20/07/2022
'
.......................................................................
Waa nasiib darro in Madaxwayne H.E Ahmed Mohamed Islaam uu marwalba qabto wax uu ugu yeeray dib u heshiisiin, bal hadda kulan ka dhacay kismaayo oo ay ku kulmeen inti Madaxwaynaha la safneed miyaa reer Gedo matali karto. miyaa loogu yeeri karaa dib u heshiisiin? Ma sidaas ayuuba isleeyahay way ku qabsoontay dib u heshiisiinti u ku baaqayay, waa noocaas dib u heshiisiinta uu Madaxwaynahu ku taamaya.
Madaxwaynaha waxaa la gudboon in uu xaqiiqda wajaho oo uu qabto dib u heshiisiin dhab ah.
Cc
Jubaland State House
23/06/2022
#
Dhismihi Jubbaland Waxaa lagu qaybsaday xildhibaanada tirada degmooyinka ee bulshadu degentahay marka laga reebo dhowr kursi oo uu MW H.E Ahmed Mohamed Islaam Magacaabay.
Xilligi xildhibaanada la qaybsanayay ee lagu salaynayay degmooyinka waxa uu diiday Madaxwayne Axmed in uu dhaqan geliyo degmooyinka (oo ahayd degmooyinki Dowladdi h**e), Halka uu aqoonsaday Madaxwaynuhu degmada # isaga oo ku daray degmooyinka lagu qaybsaday qoondada Xildhibaanada.
Muddo 10sanno ku dhawaad ah oo uu khilaaf hareeyey Jubbaland kaas oo ka dhashay ka tagidda labada degmo, ayuu maantay Madaxweynuhu go'aansaday in uu degmo u aqoonsado degmada Dhoobley isaga oo ugu waqlalay mid kamid ah degmooyinki laga tagay Waa BUURDHUUBE 'e'.
Wali Madaxwaynaha Waxa uu sii wadaa loolanka tirada degmooyinka isaga oo marwalba iska hormarinaya Madaxwayne Ku xigeenka 1aad ee ka soo jeedo Gobalka Gedo.
Waxa aan sugnaabo waa ansixinta degmo kale iyada oo CEELCADDE loogu waqlalayo.
Jubbaland Waxa ay u baahantahay habraac sax ah oo loo maro Magacaabidda degmooyinka ee suurtagal ma'ahan in marwalbo xalin siyaasadeed iyo rabitaan shakhsi lagu magacaabo degmooyin cusub.
09/01/2022
ILA AKHRISO WARKA ODOYAASHI
24/12/2021
#
Waxa aan ugu hambalyeynayaa walaashey qalin-jabinta Jaamacadda heerkeeda koobaad ee Maamulk Guud ( Bachelor of Public Admiistration).
Walaale Allahaa kuu barakeeyo cilmigaad baratey, waxa aana kuu rajeynyaa guulo badan.
22/12/2021
Madaxda Soomaalida aad ayay u fududyihiin xaga go'aan qaadashada, waa nasiib darro in dad astaamahaas leh aan nasiib u yeelanay in ay noo noqdaan hogaamiyayaal.
Inta ay dowladdaan jirtey waxaa soo batey in ay madaxda go'aanada ku qaataan xogta baraha bulshada, iyagoo awooda in ay qaataan go'aano aan laab la kac ku dhisneen.
Hadda waxaa laga shaqeynayaa khilaaf laga dhex abuuro Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha, iyadoo la wada ogsoonyahay xaaladda uu dalku ku jiro.
Haddaba mudanayaal fadlan go'aanadiina u qaata si waafaqsan habka go'aan qaadashada ku dhisan anshaxa
20/12/2021
Innaka haddii aan nahay shacab weynaha caadiga ah waan maqlaynay shanqarta dhismaha xeebta u dhaw, dadkana waxa ay lahaa yeen wadaadka laftigiisa weeye, waxaana innoo xigtey warka taliyaha.
Adigu shanqarta dhismaha ma maqleysay akhristoow.
Tankale taliyaha badda gartaye, Generalka kale asaga ma taliyaha raysal wasaarahaa suu ugu jawaabayaa. Bal adbo
08/12/2021
#
Bal Kawaran qof marka uu awood leeyahey sameeya dulmi ama ku garab istaaga dulmiga reerkiisa, kooxdiisa iyo Saaxiibadii, Marka uu haleelo laftigiisa isla_dulmigii uu sameyn jiray, uu noo sheego in uu dulmane yahey oo aysan xaq ahayn waxa lagu sameynayo, walibo uu dadka iyo dalkaba kharibayo.
1.Tusaale, bal dib u fiiri, cadaalad daradii ay samaysay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahayd boobka xildhibaanada iyo Boobka hantida dadwaynaha, sida dhulkii gegida dayuuradaha u dhawaa, Maantey iyagi ayaa ka sheeganaya isla_dulmigii oo kale oo waxa ay ina leeyihiin kuraas ayaa inagala boobayaa ama hanti baa inagala dhacayaa.
2.Tusaale, kale, dib u xasuuso, dulmigii Is_doorashadii Madaxweyna Axmed Madoobe oo ay garab istaageen dad badan oo siyaasiyiin iyo ehelba lahaa oo Maantayna isla iyagii innoo sheegaya in lagu samaynaya dulmigii ay samayn jireen.
3. Hadda Waxaa gardarro wado Dowladda xilligaan jirto oo ay ugu horreeyaan boobidda xildhibaanada in kastoo maamuladana ay dhinacooda wax ka boobayaan.
Su'aashu waxa ay tahey haddii uu dulmigu yahay xalaal xilligaaga , sideen kaaga yeelnaa in uu xaaraan yahay marka uu dulmigii adiga kugu yimaado.
Waxa aad arki doontaa kuwa maantay dulmiga taageeraya oo beri innooga cabanaya in isla dulankii.
DIID DULMIGA MAALINKAAD AWOOD LEEDAHAY INTA AANAN LAGU DULMININ
Mr. HOSH
29/11/2021
Mudane Raisal Wasaare Mohamed Hussein Roble Waxba ha'isku xiijinin hufnaanta doorashada, Sababtoo ah surtagal ma'ahan in uu dhurwaa u cadaalad sameeyo ariga qoysaska dariska wada ah.
Doorashada waxa loo dadbayey ayaaba ahayd in aysan u dhicin si hufan , waxa uuna boobka soo billaabmey marki aqalka sare la billaabey mana suurtagaleyso in loo helo hufnaan kuraasta harsan.
27/11/2021
#
Waxa aan ugu hambalyeynayaa walaalkey Mohamed Abdikheyr ka qalin-jabinta Jaamacadda heerkeeda koobaad ee Ganacsiga iyo Xisaabaadka ( Bachelor of Commerce in accounting-Option).
Walaale Allahaa kuu barakeeyo cilmigaad baratey oo runtii la xariiro shaqooyinka aad heysid, waxaana kuu rajeynayaa guulo badan oo wanaagsan.