Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya Ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya Ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Share

Page-kan waxa uu u gaar yahay Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

12/08/2026

HADDA CODSOโ€“ABUUR INITIATIVE 2026 WUU FURAN YAHAYโ€ฆ

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay shaacinaysaa furitaanka codsiyada Barnaamijka ABUUR Initiative 2026 Wejigiisa 1aad.

ABUUR Initiative waa barnaamij soconaya 12 bilood, kaas oo loogu talagalay kobcinta hal-abuurka iyo ganacsiga ardayda, laguna taageerayo inay fikradaha hal-abuurka leh ee ardayda u beddelaan fursado ganacsi oo la hirgelin karo.

Codsigu wuxuu xirmayaa: 25 Agoosto 2026.
Codso hadda oo kuji link-ga hoose:

https://forms.cloud.microsoft/r/GFD5gyDVCz

ABUUR Initiative 2026-Fikraddaada u Beddel Fursad Ganacsi!

31/07/2026

๐…๐š๐ฌ๐š๐ฑ๐š๐š๐ ๐š ๐ฎ ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ.

course Arduio(IoT) oo ay soo agaasimeen Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya Ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay idin diyaarsay coursekaan oo socon doono muddo bil ah kaliya.

Haddii aad danaynayso inaad horumariso xirfadahaaga farsamo oo aad barato Arduino iyo IoT si wax-ku-ool ah, iska diiwaangeli adigoo adeegsanaya lifaaqa hoose.

https://forms.gle/esZcDPoFHwjb6Yzv8

27/07/2026

๐“๐ฎ๐ซ๐ง ๐ฒ๐จ๐ฎ๐ซ ๐ข๐๐ž๐š๐ฌ ๐ข๐ง๐ญ๐จ ๐ซ๐ž๐š๐ฅ๐ข๐ญ๐ฒ.

17/07/2026

๐Ÿ† HAMBALYO ENG. XASAN CABDULLAHI โšฝ

Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ๐„๐ง๐ . ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข, ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐€๐›๐š๐š๐ฅ-๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐จ๐ฅ-๐๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐€๐‘๐“๐€๐ ๐‚๐”๐ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, ๐ค๐š๐๐๐ข๐› ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Ÿ• ๐ ๐จ๐จ๐ฅ, ๐ข๐ฌ๐š๐ ๐จ๐จ ๐ง๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐ ๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ซ๐ซ๐ž๐ž๐ฒ๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š.

Guushan waxay caddeyn u tahay kartidiisa, dadaalkiisa, iyo kaalinta muuqata ee uu ka qaatay guulaha Kulliyadda Injineeriya intii uu socday tartanka.

Waxaan kuu rajaynaynaa guulo ka sii waaweyn mustaqbalka. Kulliyadda Injineeriya way kugu faantaa.

11/07/2026

Midowga Ardeyda Kulliyadda Injineeriya ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa , ๐„๐ง๐ . ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฆ ๐Š๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ข๐Ÿ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ,oo si guul leh u hantiyay shahaadada caalamiga ah ee ๐๐ซ๐จ๐ฃ๐ž๐œ๐ญ ๐Œ๐š๐ง๐š๐ ๐ž๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐๐ซ๐จ๐Ÿ๐ž๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐š๐ฅ (๐๐Œ๐).

Guushan qiimaha badan waxay ka tarjumaysaa dadaal, karti, iyo himilo sare oo horseeday horumar xirfadeed oo la taaban karo. Waxaan kuu rajaynaynaa in aqoontan iyo xirfaddan ay kuu noqdaan kuwo kuu horseeda guulo waaweyn iyo fursado cusub oo aad uga sii dhex muuqato hoggaaminta iyo maamulka mashaariicda.

Hambalyo mar kale, waxaana kuu rajaynaynaa guul joogto ah, horumar aan kala go' lahayn, iyo mustaqbal ifaya. ๐ŸŒŸ.

Photos from Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya Ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 03/07/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriyada, ๐„๐ง๐ . ๐Œ๐ฎ๐œ๐š๐š๐ฐ๐ข๐ฒ๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐‚๐š๐ฅ๐ข , isaga oo matalaya Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š, ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐, uu ugu mahadcelinayay masuuliyiintii, hayโ€™adihii iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay qabanqaabada iyo hirgelinta munaasabadda dabaal-degga Xorriyadda Soomaaliya.

Ka qeybgalka munaasabaddan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Kulliyadda Injineeriyada ay ku leedahay ka qeybqaadashada munaasabadaha qaran iyo matalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Eng. Mucaawiye Cabdi Cali, isagoo ku hadlaya magaca Kulliyadda Injineeriyada, wuxuu uga mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay munaasabaddan qaran ee qiimaha badan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo horumarinta dalka.

Abdinur Mohamed Mohamud
Xoghayaha Midowga Ardayda Kulliyadda Injineeriya Ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed .

01/07/2026

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด ๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Ÿ-๐๐š ๐‹๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ โ€“ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐ซ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ข๐๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ง๐ฃ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

01/07/2026

Kulliyadda Injineeriyada waxay mar kale muujisay inay tahay laf-dhabarta bahda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo door muuqda oo sharaf leh ka qaadatay dabaal-degga munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo.

01/07/2026

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด Hambalyo 1-da Luulyo โ€“ Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Kulliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ka tirsan bahda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxay si sharaf iyo waddaniyad leh uga qayb gashay munaasabadda weyn ee dabaal-degga 1-da Luulyo, oo ah maalinta xorriyadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ka qaybgalka munaasabaddan wuxuu muujinayaa doorka ay Kulliyadda Injineeriyadu ku leedahay dhiirrigelinta waddaniyadda, midnimada, iyo ka qaybqaadashada munaasabadaha qaran ee xoojiya isku duubnida bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, annagoo Alle uga baryeyna inuu dalkeenna siiyo nabad, horumar, iyo barwaaqo.

Hambalyo 1-da Luulyo! Viva Soomaaliya. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu