05/09/2025
🌱🍅 Safarkeena Anna F1 Tomatoes – Laga soo bilaabo Abuur ilaa Goosasho 🍅🌱.
Alxamdulilah; waxaynu ku guueysaney safar xiiso iyo casharro badan xanbaarsana, oo ahaa beerashada Anna F1 Tomatoes.
📌 Talaabooyinka Safarka:
1: Diyaarinta Dhulka (Land Preparation):
Waxaan dhulkii aynu ku beeri laheen u diyaarinay si nidaamsan. Tani waa aasaaska beer wanaagsan, maxaa yeelay dhul caafimaad qaba wuxuu siinayaa geedka fursad wanaagsan oo koritaan iyo miro dhal.
2: Abuur & Beerid (Nursery & Transplanting):
Waxaan ku bilownay nursery si aan u helno geedo yaryar oo adkeysi leh. Markay adkaadeen, waxaan u guurinay greenhouse-ka, halkaas oo ay ka helayaan heerkul iyo ilaalin dheeraad ah oo koritaanka fududeeya.
3: Bacriminta & Waraabinta (Fertilization & Irrigation):
Waxaan adeegsannay isku darka bacriminta dheelitiran iyo nidaamka drip irrigation. Taas oo naga caawisey in geed kastaa si siman u helo biyo iyo nafaqo, iyadoo aan khasaaro badan jirin.
4: Daryeelka Dalagga (Crop Management):
Waxaan si joogta ah ula soconey dalagga si aan ugu hortagno cudurrada, cayayaanka iyo goynta laamaha xad-dhaafka ah.
5: Ubax & Miro (Flowering & Fruiting):
Markii geeduhu ubaxeen, waxa aanu aragnay miro cusub oo yaanyo ah oo soo baxay. Tani waxay ahayd marxalad farxad badan oo muujisay dadaalkeena iyo qorshahena.
6: Goosashada (Harvesting):
Ugu dambeyntii, waxaan helnay yaanyo caafimaad leh, casaan qurux badan oo tayo sare leh, kuwaas oo diyaar u noqday suuqyada.
B9 General Agriculture Students at SNU
Plant Protection SNU -B9-
A-Z Anna F1 Tomatoes 🍅.
06/06/2025
🌙 Eid Wanaagsan! 🕋
عيد أضحى مبارك وكل عام وانتم بخير.
Dhammaan asxaabta halkaan ku xiran waxaan idiin leenahay Ciid Wanaagsan!
Ilaahay ha inaga aqbalo camalkii wanaagsanaa ee aan samaynay, hana inoo wada denbi dhaafo.
Mar kale ciid wanagsan;
Ardeyda B9-Agriculture waxey idin rajaynayaan caafimaad, barako iyo farxad ina ku ciiddaan 🎉🕌🐑.
B9 General Agriculture Students at SNU
12/05/2025
12-ka May 2025 waa Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta (International Day of Plant Health).
Maalintan waxaa la xusaa sanad walba si loo wacyigeliyo bulshada caalamka muhiimadda ay dhirtu u leedahay caafimaadka deegaanka, amniga cunnada, iyo dhaqaalaha.
Ujeeddooyinka Maalintan waxaa ka mid ah:
1. In la xoojiyo ilaalinta dhirta si looga hortago cudurrada iyo cayayaanka waxyeeleeya.
2. Kor u qaadista amniga cunnada maadaama dhirtu tahay il muhiim ah oo cunto iyo daawo ah.
3. Dhiirrigelinta siyaasado iyo sharciyo lagu ilaalinayo caafimaadka dhirta.
4. La dagaallanka isbeddelka cimilada iyada oo la taageerayo dhir caafimaad qaba oo deegaannada adkaysta.
B9 General Agriculture Students at SNU
Guuleysta Plant Protection SNU -B9-.
14/04/2025
Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Anigoo ah Liibaan Abdullah jimcaale (mr tiiba) , waxaan rabaa inaan umahadcaliyo dhamaan ardayda Kulliyadda beeraha iyo cilmiga deegaanka sida wanaagsan ee aad ii doorateen in aan noqdo gudoomiyaha ardayda kulliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jaamacada ummada soomaaliyeed.
Waadku mahadsan tihiin sida aad u muujiseen kalsoonidiina, garab istaagiina, iyo dhiirrigelintiina waqtigii aan u tartamayay xilka guddoomiyaha.
Codkiina iyo taageeradiinu waxay ii ahaayeen astaan muujinaysa midnimo, Isfahan , iyo rajo cusub oo aynu si wadajir ah u abuuri doono.
Waxaan diyaar u ahay inaan si daacadnimo, hufnaan iyo hogaamin toosan ku shaqeeyo, aniga oo u taagan danta guud ee ardayda.
Mahadsanidiin.
From liibaan Abdullah jimcaale “mr tiiba “
Gudoomiyaha ardayda kulliyada B&CD.
13/04/2025
HAMBALYO!
Waxaan si kal iyo laab ah halkaan ugu hambalyeyneyna Liban Abdullahi Jimcale oo ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Tani waa guul weyn oo aan ku wada faraxsanahay, waxayna caddeyneysaa dadaalka, kartida, iyo hoggaaminta wanaagsan ee Liiban.
Guul iyo horumar joogto ah ayeynu kuu rajeyneynaa!
13/04/2025
Ku maalgasho codkaga mid ka mid ah hal abuurada (abwaan/qoraa) da'da yar ee somaliyeed oo u heelan horumarinta iyo mideynta KB&CD.
Invest your vote for one of the young Somali creatives (poet/writer) who is committed to the development and unification of the Faculty of Agriculture and Environmental Science.
Vote for "Mr Tiiba".
30/03/2025
✨ Ciid Wanaagsan! ✨
Dhamaan walaalaha Muslimiinta ah, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.
Alle ha inaga aqbalo acmaasheena suuban, hana inagu gaarsiiyo ciidaha dambe nabad iyo barwaaqo.
Farxad iyo rayn-rayn ku ciida, meel kasta oo aad joogtaan!
كل عام وأنتم بخير
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
B9 General Agriculture Students at SNU.
24/03/2025
Ardayda Kulliyadda Beeraha iyo cilmiga deegaanka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka qayb-qaatay Afutinta maalintii 21-aad ee barnaamijka kheyriga ah ee afurinta dadka danyarta ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Barnamijkaan oo sanadla ah oo ay ka qeyb qabtaan dhamaan Ardayda Jamacadda Ummadda Somaliyeed ayaa waxaa lagu afur siiyaa qoysas Danyar ah kuwaas oo ku nool kaamam ka ku yaalo Mogadishu.
.
.
24/03/2025
Hambalyo Batch 7 - Agriculture! 🎓🌿
Anagoo ah Batch 9 - Agriculture ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ee waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa walaalaheenna Batch 7 - Agriculture oo maanta qalin jabinaya.
Dadaalkiinna, samirkiinna, iyo juhdigiinna maanta midho dhal ayuu noqday, waana guul ay umadda iyo dalkuba idiin la qabaan. Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn oo aad ku horumarisaan dhinaca Agriculture iyo horumarinta dalkeenna.
Guul iyo Gobanimo! 🎉🌾🎓