Remembers 2023 Nurul Bayan Primary
Nurul Bayan Primary And secondary School
Nurul Bayan Waa Barbaariyaha Jiilka Maanta
09/04/2026
Fariin Muhiim ah oo Ku Socota Ardayda: ”Waqtigaaga Ka Faa’iidayso”
Ardayda Fasalka Labaad oo Sameynaya Baaritaanka Dhiigga Dugsiga Nurul Bayan, waxbarashadu k**a koobna fasalka oo keliya!
05/04/2026
🩸 Ardayda form two (Fasalka Labaad EE dugsiga sare) oo Sameynaya Baaritaanka Nooca Dhiigga.
Dugsiga Nurul Bayan Primary & Secondary School.
Waxaan aaminsan-nahay in waxbarashada dhabta ahi ay timaado marka la isku daro aragti (theory) iyo tijaabo ama sameyn (practical). Ardayda fasalka labaad ee dugsiga sare ayaa dhowaan sameeyay baaritaanka nooca dhiigga taasi oo qayb ka ah casharradooda maadada biology oo ah maado saynis ah.
Hawshaan gacanta laga qabtay ee practicalka ah waxay ka caawisay ardayda inay fahmaan muhiimada noocyada dhiigga ee nolosha sida daryeelka caafimaadka, ku-deeqidda dhiigga ama dhiig bixinta, dhiig qaadashada, iyo xaaladaha degdegga ah. Iyagoo uu hagayo macallimkooda maadada biology-ga(Ustaad Mahad Aadan Cabdullaahi), ardaydu si taxaddar leh ayay u raaceen habraacyada cilmiga caaafimaadka iyo sayniska, waxayna isticmaaleen qalabka shaybaarka si sax ah oo dhameystiran, isla markaana waxay diiwaan geliyeen natiijooyinkooda.
Waxaan ku faraxsan-nahay inaan aragno ardaydeena oo firfircoon, xiiso u leh waxbarashada, isla markaana horumarinaya xirfado muhiim ah oo sayniska iyo caafimaadka ah. Hawlaha noocan oo kale ah waxay dhisaan kalsooni, fikir qoto dheer, waxayna ardayda u diyaariyaan mustaqbalka xirfadaha caafimaadka iyo sayniska.
🌟 Dugsiga Nurul Bayan, waxaan dhiseynaa jiil aqoon leh, xirfad leh, isla markaana masuul ah.
BISMILAAH
Hambalyo iyo bogaadin dhammaan macalimiinta soomaaliyeed gaar ahaan halgamayaasha NUURUL-BAYAAN EE AAN SHAQA WADAAGTA NAHAY
Barashadu Tacliin weeye
Caqli iyo aqoon weeye
Abtada ka toos weeye
Kaalay suudka xiro weeye
Wadanka usaree weeye
Samaanta u horee weeye
Xumaantana la dirir weeye
Xaqiiqdana ku soco weeye
Maladana ka toos weeye
Macalinkoow bar soo maaha
Ardaygoow ka baro maaha
Ku barbaar Tacliin maaha
Ku bulaal aqoon maaha
Aduunyada halkaad doonto
Ku durduuro soo maaha
Jahli madaxa jebi maaha
Aqoontana dawee maaha
Dulmiga dabaq ka tuur maaha
Maaree mushkilad maaha
Miisaan maqaan fiican
Bulshada ku dhex lahaaw maaha.
15/11/2025
بسم الله الرحمن الرحيم
15/ November/ 2025
Alle idinkii waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Billaha sanad dugsiyeedka 2025-2026 ee dugsiga NUTUL-BAYAN.
24/10/2025
Weydiin CILMIGA BULSHADA ah
iyo weydiin TAARIIKH ah
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu