Hada soo gaar iskuulka luuqadaha, xisaabaadka iyo caafimaadka ee Shaafi School.
Date: 26/03/2026.
Shaafi School
Shaafi waa horumariyaha ardayda Soomaaliyeed ee jecel waxbarashada.
03/01/2026
Jimco, 2, January, 2026; waxaa Deg. Gubadley nooga qabsoontay munaasabadda xafladda qalin-beddeleshada dufcadda sedaxaad ee maadada caafimaadka iskuulka Shaafi.
Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay, arday, macallimiin, waalidiin, marti-sharaf, mas'uuliyiin iyo qeybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay.
Intii ay socotay xafladda waxaa la soo jeediyey kelmado iyo muxaadarooyin intooda badan ahaa dhiiri-gelin, baraarujin, dardaaran, duco iyo hambalyeyn, waxaana lagu dheeraday ka hadalka muhiimada waxbarashadu leeyahay, gaar ahaan maadada caafimaadka.
Maamulka iskuulka Shaafi, Al-Ustaad Dahir Nuur Alasow oo madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ku dheeraday ka hadalka taariikhda iskuulka, ahmiyadda loo aas-aasay, waxa uu hiigsanaayo iskuulka, dufcadihii ka aflaxay iskuulka, dardaaran iyo hambalyeynba, waxa uuna ugu dambayntii uu soo xiray xafladda iyo munaasabaddii loo sameeyey dufcadda sedaxaad ee maadada caafimaadka ee ka aflaxda iskuulka Shaafi.
Ugu dambayn, xafladda waxa ay noogu soo dhammaatay si qurxoon oo jawi deggan leh.
~ Dhammaad ~
Qeybtii 3aad;
Xafladda Qalin bedelashada dufcadda labaad ee Shaafi School.
~Khudbadda maamulaha iskuulka Shaafi,
Al-ustaad Dahir Nur Alasow, uu ka jeediyay madasha oo uu kaga hadlayay marxaladihii uu soo maray iskuulku, ujeedada loo aas-aasay, iyo ahdaafta uu hiigsanaayo iskuulku. Sidoo kale wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda ka qalin bedelatay maadada caafimaadka.
Qeybtii 2aad;
Qalin bedelashada dufcadda labaad ee Shaafi School.
~Khudbadda maamulaha dugsiga Imam-Omar primary and secondary school ex Gubadley sare,
Al-ustaad Mukhtar Abdi Gaabow.
Qalin bedelashada dufcadda labaad ee Shaafi School.
Qeybta 1aad.
Khudbada baraha caafimaadka, Al-ustaad Ibraahimhassan Jeyte.
Hordhac;
Qalin bedelashada dufcada labaad ee Shaafi School.
14/12/2024
Jimco, 13, December, 2024; waxaa hoteelka Xuurshoow ee Deg. Gubadley nooga qabsoontay munaasabadda xafladda qalin-beddeleshada dufcadda labaad ee maadada caafimaadka iskuulka Shaafi.
Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay, arday, macallimiin, waalidiin, marti-sharaf, mas'uuliyiin iyo qeybaha kale ee bulshadu ka kooban tahay.
Intii ay socotay xafladda waxaa la soo jeediyey kelmado iyo muxaadarooyin intooda badan ahaa dhiiri-gelin, baraarujin, dardaaran, duco, madadaalo iyo hambalyeyn, waxaana lagu dheeraday ka hadalka muhiimada waxbarashada leeyahay, gaar ahaan maadada caafimaadka.
Maamulka iskuulka Shaafi, Al-Ustaad Dahir Nuur Alasow oo madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ku dheeraday ka hadalka taariikhda iskuulka, ahmiyadda loo aas-aasay, waxa uu hiigsanaayo iskuulka, dufcadihii ka aflaxay iskuulka, dardaaran iyo hambalyeynba, waxa uuna ugu dambayntii uu soo xiray xafladda iyo munaasabaddii loo sameeyey dufcadda labaad ee maadada caafimaadka ee ka aflaxda iskuulka Shaafi.
Ugu dambayn, xafladda waxa ay noogu soo dhammaatay si qurxoon oo jawi deggan leh.
- Dhammaad -
21/11/2024
Hambalyo hambalyo hambalyo, iskuulka 𝐒𝐡𝐚𝐚𝐟𝐢 wuxuu dhambaal hambalyo ah halkaan uga dirayaa dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan .
Si gaar ah macallimiinta Shaafi School .
munaasabadda 21ka November awgeed, tasoo ah maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
"macallinku waa soo saaraha Bulsho aqoon iyo akhalaaq ku hubaysan".
Mahadsanid macallin, abaalkaaga janno ALLE haka dhigo.❤️🙏🙏
18/08/2024
Bismillaah
Guud ahaan bahda Hima School & Shaafi School oo wada jira waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, gaar ahaan ardaydii dhiganeysay koorsada fasalka Sideed, kuwaas oo guul ka gaaray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe uuna qaadayay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. AWGB . AWGB waxaana leenahay hambalyo horena u sii wata waxbarashadiinna illaa aad ka gaartaan yoolka aad waxbarashada ka leedihiin.
Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.
18/07/2024
Jimco Wanaagsan dhammaan bulsho weynta nagu xiran.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Karaan
Mogadishu