhamaan ardayda Schoolka dhigata si loola socodsiiyo arima quseeya .

21/11/2019

21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed Hambalyo dhamaan Macalimiinta Soomaaliyeed gaar ahaan Macalimiinta Dugsiga Hoose , Dhexe iyo Sare Ee Shiikh Daa'uud .
Idinkana Hambalya nala dhaha Asxaabeey .

09/11/2019

HALISTA MARAQ-DIGAAGA

Waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.


"MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe,
MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"

Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.

Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

Lawadaag Asxaabtaada oo u SHARE garee gaarsiina Qoyskaada isticmaala Maraq-Digaaga qataryiisa ama halkaan ugu wac mid ama labo qof oo aad u isticmaala.

Somalidoc

SHARE

30/10/2019

-Ingiriisku waa af lagu hadlo dadkana lagula xiriiro sida afafka kale, ma aha halbeeg aqoon.

-Biisada iyo Beegarka (Pizza & Burger) waa cunnooyin fudud oo gaajada ka hortaga, wax xiriir ahna lama laha ilbaxnimo, sida Misirkuba uu u yahay dalag aan xiriir la laheyn saboolnimada.

-Qaxwadu waa sida shaaha oo kale, kaama dhigayso aqoonyahan, xiriirna lama laha xaqiijinta yoolkaada, heerka garaadkaaga, ama fahankaaga suugaanta iyo dhaqanka, boqolaal kitaab ayaad akhriyi kartaa aqoontaadana kor ayaad u qaadi kartaa adiga oo timir cunaya.

-Gaarigu waa nooc gaadiidka ka mid ah, ma aha wax la isugu faano, gaari in aad leedahay macneheedu waa in aad leedahay gaadiid howlahaaga kuu fududeeya.

- abtirka iyo qabiilku waa wax aadan dooranin, maan-galna ma aha inaad ku faantid wax aadan adigu sameynin ama aadan talo ku laheyn, waxaad awooddaa in aad ku faantid edebtaada iyo horumarka aad nolosha ka sameysey.

W/T: Hassan qorane

26/10/2019

قال ابن القيم رحمه الله
أربعة أشياء تمرض الجسم :
1) الكلام الكثير .
2) النوم الكثير .
3) الأكل الكثير .
4) الجماع الكثير .
وأربعة أشياء تهدم البدن :
.. 1) الهم .
2) الحزن .
3) الجوع .
4) السهر .
وأربعة تيبِّس الوجه وتذهب ماءه وبهجته :
1) الكذب .
2) الوقاحة .
3) كثرة السؤال عن غير علم .
4) كثرة الفجور .
وأربعة تزيد في ماء الوجه وبهجته :
1) التقوى .
2) الوفاء .
3) الكرم .
4) المروءة .
وأربعة تجلب الرزق :
1) قيام الليل .
2) كثرة الاستغفار بالأسحار.
3) تعاهد الصدقة .
4) الذكر أول النهار وآخره.
وأربعة تمنع الرزق :
1) نوم الصبحة .
2) قلة الصلاة .
3) الكسل .
4) الخيانة
قال رسول اللهﷺ تسليماً كثيراً
الدال على الخير كفاعله جزاكم الله خيراً كثيراً
سبحانك لا علم لنا إلا ما علمتنا إنك أنت العليم الحكيم
اللهم علمنا ما ينفعنا و انفعنا بما علمتنا إنك أنت العليم الحكيم
إذا أتممتم القراءة علقوا بما تروه مناسبا ويفضل أن نذكر الله ونؤجر والصلاة والسلام على رسول اللهﷺ تسليماً كثيراً

12/10/2019

Intaas haddii aad fahantaan waad liibaneysaan

Si hoose marka aad u eegto Quraanka waxaa kuu soo baxaya waxyaabo badan oo aadan ku baraarugsaneyn. Suuradda Xujuraat oo keliya ayaa kulmisay inta aan hoos ku qoray. Maxay kula tahay haddii aad dhawr suuradood si qotodheer u akhrido faa’iidada aad heli karto.

1- Wax- hubsada فتبينوا
2- Wax wanaajiya فأصلحوا
3- Caddaalad fala وأقسطوا
4- Ha is yasinina لا يسخر
5- Ha is aflagaadeynina لا تلمزوا
6- Magacyo xun xun haysugu yeerinina لا تنايزوا
7- Malada ka fogaada اجتنبوا كثيرا من الظن
8- Ha is xamanina لا يغتب

Ilaahaw fahan iyo ku dhaqan isla socda ayaanu kaa barinnay.

Share

Maxamed Xasan

10/10/2019

AROORYA SUUBAN

Saakay arday badan baa xiisad la aan ah waxaan idin kuugu tala galnay xisaabtaan in aad kusii gartiin xiisadiina xigta

F.G shaqada ka hor hubi xisaabta aadka shaqayn rabto shuruudaha loo maro shaqadeeda

07/10/2019

1=✔Suuradda Qur'aanka Ugu Dheer Waa 《 Suuratu Al-Baqra 》2=✔Suuradda Qur'aanka Ugu Gaaban Waa 《 Al-kowthar الکوثر 》3=✔Cabitaanka Ugu Wanaagsan Ee Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Caano ابحلیب 》4=✔Cuntada Ugu Wanaagsan Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Malabka العسل 》5=✔Aayadda Qur'aanka Ugu Weyn Waa 《 Aayatu Kursi آیة الکرسی 》6=✔Aayadda Qur'aanka Ugu Dheer Waa 《 Aayatu Diin آیة الدین 282 Al- Baqra 》7=✔Aayadda Qur'aanka Ugu Gaaban Waa {ثم نظر} Aayada 20aad Suuratu Mudathir 》8=✔Xalaasha Lanecebyahay Ee Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Furiinka الظلاق 》9=✔Tirada Ugu Dheer Ee Qur'aanka Lagusheegay Waa《 Boqol Kun ماٸة 《 ألف10=✔Kalimada Ugu dheer Qur'aanka Waa 《 فاسقیناکموه Aayada 22aad Suuratu Al-xijri لحجر》11=✔Xarafka Ugu Badan Ee Qur'aanka Adeegsaday Waa 《 Xarfu Alif حرف الألف 》12=✔Xarafka Ugu Yar Ee Qur'aanka Adeegsaday Waa 《Aldhaa الظاء 》13=✔Habeenka Ugu wanaagsan Ee Qur'aanka Lagusheegay Waa 《 Laylatul Qadri لیلة القدر 》14=✔Bisha Ugu Wanaagsan Ee Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Bisha Ramdan شهر رمضان 》15=✔Xayawaanka Ugu Weyn Ee Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Malaayga الحوت 》16=✔Xayawaanka Ugu Yar Ee Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Kaneecada البعوضه 》17=✔Suurada Ugu Wanaagsan Ee Qur'aanka Lagu Sheegay Waa 《 Suuratu Al-Faatixa سورة الفاتحه》18=✔Inta Juz Ee Qur'aanku Heesto Waa 《 30Juz ثلاثون الجز 》19=✔Suurada Lagu Xusay Nimcooyinka Rabbaaniga Ah Waa 《 Suuratu Naxli النحل 》20=✔Suuradda Aayadaheedu Yihiin Dhaar Waa 《 Suuratu Al-Shamsi الشمس 》21=✔Magacyada Alle Mida Ugu Badan Ee Quraanka Lagu Xusay Waa 《 Allah الله 》22=✔Anbiyada Alle Kan Ugu Badan Ee Qur'aanka Lagu Xusay Waa 《 موسی علیه السلام 》23=✔Ambiyada Alle Inta Ugu yar Ee Quraanka Lagu Xusay Magacyadooda Waa 《 ذو الکفل , والیسع , وإلیاس , وإدریس 》24=✔Kan Ugu Badan Fawaakihda Ee Qur'aanka Lagu Xusay Waa 《 Cinab العنب 》25=✔Cuntada Kuwaad Ee Ahlu Jannaha Waa 《 Beerka Malaayga زیادة کبد الحوت 》26=✔Acmaasha Alle Aktiisa Ugu Wanaagsan Waa《 Salaadda الصلاه 》27=✔Dadka Ugu Daran Cadaabka Meesha Ugu Hooseeso Ee Cadaabka Gali Doonaan Waa 《 Munaafiqiinta المنافقون 》28=✔Cabitaanka Ugu Sharafta Badan Ahlu Jannaha Waa《 Tasniim التسنیم 》29=✔Qofka Ugu Qanizan Ee Quraanka Lagu Sheegay Waa 《 Khaaruun قارون 》Hadaad Akhriska Dhameesay Walaal Ku Salli Nabiga Muhammed ﷺﷺﷺﷺﷺScw

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Suuq-bacaad
Mogadishu